Wefddi uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo gaarey Dalka Suudaan

Date:

Waxaa Magaaladda Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudaan gaaray Wafddi uu hor kacayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Abdalla Cawad,waxaana siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Wefddiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golah Shacabka waxaa kamid ah,Xildhibaan Abdirashiid Maxamed Xidig,Xildhibaan Abdirahmaan Maxamed Suge iyo waliba Xildhibaanad Ikran Yuusuf Hersi waxaane Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyen madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu hor kacayo Uqeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta sare ee Safaaradda Dr Cabdi Qaadir Guulane iyo Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Cabdi Xakiim Luqmaan Haaji Maxamed iyo walba Uqeybsanaha Warfaafinta ee Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow.

Soo dhaweynta ka dib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Abdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Suudaan u yimadeen inay ka qayb galkaan Shir weynaha golaha fulinta ee urur Gobaleedka IGAD ee dhanka iskaashiga Barlamaanka

Shirkaan ayaa lagu wadaa in furmo maanta iyadoone lagu wado looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyaan amniga iyo isbadalada Cimalada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay kujirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...