Sacuudiga oo ka hadlay arinta Muslimiinta Rohingya

Date:

sagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo shirka golaha guud, ayuu wasiirka arimaha dibadda dalka Sacuudi Carabiya Caadil Aljubeyr, waxaa uu cambaareeyay siyaasada dowladda Myanmar ee caburineysa dadka Muslimiinta tirada yar ee Rohingya.

“Wadankeygu waxaa uu aad ugu walacsan yahay  isla markaana cambaareynayaa siyaasadda caburinta ah ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee ay wado dowladda Myanmar,” ayuu yiri wasiirku.

Kumanaan qof oo kamid ah dadka Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar ayaa guriyahooda ay ka soo saareen ciidanka dalkaas, iyadoo dadka aad u badan oo qowmiyadaas kamid ah la laayay.

Xukuumadda Bangladesh  iyo hey’addaha gargaarka ayaa la daalaa dhacaya caawinta in ka badan 422,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya  kuwaas oo dalkaas gaaray tan iyo Aug. 25, markii ay bilowdeen weerarada ka dhanka ah dadkan.

Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan in weerarada dadka Muslimiinta Rohingya lala beegsanayo ay yihiin kuwo isir sifeyn ah, sida uu dhowaan sheegay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Gutteres.

Dalalka caalamka Islaamka uu boqortooyada Sacuudiga hormuud ka tahay ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay uga gaabiyeen in ay ka hadlaan dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...