Home Blog Page 1544

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la dar-daarmay Ardayda Jaamacadaha Dalka.

0

Muqdisho, 07 June 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa boqolaal ardey oo isaga kala yimid Jaamacadaha dalka, kula hadlay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuna kula dar-daarmay in wadajir loogu istaago sidii looga shaqeyn lahaa Soomaaliya mar kale cagaheeda isu taagtay oo ka tilmaaman dalalka kale ee Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dib-u-howlgelinta Jaamacadda Umaddu ay tahay astaan qaran, isla markaana ay Xukuumaddu xooga saari doonto sidii loo dhisi lahaa guud ahaan xarumaha ay leedahay Jaamacaddu, gaar ahaan xarunta weyn ee Gaheyr.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre oo intaas raaciyey .

” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka, dhalinyarada maanta hortayda fadhida waa mustaqbalkii bari iyo hoggaamiyeyaashii ina badeli lahaa”.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku dheeraaday halgankii gobonimo doonka iyo doorkii shariifka ahaa ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qaateen, gaar ahaan SYL iyo sidii uu ku yimid bilowgii feker-kaasi . Wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in jiilka cusub laga helo dhalinyaro leh feker lamid ah kii 13-kii SYL.

Jaamacadda Ummadda ayaa kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal ka hor inta aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada oo dhamaantood tilmaamay ahmiyada kulankani u leeyahay dhalinyarada waxbaratay.

—-DHAMMAAD—-

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo.

0

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in uu maanta gaaro Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasocdo dhaqdhaqaaq xoogan oo lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdiga uu hogaaminaayo.

Mudane Xaaf ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Gobolka Mudug iyo tan Magaaladda Gaalkacyo ugu magacaaban Maaamul goboleedka Galmudug asagoo sidoo kale kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Magaaladda Gaalkacyo.

Safarka Xaaf ee Magaaladda Gaalkacyo ayaa noqonayo safarkiisii kowaad ee uu Magaaladda Ku yimaado tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweyanaha Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay Madaxda Maamulka Jubbaland

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee madaxda Maamul Goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arimaha amaanka gaar ahaan xureynta degmooyinka weli gacanta ugu jiro kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab iyo sida ugu fudud ee looga xoreyn karo deegaanadda ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

sidoo kale kulanka ayaa diirada lagu saaray siddii loo xoojin lahaa wada shaqeyntaha Hay’addaha Dowladda kuwa Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedka Jubballand , waxayna Dowladda Soomaaliya balanqaaday in ay si buuxdo u garab taaganaato maamul Goboleedyadda.

Dhanka kale Madaxweyane Maxamed C/llahi farmaajo ayaa xalay kormeeray guud ahaan jawiga Magaalada Kismaayo asagoo dhax galay bulshadda ku dhaqan Magaalada Kismaayo isla markaana la sheekeystaty dhalinyaro ku fiidsanaayey mid ka mid ah Maqaayadaha Magaalada Kismaayo si uu wax badan uga ogaado dareenka Shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo.

Taliska Ciidamada Taraafikada Soomaaliyeed oo Amaro kasoo saaray kala gadashada Gawaarida

0

Taliyaha Ciidamadda Taraafikadda Soomaaliyeed Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ka hadlay habka saxda ah ee laga doonayo dadka kala iibsanaayo  Baabuurta.

Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qofka gaariga iibsanaayo in uu ku dadaalo in buuga gaariga lagu qoro magaciisa si loo ogaado in uu gaariga leeyahay.

Taliyaha oo ka hadlayey howlgal ay kula dagaalayeen in gawaaridda lagu baakimo Hareeraha Wadadda Maka-almukarmaha ayaa yiri “gaarigii aan soo qabano ee aan kasoo qaadno goobaha baakinka loo diiday ee wadada hareeraheed ah qofka sheeganayo waxaa laga doonayaa in uu la yimaado buug uu ku cadeynayo lahaanshihiisa waxaana qasab ah in uu Magaciisa ku qornaado ” .

Dadka kala gadanaayo Gawaarida ayaa laga dhursugayaa in ay dhaqan geliyaan amarkan kasoo baxay Taliska Taraafikadda Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan culeyso badan oo soo wajihi karo.

Garoowe oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenka Tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Hiliwaa oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garoowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Tartanka oo aad u xiiso badnaa, waxaa qeybta hore labada degmo la weydiiyey min afar su’aal, halkaas ayaana lagu haliyey qeybtaas, waxaana kaddib la soo gudbiyey warbixinnadii joogtada ahaa ee ka hadlayey Taariikhda labada degmo ay leeyihiin.

Natiijada degmada Hiliwaa

Degmada Hiliwaa ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal toddobadana ma aysan ka jawaabin, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, sdiaas ayeey ku heleen laba dhibcood (2 dhibcood)

Natiijada Garoowe

Degmada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaa iyana la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba ka mid ah su’aallahaas, shan waa ay iska qaldeen, saddex su’aal si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen, waxa ay heleen toban dhibcood degmada Garoowe (10 dhibcood), Garoowe ayaana u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe, waxaa foodda is dari doona degmooyinka kala ah Deyniile iyo Shibis oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha oo u kuur galey howlaha shaqo ee Dekedda Muqdisho.

0

Muqdisho, 06 June 2017…Ra’iisul Wasaaraha XFD Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekedda Muqdisho, waxaana ku soo dhaweeyey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala, wuxuna mid mid u booqdey xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha dekedda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho, sidoo kalena waxuu la sheekeestey Ganacsatada alaabta kala soo dageysey dekadda, isagoona ka wareystey sida loola dhaqmo marka ay usoo degayaan badeecooyinka. Waxuu maamulka dekadda ugu baaqey iney ilaaliyaa xariirka Ganacsatada, loona fududeeyo sidii ay ganacsigooda hab nidaam ah u mari lahaa.

“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo Ganacsigooda”ayuu yiri R/W Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormaarkani u noqonayaa markii Shanaad ee uu booqdo Dekadda. Waxuuna maamulka iyo shaqaalaha kula dardaarmey iney nidaam caddaalad ah ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni kara musuq-maasuq.

—-DHAMMAAD—-

6Z0A7947
6Z0A7957
6Z0A7881
6Z0A7894
6Z0A7908
6Z0A7970
6Z0A7883
6Z0A7947

Madaxweyne Farmaajo oo komeerray taliska 43-aad xoogga dalka ee Kismaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, isaga oo u kuur galaya xaaladaha amni iyo nololeed ee dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu so dhaweeyay garoonka diyaaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa uga sii gudbay Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Wafdiga uu Madaxweynaha hoggaaminayay oo isugu jira wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo.

Nin ka tirsan Daacish oo Puntland ku isku dhiibay

0

Cabdullaahi Maxamed Saciid oo ka tirsan Kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa deegaanno ka tirsan Puntland, ayaa isu dhiibay ciidammada Puntland.

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa Idaacadda VOA u sheegay in ninkaan uu isaga qirtay in uu ka tirsan yahay kooxda argagixsada ah ee Daacish, waxa uu intaa ku daray in weli ay ku hayaan baaritaanno ku aaddan sababta ka dambeysay isa soo dhiibitaankiisa.

“Wareysi faah-faahsan weli lamma yeelan, waxaa socda dedaallo badan oo la xiriira in rag kale ay isa soo dhiibi doonaan, horey ayaan ugu baaqnay in malleeshiyaadka dhuumaaleysanaya ay isaga baxaan kooxda Daacish, Cabdullaahi Maxamed Saciid markii aan gacanta ku dhignay waxa uu ahaa qof xanuunsan, xaaladdiisa hadda annaga ayaa la tacaalnay, waxaana u mari doonaa wax sharciga uu qabo, haddii la cafinayo ama la xukummayo hey’adaha caddaaladda ayaa go’aamin doona” ayuu yiri Sargaalkaas ciidanka Puntland ka tirsan.

Taliyaha ururka 1-aad ayaa sheegay in aysan jirin muddooyinkaan dagaallo toos ah oo ay la galeen kooxdaasi deegaannada Buuraleyda ah ku dhuumaaleysanaya, hasa yeeshee waxa uu xusay in ay soo gabagabeyn doonaan dhowaan kooxahaasi argagixsada ah.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada oo billowday adeeggii Astaanta Qaran ee Internetka (.SO)

0

(Muqdisho – June 06, 2017) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo billaabay adeegyadii astaanta internet-ka ee qaranka Soomaaliyeed (dotSO) ee loogu talogalay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo is daba joog ah oo qeyb ka ah qorshe 90 maalmood ah, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, kaasi oo ay Wasaaraddu ku dooneyso inay adeeggaas uga dhigto mid si buuxda uga hawl-gala gudaha Wasaaradda.

Bishii May ee sanadkan waxaa si rasmi ah u billowday in dhammaan wasaaradaha dawladda loo sameeyo emails leh astaanta dowladda ee (.gov.so). Marka la dhammeeyo adeegyada hay’adaha federaalka, waxaa qorshaha ku jira sidii adeegga dotSO loo gaarsiin lahaa dawlad-goboleedyada, shirkadaha, waxbarashada iyo guud ahaan shacabka, si muwaadiniintu uga faa’iideystaan adeeggan ay xaqa u leeyihiin.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in isla markii uu xilka la wareegay inuu mudnaanta 1aad ka dhigtay in adeegga astaanta qaranka ee internetka uu si habsami leh uga shaqo billaabo dalka, isagoo hoos imanaya wasaaradda. “Waxyaabo badan ayaa noo hirgalay muddo kooban gudaheed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada oo nagu taageeray qorshaha aan arrintan u sameynay iyo cid kasta oo nagala shaqeysay hawshan.”

“Astaanta qaranka ee internet-ka waa aqoonsiga aan ku leenahay internet-ka. Haddii aan isticmaalno waxaan muuqaal wanaagsan ka bixineynaa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee aan matalno iyo guud ahaan dawladdaba. Haddaba waxaan ku wargelineynaa dhammaan hay’adaha dawladda inay soo dalbadaan cinwaanno (domains) iyo email-o shaqo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka.

DHAMMAAD –

Madaxweyne Farmaajo oo tagey Kismaayo (Sawirro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasoo wafdiga Madaxweynaha si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo bulshad reer Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha Federaalka iyo  dagaalanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo, waxaa Madaxweynuhu kormeeri doonaa Dekeda Kismaayo iyo goobo kale.

Ammaanka Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa degaansho iyo in isbaddel uu ku yimid, dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.