Akhriso qodobada ay ku heshiiyeen Maamulada Puntland iyo Galmudug

Date:

Wasiirka Dib-u-heshisiinta iyo Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa ka hadlay shirkii lagu soo gabo gabeeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga.

Kadib shir muddo shan maalin u socday maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa lagu heshiiyay toban qodob, kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha amniga.

  1. In laga hortago waxkasta oo keeni kara colaad, lana joojiyo dhaq dhaqaaq ciidan, iyadoo la hubinayo in ciidamada ay ku ekaadaan xarumahooda.
  2. In la isla qaato Nabadda, lana gaarsiiyo dadka Gobolka ku nool
  3. Waxaa la isku afgartay in muddo 90 cisho gudahood lagu qabto shir weyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo qilfaafaadka gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisan guddiyo farsamo
  4. In labada maamul ay si dhameystiran u hergeliyaan heshiiskii la galay 22-kii June 2017 iyo kuwii ka horeeyay.
  5. In la furo waddooyinka xiran, lana kormeero heshiisyadii xabad joojinta
  6. In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lana xisaabtamo wixii dhacdooyinka laga soo bilaabo dhacdadii Bali buusle, maamuladana ay taageraan xal u helidda dhacdooyinka
  7. In culimaa’udiinka, Ganacsatada, Jaaliyadaha ee Gobolka ay gacan ka geystaan sidii wada jir ay uga qeyb qaadan ka shaqeynta sidii lagu gaari lahaa Nabadda.
  8. Waxaa la sku raacay, lana dhisay guddi ka kooban 36 xubnood oo ka shaqeeyaa arrimaha Nabadda
  9. In Guddiga Nabadda ee labada dhinac ay ka soo shaqeeyaan xeerka lagu xakameynayo dhacdooyinka faldambiyeedyada ah.
  10. In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesta ciddii ka hortimaado dadka Walaalaha ee Galmudug iyo Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...