Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Heyโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka qeyb-galay barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sharraxaad ka bixiyey shaciga socdaalka Soomaaliya oo dhowaan wadatashiyo arrimahaas ku aaddan laga bilaabay Muqdisho, waxa uu sheegay in wadatashiyadaas la gaarsiinayo gobolada dalka.
Dhinaca kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in heyโaddu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo ilaalinta doona dhinac Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Heyโadaha amniga dalka.
Agaasimaha Heyโadda Socdaalka ayaa sooย hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.
Agaasimaha Heyโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wada hadallo u socdaan, xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogayna aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.
Ugu dambeyntii Agaasimaha Heyโadda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka hadlay waxa ay heyโaddu hiigsaneyso mustaqbalka dhow.
โWaxaan rabnaa inaan gaarno heyโadda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, heyโadda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay heyโaaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsanโ ayuu yiri Mr. Koofi
