Gudoomiyaha Golaha shacabka JFS oo kulan la qaatay dhigiisa Masar”Sawirro”

Date:

Qaahira(SONNA)-Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalinkii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa maanta xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay gudoomiyaha golaha Baarlamanka ee dadka Masar.

Labada gudoomiye ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee soomaaliya iyo Masar iyo sidii labada baarlamaan ay iskaashi wada shaqeyneed ay u yeelan lahaayeen iyo sidoo kale guud ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale labada gudoomiye ayaa wada yeeshay kulan ay goob joog ahaayeen gudoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee labada Baarlaamaan, ayagoo  isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarinta labada baarlamaan,waxaana isla goobta ay labada gudoomiye ku wada saxiixdeen heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen aragtiyada lagu horumarinayo  Baarlamaanada labada Wadan.

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galay kulan qada sharaf ah oo uu gudoomiyaha  baarlamaanka dalkan masar ugu sameeyay xarunta baarlamaanka Masar ,waxayna wafdiga gudoomiyaha ay sidoo kale booqdeen madxaf taariikho kala duwan ay yaalaan oo ku yaala Magaalada tan Qaahira.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...