Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah la yeeshay qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tegay Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo...

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...