Soomaaliya oo codsatay xulka kubadda cagta Jabuuti inay yimaadaan Muqdisho iyo Jabuuti oo aqbashay (DHAGEYSO)

Date:

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka codsatay safaarrada Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya.

“Guddiga Olympic-da iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka qaranka Jabuuti inaan ku martigellino ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya.” Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti.

Waxa ay intaa ku sii dartay: “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi.”

Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha waxana uu yiri: “Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahoodda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa.”

Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeedda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay Jabuuti.

Halkan hoose ka dhageyso haddalada wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo safiirka Jabuuti Aadan Xasan Aadan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...