Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo xubno kale oo Socdaal shaqo ku maraya Gobolka Bakool

Date:

Muqdisho (SONNA)  Xildhibaan Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka mid ah guddiga difaaca ee Golaha shacabka, guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida S/guutoLiibaan Cali yerow, guddoomiyaha Maxkamadda  derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidiamada Xoogga Dalka oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

Sidoo kale ujeedka wafdiga ayaa waxa uu aha sidii maxkamada Ciidamada qalabka sida Xafiis ay leedahay looga hir gelin lahaa Gobolkaasi iyo sida ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ula dhaqmi lahaayeen hadii ay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaadka Alshabaab iyo dadka Xiriirka la leh intaba.

Guddoomiyaha derajada koowaad ee maxkamadda Ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa kula dardaarmay Ciidanka in marka ay gacanta ku dhigaan qof  ka tirsan maleeshiyadka nabad diika Al shabaab ay gudbiyaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...