Tababbar loo furey ergada soo xuleysa golaha deegaanka Xudur

Date:

Xuddur-Bakool-Doorashada golaha deegaanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa muddooyinkan halkaas ka socotay, shalay magaalada Xudur waxaa ka furmey tababbar loo furey 150 ergo oo soo xulaya xubnaha golaha deegaanka degmadaas.

Tababbarkan ayaa socon doona Lix beri, waxaana ergadaas laga soo xuley 10 qabiil oo degta degmada Xudur.

Barnaamijkan lagu dhisayo golaha deegaanka qaar kamid ah degmooyinka dalka ayaa waxaa maalgelinaysa Qaramada Midoobay, waxaase fulinaya dhowr hey’addood oo ay kamid tahay CRD.

Degmada Xudur, ayaa lagu bilaabay barnaamijkan dhismaha goliyaasha deegaanada, xilka guddoomiyaha degmada Xudur ayaa waxaa u taagan in ka badan 10 musharax oo uu ku jiro kan hadda haya xilkaas.

Musharaxiinta u taagan xilkan ayaa intooda ugu badan ah dhalinyarada wax soo baratay iyadoo guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo xilkaas soo hayay ilaa 2000 oo mar kale y taagan yahay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...