Tababbar loo furey ergada soo xuleysa golaha deegaanka Xudur

Date:

Doorashada golaha deegaanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa muddooyinkan halkaas ka socotay, shalay magaalada Xudur waxaa ka furmey tababbar loo furey 150 ergo oo soo xulaya xubnaha golaha deegaanka degmadaas.

Tababbarkan ayaa socon doona Lix beri, waxaana ergadaas laga soo xuley 10 qabiil oo degta degmada Xudur.

Barnaamijkan lagu dhisayo golaha deegaanka qaar kamid ah degmooyinka dalka ayaa waxaa maalgelinaysa Qaramada Midoobay, waxaase fulinaya dhowr hey’addood oo ay kamid tahay CRD.

Degmada Xudur, ayaa lagu bilaabay barnaamijkan dhismaha goliyaasha deegaanada, xilka guddoomiyaha degmada Xudur ayaa waxaa u taagan in ka badan 10 musharax oo uu ku jiro kan hadda haya xilkaas.

Musharaxiinta u taagan xilkan ayaa intooda ugu badan ah dhalinyarada wax soo baratay iyadoo guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo xilkaas soo hayay ilaa 2000 oo mar kale y taagan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...