Hay’adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliya oo soo kordhisay Kulliyado Cusub

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulliyadaha ay soo kordhisay Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin sharciga badda iyo farsamada maraakiibta ayuu sheegay Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hay’addaasi in xiligan dalku baahi weyn uu u qabo, hadii la xoojiyana ay sahleyso in laga baxo caqabado badan oo ka taagan dhinaca badda.

Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa tilmaamay in ardayda baraneysa kulliyadahaasi ay heystaan fursado wanaagsan oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Drs Maryan Aweys Jaamac ayaa muujisay in wasaaraddu ay ku howlantahay diyaarinta qorshayaal horumarineed oo dhinaca badda la xiriira.

In la helo dad bartay cilmiga iyo sharciyada badda ayaa sahlaya in la yareeyo xadgudubyo iyo kaluumeysi sharci daro ah oo la tilmaamo in lagu hayo qeyraadka baddeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...