Ciidamada xasilinta caasimadda oo howlgallo ka fuliyay degmada Yaaqshiid

Date:

Howlgalkaan oo ay Ciidamada xaslinta Caaasimadda Xaley ka sameeyeen Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa ahaa mid lagu xaaqiijeneyay Amniga maqaalada Muqdisho si looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada u maleegayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo baariya Guryaha ku yaal Xafadda Juungal, isla markaan si fiican ula dhaqmiyay daweynaha ku sugnaa deegaanka ay ka socotay howlgalka, Waxaana ka qeyb qaadanayay Maamulka Degmada Yaaqshiid oo uu ugu horeeyo Guddomiyaha Degmadaas

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagu qabtey howlgalka, waxaana la isku keeney barxad ku taal Xaafadda Juungalka ee degmadaas halka inta badan la sii daayay kadibna markii lagu sameeyay bartaan.

Guddomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan oo la hadley Warbaahinta howlgalka kadib ayaa ka warbixiyay sida uu dhacey howlgalkaa, isagoo ugu baaqey bulshada iney la shaqeyaan ciidamada Amniga.

Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa inta waxa ay howlgal ka sameeyay Degmooyinka Gobalka Banaadir, kaaso oo wax badan ka badaley Amniga Caasimadda Dalka, iyagoo sii laba jibaarey Howlagalada ka dhanka ah Maleyshiyaadka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....