Puntland iyo Galmudug oo miyiga Gaalkacyo kawada wacyagelin ku aadan sidii nabada loo ilaalin lahaa.

Date:

 

Muqdisho (SONNA):- Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo Wariyeyaasha lahadlay  ayaa sheegay in uu  dhaamaday dagaalkii iyo falalkii amnidaro ee kol hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,  kaas oo u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan Dowlad goboleedyada  Puntland iyo Galmudug.

Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland ayaa Waxa uu sheegay in Shacabka labada Maamul iyo madaxdooda ay diyaar u yihiin in xasiloonida la ilaaliyo, islamarkaana Madaxda labada Maamul ay deegaanada Miyiga ah ay ka wadaan wacyagelin ku aadan sidii nabada loo ilaalin lahaa.

“Haddii dhalinyaradda, haweenka iyo Waxgaradka  ay doorkooda qaataan, waxaan hubaa in dadkaan uu hishiinayo, marka waxaan leeyahay Shacabka meel kasta oo ay joogaan waa in ay u diyaar garoobaan nabadda sidii looga mira-dhalin lahaa colaadana looga looga hortagi lahaa” ayuu yiri Mudane C/xakiin Cameey

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shalay waxaa kala booqday Madaxweyne ku xiggeenada Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyagoo dadka Xoolo dhaqatada ah gaarsiinayay in la dhaqangeliyo heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka...

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad...