Ciidamada xasilinta caasimadda oo howlgallo ka fuliyay degmada Yaaqshiid

Date:

Howlgalkaan oo ay Ciidamada xaslinta Caaasimadda Xaley ka sameeyeen Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa ahaa mid lagu xaaqiijeneyay Amniga maqaalada Muqdisho si looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada u maleegayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo baariya Guryaha ku yaal Xafadda Juungal, isla markaan si fiican ula dhaqmiyay daweynaha ku sugnaa deegaanka ay ka socotay howlgalka, Waxaana ka qeyb qaadanayay Maamulka Degmada Yaaqshiid oo uu ugu horeeyo Guddomiyaha Degmadaas

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagu qabtey howlgalka, waxaana la isku keeney barxad ku taal Xaafadda Juungalka ee degmadaas halka inta badan la sii daayay kadibna markii lagu sameeyay bartaan.

Guddomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan oo la hadley Warbaahinta howlgalka kadib ayaa ka warbixiyay sida uu dhacey howlgalkaa, isagoo ugu baaqey bulshada iney la shaqeyaan ciidamada Amniga.

Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa inta waxa ay howlgal ka sameeyay Degmooyinka Gobalka Banaadir, kaaso oo wax badan ka badaley Amniga Caasimadda Dalka, iyagoo sii laba jibaarey Howlagalada ka dhanka ah Maleyshiyaadka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...