Angela Merkel “Turkiga Meelna ugama banaana Midowga Yurub”

Date:

Berliin-(SONNA)- Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo ka qaybgashay dood Telifishinka oo dhex martay iyada iyo ninka loollanka adag kala dhexeeyo doorashooyinka soo socda ee xisbiga Hantiwadaagga, Martin Schulz ayaa ballan qaaday inay joojin doonto sii socoshada wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Merkel waxay ku adkaysatay in haddii ay doorashada soo socota ku guulaysato ay ku shaqayn doonto  waajibnimada in aan turkiga waligii xubin ka noqon midowga Yurub, arinkaasna kala hadli doonto saaxiibadeeda midowga yurub si mowqif midaysan looga qaato, loona xadido mudada kama danbaysta ah ee wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Illaa haddaMa jirto wax jawaab ah  ee dhinaca Turkiga oo ku saabsan Mowqifka Cusub ee Angela Merkel oo u muuqda hanjabaad sii kala fogayn karta Berliin iyo Ankara.

Xiriirka labadan dal ka dhexeeya ayaa mugdi sii galayay, waxayna muddooyinkaan danbe is dhaafsanayeen hadallo qallafsan oo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayay.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa bishii tagtay ku timaamay madaxda Xisbiga xukuma jarmalka ee CDU inay yihiin Cadowga Turkiga, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha Jarmalka ee asalkoodu turkiga yahay in aysan u codayn Xisbiga Angela Merkel.

Doorashadaan ka dhici doonta dalka Jarmalka ayaa dadka codaynta xaqa u leh waxaa ka mid ah afar Milyan oo qof oo asalkoodu Turki yahay, kuwaasi oo natiijada doorashada saamayn ku yeelan kara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...