Somalia iyo Suudan oo ka wada hadlay iskaashiga Ganacsi

Date:

Suudaan(SONNA) Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha guud ee Warshadda soo saarta dawada xoolaha ee Dalka Suudaan  Bashiir  Xasan Bashiir iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Kulankan ay wada qaateen labadan mas’uul ayaa waxey ugu wada hadleen sidii Xiriir ganacsi ay u yelan lahaayen Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan,waxaana Guddoomiyaha Guud ee Warshadda Bash Pharma uu sheegay inay aad u daneynayaan Maalgashi ay ku sameystan Dalka Soomaaliya,islamarkaane ay doonayan inay Daawoyanka ay soo saarta Warashadda ay u dhoofsadan Dalka Soomaaliya.

Sido kale madax Arrimaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi Suudaan ayaa asigana sheegay in madaxda Warshadda Bash Pharma oo dawooyinka Xoolaha soo saarta ay baahi gooni ah u qaban in xiriir ganacsi la sameeyan Soomaaliya.

Dhanka kale Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Madax Arrimaha Ganacsiga Safaaradda ee Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa Shirkadda Kenana oo ah shirkad soo saarta Sonkorta,waxey kulanka ugu wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta Ganacsiga ee labada dowladood iyo inay Soomaaliya ka go’antahay inay wax la qabsadaan Walaalahooda Suudaan.

Madaxa Shirka Kenana ee Suudaan oo soo saarta Sonkorta AL-Nuur Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin buuxda ka qaatan dhamaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Tan iyo burburkii Dowladdi dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa meesha ka maqnaa xiriiro badan oo dhanka ganacsiga uu dalka la lahaa hey’ado iyo Wadamo Caalamka ka tirsan,balse haatan ayaa waxaa la dareemayaa wax xoogaa horumar ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...