Maxaabiista kujirta Cabsiga Gaalkayo ee dembiyada fudud cafis ayaa loo fidinayaa

Date:

Ku dhawaad  40 maxaabiis oo u xiran faldembiyeedyo kaladuwan ayaa ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalaad Gaalkacyo ee Dowlada Goboleedka Galmudug, kuwaasi oo xaaladooda ay tahay mid laga deyrinayo.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dib loo eegi doono xaaladda Maxaabiistaasi,islamarkaana cafis loo fidin doono dadka dembiyadooda ay fudud yihiin oo ku jira Xabsiga, kadib kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda Maxaabiista oo ay halkaasi ku tageen Wasiiro iyo mas’uuliuyiin kale oo katirsan Galmudug.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka  Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii daryeel wanaagsan ay u helilahaayeen dadkaasi Xabsiga kujira.

“Waxyaalo badan ayaa soo aragnay,baahiyo badan ayaa jira,wixii aan aragnay waan lalaabanaynaa, go,aan ayaa laga gaarayaa, in maxaabiista dembiyada fudud cafis loogu fidin lahaa maadaama waqti Ciid ah la joogo,sidoo kale daryeel caafimaad ayay baahi u qabaan”, Ayuu yiri Wasiir Colaad.

Maxaabiista kujirta Xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo qab qabtay faldembiyeedyo kaladuwan,oo ay kujiraan dhac iyo dhibaatooyin kale oo ammaanka laxiriira.

#SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...