Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furey askar katirsan qeybta 21-aad ee X.D

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha qaybta 21-aan ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Aadan xuseen Cirro ayaa magaalada Cadaado tababar uga furay ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad.

Ciidamadani ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan xoojinta howlgalada lagu adkeynayo Ammaanka deegaanada Galmudug.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaan uu qayb ka yahay dadaallada kor loogu qaadayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona ciidanka ku waaniyey inay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka.

“Tababarkani waxaa la idinka doonayaa in aad si wanaagsan aad uga faa’idaysataan,wuxuuna qeyb ka yahay kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka,ka qeyb qaata sugidda amniga”, Ayuu yiri taliye Cirro.

Taliye Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro ayaa ciidanka uga digay inay jidgooyooyin sharci darro ah dhigtaan, isagoo sheegay in askarigii ku kaca fal sharci darro in lala tiigsandoono maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay daacad ah u guttaan waajibaadka loo idmaday, ayna ugu horreyso xorreynta deegaannada ay cadowgu gacanta ku hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Baydhabo ka daah-furay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...