Israa’iil oo dhaqaale ku bixineysa inay guuraan Falastiiniyiinta 

Date:

Wargeys laga leeyahay Dalka Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu wado Xisbiga Qaranka ee dalkaasi oo  ujeedadiisu ay tahay in Falastiyiinta ay u haajaraan dalalka Carabta, iyada oo la kordhinayo deegaameynta Yahuuda ee daanta Galbeed, si looga hortago dhismaha Dowlad ay leedahay Falastiin.

Qoraa u dhashay Israa’iil Chaim Levinson oo ka tirsan Wargeyska Haaretz  oo soo xiganaya Bezalel Smotrich oo ah xubin ka tirsan  Xisbiga Garabka Midig  ayaa sheegay in qorshahaan  uu qeyb ka yahay in la burburiyo Hay’adaha Falastiin iyo in sare loogu qaado deegaameynta.

Xisbiga ayaa maalgalin doono olale xagga internetka ah oo lacag magdhow lagu siinayo Dadka ogalaada in ay u guuraan dalalka dariska ee Carabta, taasi oo ay soo jeediyeen sharci yaqaano ka tirsan Xisbiga.

Smutrich oo qeyb ka ah Olalahaan  ayaa sheegay in mashruucaan uusan qeyb ka aheyn dhaqaalaha ku baxaya barakacinta, hase ahaatee  laga caawinayo qarashaadka dhoofka iyo magdhowga iyaga oo aan la qasbeyn,  isaga oo intaasi ku daray ra’i aruurin la sameeyay ay muujineyso in %30 Dadka Falastiin ay daneynayaan Dibadda.

Waxa uu intaasi ku daray  Smutrich  in haddii lagu guuleysto in sanad kasta 20,000 oo u dhashay Falastiin ay ka baxaan daanta galbeed in taasi ay  oga sahlan tahay dhaqaalaha Israa’iil oga baxa dagaalada iyo howllgalada sanad kasta.

Warbixinta Wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay  in kuwa  daneynaya in ay sii joogaan daanta galbeed ee dhulalka la heysto la siinayo sharciga Muwaadinimo ee Israa’iil, haddii ay ka tanaasuaalaan rabitaankooda oo diyaar u yihiin ay ka mid noqdaan Israa’iil.

Israa’iil ayaa qabsatay dhulalka reer Falastiin 1967, waxaa marar badan fashilmay heshiiyo nabadeed oo xal loogu raadinayo colaada labada dhinac

Yahuuda wali waxa ay wada deegaameynta, halka falastiin ay sheegtay in ay aqbaleyso Dowlad ku dhisan xuduudihii 1967 caasimadeednu ay tahay Qudus.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...