Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo si diiran u soo dhaweeyay Fanaanadda Qaran ee Maryan Mursal “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho(SONNA)Fanaanadda Qaran ee Habolada Waaaberi Maryan Ciise Bootaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugneyd Wadanka dhawaanna soo gaartey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Wasaaaradda Warfaafinta.

Masuuliyiinta soo dhawaysay Fanaanada Qaran ee Hobalada Waaberi ayaa waxa hor kacyay Wasiirka Wasaaradda Warfaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaradda Warfaafinta,  Maareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Qaarey Jiir Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka  iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Maryan Mursal Ciise ayaa waxaa ay booqatay Keydka Hadalka Radio Muqdisho oo ay ku keedsanyihiin sugaantii hore oo ay Fanaaninta horay u qaadeen iyadoo dhageysatay hesihii ay qaaday waayahedii hore iyo Ruwaayadhiihi ay ka qeybqaadatay intuba.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiramaan Yusuf Sheekh iyo Maareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariiin Faarax Qaareey Jiir  aya fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bootan ku soo dhaweeyay xarunta Wasaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Mudane Cilmi Cumar Ceysane iyo Wasiir ku xigenka Wasaradda Gaashandhiga Muane Cabdullahi Colaad Rooble  ayaa shegay in Fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bootaan ay tahay Fananad Qaran, hormuudna ay u tahay Fanaaninta Hobalada Qaranka ee Waaberi.

Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Fanaanadda Maryan Mursal ugu mahadceliyay booqashada ay ku timid xarunta Wasaaradda Warfaafinta,  waxa uuna sheegay in Wasaradda ay ka shaqeyneyso sidii loo wacyigelin lahaa bulshada Soomaaliyed.

Maryan Mursal Ciise Bootan ayaa u mahadcelisay masuuliyinta Xarunta Wasaradda Warfaafinta ku soo dhaweysay, iyadoo xustay inay aad ugu faraxsantahay booqashada ay ku timid xarunta Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...