(Daawo Muuqaal) Diyaaradii ugu horeysay ee rakaab sida oo caawa 27 sano kadib xili habeen ah kasoo degtay Muqdisho

Date:

Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

 Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 8:10-Pm kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tira badan waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa kasoo degtay.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...