Maxaabiista kujirta Cabsiga Gaalkayo ee dembiyada fudud cafis ayaa loo fidinayaa

Date:

Ku dhawaad  40 maxaabiis oo u xiran faldembiyeedyo kaladuwan ayaa ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalaad Gaalkacyo ee Dowlada Goboleedka Galmudug, kuwaasi oo xaaladooda ay tahay mid laga deyrinayo.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dib loo eegi doono xaaladda Maxaabiistaasi,islamarkaana cafis loo fidin doono dadka dembiyadooda ay fudud yihiin oo ku jira Xabsiga, kadib kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda Maxaabiista oo ay halkaasi ku tageen Wasiiro iyo mas’uuliuyiin kale oo katirsan Galmudug.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka  Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii daryeel wanaagsan ay u helilahaayeen dadkaasi Xabsiga kujira.

“Waxyaalo badan ayaa soo aragnay,baahiyo badan ayaa jira,wixii aan aragnay waan lalaabanaynaa, go,aan ayaa laga gaarayaa, in maxaabiista dembiyada fudud cafis loogu fidin lahaa maadaama waqti Ciid ah la joogo,sidoo kale daryeel caafimaad ayay baahi u qabaan”, Ayuu yiri Wasiir Colaad.

Maxaabiista kujirta Xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo qab qabtay faldembiyeedyo kaladuwan,oo ay kujiraan dhac iyo dhibaatooyin kale oo ammaanka laxiriira.

#SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...