Culimada Soomaaliyeed ee ku nool South Africa oo shir muhiim ah uga furmay Johannesburg

Date:

Shirka 15 aad ee golaha Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa ee magacoodu yahay Al-Bayaan oo inta badan gacanta ku heysta goobaha waxbarashada iyo Masaajidda Soomaalida ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Johannesburg, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee hey’adda oo ka kala yimid gudaha dalka South Africa.

“Shirkaan waaa shirkii 15 aad ee la qabto, ajandaha waaa badan yahay waaa kuwa idin horyaala sidaas ayuu ku socon doona labada maalin ee uu socdo waxaana laga doodaya arimo dhowr ah” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Hey’ada Culimada Al-bayaan Axmed Cabdi “Axmed Dheere” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Ajandayaal badan ayaa sanadkaan horyaala culimada oo ay ka doodayaan isla markaana la doonayo in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore la qorsheeyay ee soo laabtay, waxaana ka mid ah Arimaha waxbarashada, dhallinyarada, wacyigalinta bulshada, muslimiinta cusub iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.

“Ujeeda kulankaan loo qabto waa mid ku qotonta arrimaha muhimka u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan South Africa, waxaa laga doodaya qodobada loo baahan yahay in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore nagu soo laabtay” Sheekh Xasan Guurre Hogaanka guud ee hey’ada Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa Al bayaan.

Sanad walba ayaa kulankaan lagu qabtaa midka mid ah magaalooyinka dalka South Africa waxaana culimada ay inta badan diiradda ku saaraan kulmadaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa gaar ahaan wacyigalinta diiniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...