Doorashada madaxweynaha Hirshabeele oo saaka dhacaysa iyo amniga Jowhar oo aad loo adkeeyey

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle,taasi oo haatan la dareemayo qaban qaabadeeda.

Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi,iyadoo ay u taagan yihiin doorashadaasi ilaa 8 musharax,kuwaasi oo dhawaan baarlamaanku uu dhageystay waxqabadka musharaxkasta.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada nabad geliyada sugaya ay ku  sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada iyo xarunta ay ka dhacayso doorashada.

Waxaa ka qeybgalaya doorashada mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,Guddiga Doorashooyinka,iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay u dhacayso doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...