Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo si diiran u soo dhaweeyay Fanaanadda Qaran ee Maryan Mursal

Date:

Fanaanadda Qaran ee Habolada Waaaberi Maryan Ciise Bootaan oo maalmihii u dambeeyay ku sugneyd Wadanka dhawaanna soo gaartey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Wasaaaradda Warfaafinta.

Masuuliyiinta soo dhawaysay Fanaanada Qaran ee Hobalada Waaberi ayaa waxa hor kacyay Wasiirka Wasaaradda Warfaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaradda Warfaafinta,  Maareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Qaarey Jiir Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka  iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Maryan Mursal Ciise ayaa waxaa ay booqatay Keydka Hadalka Radio Muqdisho oo ay ku keedsanyihiin sugaantii hore oo ay Fanaaninta horay u qaadeen iyadoo dhageysatay hesihii ay qaaday waayahedii hore iyo Ruwaayadhiihi ay ka qeybqaadatay intuba.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiramaan Yusuf Sheekh iyo Maareye ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariiin Faarax Qaareey Jiir  aya fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bootan ku soo dhaweeyay xarunta Wasaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Mudane Cilmi Cumar Ceysane iyo Wasiir ku xigenka Wasaradda Gaashandhiga Muane Cabdullahi Colaad Rooble  ayaa shegay in Fanaanadda Maryan Mursal Ciise Bootaan ay tahay Fananad Qaran, hormuudna ay u tahay Fanaaninta Hobalada Qaranka ee Waaberi.

Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Fanaanadda Maryan Mursal ugu mahadceliyay booqashada ay ku timid xarunta Wasaaradda Warfaafinta,  waxa uuna sheegay in Wasaradda ay ka shaqeyneyso sidii loo wacyigelin lahaa bulshada Soomaaliyed.

Maryan Mursal Ciise Bootan ayaa u mahadcelisay masuuliyinta Xarunta Wasaradda Warfaafinta ku soo dhaweysay, iyadoo xustay inay aad ugu faraxsantahay booqashada ay ku timid xarunta Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...