Home Blog Page 1587

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Bariga Africa.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Midowga Yurub ay kordhiyeen ahmiyadooda shaqo ee dalka Soomaaliya,si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, qaybna uga noqdaan horumarka ka bilowday dalka” ayuu yiri R/W Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arrimaha Soomaaliya. Wuxuna xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudadii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .

Alexandar Rondos, wakiilka midowga Yurub u qaabilsan bariga Africa ayaa cadeeyay in ay la jaan qaadayaan Soomaaliyada cusub, taasoo diyaar u ah iney samayso horumar, si bulshadeeda u helaan nabad iyo nolol.

Maxkamadda sare ee dalka oo war ka soo saartay muddada Gar-sugenimada Maxbuuska

0

War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa lagu shaaciyey mudada  mudada Gar-sugenimada dadka Maxbuuska ah iyo in loo baahan yahay  waafajinta sharciga.

 

Lifaaqa Hoose ka Akhriso

 

Ololaha Talaalka Xoolaha oo Muqdisho lagu daah furay

0

Shirkani  oo aay soo qabanqaabisay wasaradda Xanaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaliya  ayaa ahaa mid lagu daahfurayay  Ololaha Talaalka Xoolaha ee cudurada jadeecada iyo furuqa oo intabada xoolaha ku dhaca Qaabka loo gaarsiinkaro dhanka miiga ee gobolada dalka Soomaliya.

Qaar kamid ah wasiirada Xanaanada Xoolaha maamul goboleedyada dalka dhaqaatiir ajaanib ah iyo dhaqaatiirta xirfadleyda ayaa ka soo qeyb galay, iyadoona shirka daahfurka ololaha talaalka lagu qeexay in dalkeena u yahay mid ku tiirsan xoolaha, loona bahan yahay in ahmiyad gaar ah lasiiyo caafimaad qabka xoolaha.

Ibraahim Cabdi Xasan wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aay soo dhaweynayaan   ka warqabka caafimaadka xoolaha, waxaana  uu u mahad celiyay dhaqaatiirta isku hoowshay.

Dr Nuurta Shiiq Maxamuud oo kamid ah dhaqaatiirta xirfadleyda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegtay in ololaha talaalka uu sahli karo in lahelo xoolo caafimaad qabo,  islmarkaana fududeyn kara in lahelo iibka xoolaha la dhoofiyo.

C/kariin khaliif Dhalac wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Daaqa oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ololaha talaalka lagaarsiinayo gobolada dalka ay kala sheqeyn doonaan dhaqaatiirta  xirfadleyda Xanaanada Xoolaha, kaasi oo socon doona muda laba bilood ah.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba labo jeer sameysa talaalka caafimaad qabka xoolaha,  madaama dalkeena uu yahay  mid ku tiirsan xoolaha.

Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo maanta Muqdisho ku kulmay

0

Kulankan ay yeesheen Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa shir gudoominayay gudoomiya Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Dhowr Qodob oo muhiim ah ayaa kulanka looga hadlay, waxaana ka mid ahaa dhacdadii deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulanka oo dhowr saacadood qaatay ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Saxaafadda la hadashay Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaliya  Fartuun C/qaadir Faarax karaama.

Kulamada  Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan ayaa inta badan waxaa looga hadlay diyaarinta qorshaha shaqo ee Aqalka iyo dhacdooyinka dalka ka dhaca.

Xarunta Maamulka Internet-ka Hay’adda Dowladda oo la hirgeliyay

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Maamulka Internet-ka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku-xigeenka Dastuurka Soomaaliya.

Shaqaalaha ka howlagalaya xaruntan ayaa R/wasaare ku xigeenka warbixin kasiiyay sida ay u shaqeeyaan, waxayna sheegeen in internet-ka ay xarunta bixineyso  uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

Eng Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in hirgelinta xaruntan Internet-ka bxisa ay muhiim u tahay Hay’adaha dowladda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan dhamaan hay’ada kala duwan ee dowladda.

“15 goobood ayaa waxaa la geeyay labo xarig oo isku dul wareegga leh, oo loogu talagalay in haddii uu mid go’o mid kale lagu fakado, 15-ka goobood waxaa degan hay’adaha dowladda, adeegyada ay Wasaaradda bixineyso uu yahay mid lacag la’aan ah” ayuu yiri Eng Cabdi Wasiirka Boostada.

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay dadaallada ay wado Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradaha kale inay ku deysadaan si looga mira dhaliyo qorshaha isla xisaabtanka oo halbeeg u ah Xukuumadda Soomaaliya.

“Waan kuu hambalyaynayaa Wasiir, Xukuumadda Nabad iyo Nolol wax weyn ay ku faanto weeyaan oo horumar laga gaaray, Wasaaradaha kale inay kuu deydaan ayaan rajeynayaa, qiimeeyn iyo isla xisaabtan ayaa hal ku dhig u ah Xukuumadan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Furitaanka xarunta maamulka Internet-ka Hay’adaha Dowladda ee ay hirgalisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto hirgelinta xarumaha muhiimka u ah dalka iyo dhameystirka shuruucda lagama maarmaanka ah, iyadoo dhawaan ay aheyd markii Wasaaradda ay ku guuleysatay in golaha Wasiirada iyo  Labada aqal ee Baarlamanka ay meel mariyeen sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo hadda la filayo inuu saxixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

0

Kulan casho sharaf ah oo lagu soo dhaweenayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Islow oo baryahan ku sugnaa dalkan Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magaalada London.

Waxaa ka soo qeygalay qaar kamid ah cayaaryahanadii hore ee Soomaaliya, waxaa kaloo marti sharafta ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Axmed oo dhawaan wafdi ay hogaaminaysay kaga qeybgaleen magaaladan London tartankii ciyaaraha fudud ee aduunka.

Mudane Axmed Cumar Islow Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan sidii loo horumarin lahaa Ciyaaraha Soomaaliya, isagoo bogaadiyay hadaladii dhiira galinta ahaa ee qurbo joogtu ka muujiyeen sida ay ugu heelayihiin hormarinta Ciyaaraha guud ahaan, gaar ahaan bahda Ciyaaraha.

Qaar kamid ah dadkii goobta ka hadlay ayaa uga warbixiyay Wasiir ku xigeenka xaaladda dhallinyarada iyo ciyaaraha Qurba joogta ku sugan dalka Ingiriiska, iyagoo xusay in ay Dolwadda Soomaaliya ay dhiirogelin uga baahan yihiin.

Dowladda Soomaaliya oo Ka hadashay Dad shacab ah oo Shabeelaha Hoose lagu dilay.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaano qoto dheer ku sameyn doonto dad shacab ah oo la sheegay in lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u baari doonto dhacdadii ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose ee lagu dilay dad  Shacab ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in dhacdadaas ay ahayd iska hor imaad dhaxmaray dad shacab ah oo hubeysnaa iyo ciidamada Dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dhacdada ahayd kala shaki waxaana uu cadeeyey dadka meeshaas ku geeriyooday in ay ahaayeen dad shacab ah oo aaney Shaqo kulahayn Kooxda Al-Shabaab , sidoo kale waxa uu xusay in ay dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay isla markaasna ay u saartay Gudi Arintaasi u kuur galo.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Cape Town

0
Kooxo hubeysan ayaa magaalada Cape Town wax yar kahor waxaa ay ku dileen Allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cali Sakiin.
Alle ha u naxariistee Muwaadinkaan ayaa la sheegay in uu ka adeeganayay meel dukaan ah oo lagu gado alaabaha jumlada ah, taasi oo ku taala magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, sida uu soo sheegayo wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka South Africa C/laahi Qorshe.
Waa Muwaadinkii Labaad oo South Africa gudaheeda lagu dilay 12-kii saac ee lasoo dhaafay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u sameynayo Sharciga Gadiidka Wadada

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Sheegay in ay sameeyeen Sharciga Gadiidka Wadada kaas oo hagi doono Gadiidka wadadooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit ayaa sheegay in ay khubaro u xil saareen Sharcigii Gadiidka ee la sameeyey 1963 iyo kuwa la sameeyey Waqti ka danbeeyey  , Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khubaradaasi ay ka koobnaayeen Qeyb ka Socotay Ciidamada Taraafikada iyo kuwa ka socday Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in qorsheynayaan in ay wadooyinka Magaalada Muqdisho ay u dhamees tiri doonaan adeegyada ka maqan ee looga baahanyahay Sida Samaafaraha iyo dhamaan Calaamadaha kale ee Wadooyinka.

Mudane Taabit Cabdi ayaa sidoo kale Shacabka Gobolka Banaadir u balanqaaday in canshuur walbo oo laga qaado ay ayaga dib ugu soo laaban doonto oo adeegyo muhiim u ah Shacabka Gobolka lagu qaban doono.

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Dalka

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan Dowliga Aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada iyo waxqabadka dowladda iyo arrimo kale.

Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel fiican marayo, isla markaasna la baacsanayo kooxaha argagaxisada ah oo dhowaan lagala wareegay deegaanka Bariirie oo 3 maleeshiyada Al-Shabaab lagu qabtay. Shacabka ayaa looga degay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay, tanoo dad badan naftooda ku waayey.

Sidoo kale doomanka waxaa la faray in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsantahay aysan rakaab qaadin.

Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasaarada ayaa wada qorshe lagu ururinayo canshuuraha si loo kordhiyo dakhliga dowladda si adeegyada bulshada loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa golaha siiyey warbixin kooban oo ka hadleysa horumarka wadatashiga hannaanka dib u eegista dastuurka oo dowlad goboleedyada la gaarsiiyey wadatashiga bulshada, isla markaasna maamulka gobolka iyo degmooyinka Benadir lala sameeyey wadatashiga Maqaamka Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagay golaha caqabadaha jira sida dhaqaalaha, amniga, iyo arrimo kale. Wasiirka ayaa sheegay in Shirweyne Wadatashi Qaran la qaban doono dhammaadka bisha September.

La Taliyaha Ra’iisul Wasaarahaa ayaa soo bandhigay waxqabadka Wasaaradaha uguna baaqay Wasiirada inay labo jibaaraan waxqabadkooda si shacabka loola wadaago oo isla xisaabtan dhab ah loo hirgeliyo.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

Golaha ayaa maanta loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinisga oo ay soo gudbisay Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka iyo Hindise Sharciyeedka Urarada Aan Dowliga aheyn (NGO) oo uu soo gudbiyey Wasiirka Qorsheynta. Labadaan sharci ayaa xubnahu ay soo akhrisan doonaan si looga doodo, loona ansixiyo shirarka danbe.

DHAMMAAD