Madaxda Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo xarunta ku shaqo billaabay 27 sano ka dib

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada inay muddo kooban gudaheed ku guuleysteen inay si buuxda ugu shaqeeyaan xarunta rasmiga ah ee Wasaaradda.

Isagoo hadlayay ka dib markii uu soo booqday dhismaha Wasaaradda, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu sheegay in tallaabadani ay si weyn kor ugu qaadi doonto wax-soo-saarka iyo niyadda shaqaalaha, isla markaasna suurtogelin karta isla xisaabtan buuxa.

Waa markii ugu horreysay ee dhismaha Wasaaradda ay si buuxda ugu shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Hase yeeshee, markii ay soo gabagaboobeen waxyaabo ka dhinnaa dhismaha oo la sameeyay bilihii la soo dhaafay, waxaa la soo xiray xafiisyadii kale, iyadoo madaxda wasaaraddu ay si rasmi ah ugu shaqo billaabeen xaruntii ay Wasaaraddu lahayd.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in aysan suurto geli karin fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda haddii aysan masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaaluhu ku wada shaqeynin hal meel, isaga oo sidoo kale ka mahadceliyey martigelinta Wasaaradda Warfaafinta ee muddadaas dheer.

“Guuritaanka rasmiga ah ee madaxda wasaaradda iyo xiritaanka xafiisyadii kale waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay inaan dalkeena iyo dadkeena u adeegno. Waxaan aaminsanahay inaan shaqo wanaagsan la qaban karin haddii maamulka sare iyo shaqaaluhu aysan isku meel ku shaqeyneynin, waayo ma jiri karaan wada-shaqeyn iyo isla-xisaabtan” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...