Hadal jeedinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta bilaabaneysa

0

Hadal jeedinta musharaxiinta Hirshabeelle ayaa maanta ka bilaabanaysa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo Musharixiinta ay mudanayaasha u jeedin doonaan qorsheyaasha u degsan.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa shegay in  maalintada sabtida ah ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, taa oo ay u tar tamayaan musahraxiin dhowr ah.

Afhayeenka  guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle  Cabdiwlei Sheekh Cali ayaa tilmaamay in ay xilkaasi u tartamayaan ilaa iyo sideed musharax, kuwaasi oo ay guddoonsiiyeen shahaadooyinka muujinaya inay u taaganyihiin xilka Madaxweynaha Hirshabeelle:-

Musharixiinta ayaa kal ah

  • Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.
  • Cabdikariin Cali Nuur.
  • Daahir Cabdulle
  • Maxamed Cabdi Waare.
  • Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).
  • Cabdinaasir Shirwac Maxamed.
  • Maxamed Caruush Diirow iyo
  • Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

 Afhayeenka ayaa xusay in musharixiinta ay maanta oo Arbaco ah hortegi doonaan Baarlamaanka Hirshabeelle si ay ugu sharxaan waxyaabaha u degsan inay qabtaan marka ay ku guuleystaan xilka Madaxtinimo ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.