Sharciga socdaalka Soomaaliya oo isbadal lagu sameynayo (Daawo Muuqaal)

Date:

Agaasimaha Hey’adda Socdalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegy in ay dib u eegis ay ku sameynayaan sharciga socdaaalka Soomaaliya  si uu ula jaanqaado wadamada Caalamka.

Sidoo kale Hey’adda ayaa ku guuleysatay in ay furto xuduudaha Soomaaliya soo gelista xagga sharciga, iyagoo sido kale rajeynaya in ay furaan meela kale oo xuduudaha dalka ku yaalo xarumahooda si loo hubiyo xagga gelista iyo ka bixista dalka sharciyada socdaalka Soomaaliya si ay kaga qeyb noqdan amniga dalka.

Gaashanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay latashiyo la sameynayaan hay’adaha ay quseyso ee dowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka, si dib u eegis loogu sameeyo sharcigan.

“Shirka maanta waxa uu ahaa wadatashi ku saabsan dib u eegis lagu sameynayo sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana la sameeyay 1966 oo lagu soo saaray xeer, waxbadan ayaa ka dambeeyay oo isbadalo ka dhacay dalka iyo caalamka, waxaa is badalay Dastuurkii dalka, waxaa kaloo is badalay qaab dhismeedki dowladnimo ee xilligaasi la heystay, waxaa la qaatay Nidaamka Federaalka, waxaa addduunka ku soo kordhay xaalado amni iyo waxyaabo badan oo u baahan xakameyn, waxaana batay socdaalo Soomaaliya soo galaya iyo kuwa ka baxaya” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Agaasimaha ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii xarumo ay uga furan lahaayeen qaar ka mid ah magaalooyinka ku yaala xaduudda, isagoo xusay inay wadaha la galeen maamulada halkaasi ka dhisan, si ay gacan uga siiyaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya gudashada howlaha loo idmaday.

Gaashanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa intaa ku daray “Ceer barde, Feer Feer iyo Goldogob ayaa inoo qorsheysan inaan xafiisyo ka hirgelino, inta badan qalabkii lagu shaqeyn lahaa waan dhignay, waana diyaar howlwadeenadii shaqada qaban lahayd, waxaan kaloo la hadalnay maamulada halkaasi ka arrimiya si ay gacan uga siiyaan saraakiisha inay gutaan howlaha loo xilsaaray”.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...