Saddex ka mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta Mali oo la dilay

Date:

Muqdisho-(SONNA)- Wararka ka imanaya  Waqooyiga dalka Mali ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta Qaraamada midoobay oo ku sugan dalkaasi lagu dilay qarax, halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Bayaan ka soo baxay Ergada Qaraamada Midoobay ee dalkaasi Mali ku sugan ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay Bam la dhigay jid ku yaal magaalada Gaw ee waqooyiga dalkaasi xilli Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi ay  halkaa marayeen, waxaana la sheegay inay dhibaatada intaa ka sii badnaan karto.

Warku wuxuu intaa ku daray in ay baarista dhacdaasi weli socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...