Home Blog Page 1543

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay Golaha Shacabka JFS

0

Gudoomiye  kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo shir gudoominayay kulanka golaha shacabka ah ee maanta,  ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan golaha shacaba dhawaan ay soo jeediyeen in uu golaha hor yimaado wasiirka arrimaha dibadda si su’aalo looga weydiiyo arimo shaqada wasaaradiisa la xiriira, wuxuuna wasiirka uga mahad celiyay sida uu ugu hogaansamay u yeeritaanka golaha shacabka.

Ajendaha kulanka  Golaha Shacabka ee maanta oo ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayay  Xildhibaanada Golaha Shacabka  guda galeen  su’aala weydiinta Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi oo fadhiga Golaha shacabka ku sugnaa, waxaana su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka  Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada golaha shacabbka oo wasiirka su’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.

Madexwayne Farmaajo “DFS waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay”

0

Muqdisho,13 Ogosdo 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.

DHAMMAAD

(Qormo) Ballanqaadka Ra’iisul-wasaaraha iyo shaqo siinta dhallinyarada?

0

Burburkii dowladda dhexe ka dib waxaa dalka gabi ahaan ku baahay shaqo la’aan saamayn ku yeelatay dhamaan bulshada, gaar ahaana dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo qaarkood awoodi waayay maareynta noloshooda iyo bixinta qarashaadka waxbarasho maadaama ay meesha ka baxday waxbarashadii lacag la’aanta aheyd, taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro badan ay noqdaan shaqo la’aan oo ay ka hayaamaan dalka iyagga oo nolol tan ay ku noolaayeen ka sareysa raadinayo.

Waxa ay dhalinyaradu ku hawl meen sidii ay ku tagi lahaayeen wadamada Horumaray ee Yurub iyo Mareykanka, halka qaar ka mid ah dhalinyaradaasna ay waxbarasho ama ganacsi u doonteen dalalka dariska ama Africada kale.

Dowladihii dalka soo maray waxa ay isku dayeen in ay yareeyaan hayaanka baahsan ee dhalinyarada, waxa ayna ballan qaadayeen in shaqo abuur ay u sameeyaan dhalinayarada si ay u yareeyaan baahiyaha ay dhalinyarada ka tabanayeen,haddana ma jirin saamayn balaaran oo ay arintaasi ku yeelatay dhalinyarada tahriibka u xirxiratay oo shantii sanno ee u danbeysay badda liibiya iyo Talyaaniga u dhaxaysa waxaa ku dhintay Kumanaan Soomaaliyeed oo wali usii cararaya walina u sii Hamuun qaba raadinta Nolol dhaanta mida ay dalka uga tagayaan.

Ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali khayre ee ku aadan in Gobolka banaadir laga shaqaaleysiinayo kun qof oo dhalinyaro ah waxa ay Rajo u tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay iyo kuwa aanan waxbaran, maadaama shaqaalaha la qoranayo ay noqonayaan kuwo ka hawlgala qaybaha kala duwan ee Maamulka gobolka banaadir.
Raiisul Wasaare Khayre oo ka hadlaayay Xaflad lagu maamuusayay maalinka dhalinyarada aduunka ayaa tilmaamay in waxa yar ee ay dowladdu haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Caawa waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono” ayuu ka sheegay munaasabadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

Haddii Raiisul-wasaaraha ballanqaadkiisa uu ka dhabeeyo, waxa uu badbaado u yahay dhallinyaro badan oo shaqo la’aanta ay ku ka lifi laheyd waxa walba oo tahriibka ugu horreeyo.

Waxa ay sidoo kale tusinaysaa dhallinyarada in dowladdoodu tahay mid u soo jeeda diyaarna u ah sidii ay wax ugu qaban lahayd si walba oo ay tabarteedu u yar tahay.

Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay maalgashato dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama dhallinyaradu ay ka tahay 70% Bulshada Soomaaliyeed, islmarkaana ay yihiin Mustaqbalka Dalka, loona bahan yahay in loo sameeyo shaqo abuur, lagana faa’ideysto Masaxdooda iyo muruqoodaba.

W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Ahmed “Socdaal”

Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay

0

Wafdi ka socday wasaaradda gaashaandhigga iyo guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya oo Koofur Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala wasaaradaha gaashaandhiga iyo arimaha dibadda  ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay  waxa Soomaaliya ka faa’idi karto khibradaha Koofur Afrika ka baratay gumeysiga iyo waqtiga xoriyadda.

Wafdigaan oo maalmo ku sugnaa Koofur Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Gaanshaadhiga madxafka midib takoorka, halkaas oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kalasooca,  iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg iyagoo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore wasaaradda gaashaandhiga ahna guddoomiyaha guddiga difaaca, golaha shacabka xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

” Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno isku dhafka Ciidamada madaama ay ka soo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimoqraadiyad iyo wada shaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto hay’adaha aminga iyo dastuurka” ayuu yiri.

Wafdigaan oo ka koobnaa lix xubnood ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya,waxeyna qeyb ka ahaayeen Wafuud ka socday Wasaaradaha Gaashaadhiga iyo Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray Koofur Afrika.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ka qayb-galay xil wareejinta Hanti dhowrka qaranka

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, ayaa sheegay in uu si wayn ugu farxsan yahay magacaabista Hanti dhowraha, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah, sidoo kalena aqoon badan u leh shaqadda loo dhiibay, waxuuna balan qaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hanti dhowrka dalka.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu ku farxsan yahay xilka loo dhiibay iyo shaqadda uu dalkiisa iyo dadkiisa u qaban doona, waxuuna u mahed celiyay madaxda qaranka kuwaa soo u gartay in uu maamulo hantidda shacabka, sidoo kale waxuu iftiimayay in uu wax wayn ka badali doona wada shaqaynta dawladda iyo xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha Qaranka, waxuuna cadayay in uu yahay mas’uul khibarad dheer u leh xilka loo magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dalkiisa.

Sidoo kale waxuu sheegay in dawladdu ay biliaabi doonto barnaamijyo lagu falanqeynayo waxqabadka xukuumadda si looga dooddo waxyaabahii aan la qaban kuwaa soo ku jiray qorshaha xukuumadda, Hanti dhowruhuna waxuu ka qaadanayaa qaybta ugu muhiimsan.

“Xukuumaddu waxay bilowday la dagaalanka musuq-maasuqa oo muhiimad wayn u leh nidaamka uu dalku ku shaqeynayo, waxaana dawladda sal u ah isla xisaabatan furan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kula dardaarmay hogaanka cusub in uu si dhow ula shaqeyo dawladda, sidoo kalena uu la socdo dhaq-dhaqaaqa xukuumadda si loo ogaado hantida dalka shacabkana loo tuso in aan la iska boobi Karin xoolaha dawladda.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Sports-ka oo sheegtay in la dayac tirayo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho

0

Wasaaradda Dhalinyadda iyo Sports-ka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay qorshihii lagu dhisi lahaa Garoonka Ciyaaraha ee stadium Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Sports-ka ayaa shaacisay in ay Dhawaan Stadium Muqdisho ks bixi donaan Ciidamadda AMISOM ee mudada Dheer ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Sidoo kale Wasaaradda Dhalinyaradda ayaa sheegtay in sidoo kale la dhisayo Xaruntii ugu weyneed ee Xiriirka Kubadda Cagta oo ay xustay in ay iminka Xiriirka Kubadda Cagta ay dagan yihiin Xarumo Kiro ah.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo shaaciyey in ay heleen Deeqo Waxbarasho

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen Minxooyin Faro badan.

Wasiirka ayaa sheegay in Minxooyin Badan ay ka heleen Dalka aan Walaalaha nahay ee Suudaan waxaana uu sheegay in ay Si wanaagsan oo cadaalad ah ay u bixin doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyey in ay sugayaan Deeqo Waxbarasho oo kale oo leh heerar kala duwan  oo aan ka heleyno Dowladda Itoobiya.

Mo Farah oo ku guuleystay Kaalinta Labaad ee Orodka 5,000M.

0

Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu hanto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha Atleetikada Aduunka ee ka soconaya Magaalada London.

Farah, wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad, kadib marki uu gaari waayey Muktar Edris oo ah orodyahan u dhashay dalka Ethiopia, kaasoo ku guuleystay billada dahabka, halka Mo Farah uu helay bilada qalinka.

Waa balladii ugu horreysay oo dahabi ah oo uu Mukhtar Edris oo ah 23 jir ku guuleysanayo abid.

Hadii uu Mohamed Farah badin lahaa waxay u ahaan laheyd markiisii shanaad oo xiriir ah oo uu ciyaaraha orodka tobanka kun iyo shanta kun ee mitir ku wada guuleysto hal tartan billada dahabka.

Todobaadki hore ayey aheyd marki uu qaaday billada dahabka ee orodka 10-ka kun ee mitir.

Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-ki, Mudadaasi wuxuu urursaday 10 billadood oo dahab ah iyo laba billaad oo qalin ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Dhalinyaro Badan laga shaqaaleysiin Doonaan Gobolka Banaadir (Daawo Muuqaal)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir  ay shaqaaleysiiyaan ku dhawaad 1000 qof oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maanta Xafiiskiisa ay kasoo bixin doono Warqad lagu Amraayo gudoomiye Taabid in uu qabto Shaqadaasi.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ay ku bixin doonto shaqaaleysiinta dhalinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa  tilmaamay in sidoo kale dowlad goboleedyadda lagu Amri doono in ay shaqaaleysiiyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 


Ra’iisul Wasaare Khayre “Dalkan Mustaqbal buu leeyahay, Dhalinyaraduna Waa Milkiilayaasha Dalka”

0

Muqdisho, 13 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dalkan uu Mustaqbal leeyahay oo dhalinyaraduna ay yihiin milkiilayaasha dalka bacdamaa ay 75% bulshada Soomaaliyeed ay yihiin Dhalinyaro. Dhalinyaradana laga rabi inay dariiqa saxda ah bulshada ku hoggaamiyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaa la soo dhaafay waqtigii aad abuuri laheydeen mirihii aad beeran laheydeen mustaqbalka. Madaxda Qaranka waxey diyaar u tahay inaad doorkiina hoggaamineed qaadataan. Waa dhammaatay waqtigii aad dhexdhexaad noqon laheydeen, mana ka noqon kartiin dhexdhexaad hooyadiin oo dhibaateysan, dhalinyaradii ay baaagamuundo yihiih. Ma noqon kartaan dhexdhexaad oo dalkaaga iyo gurigaaga waa mustaqbalkaaga.”

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey dhibta Tahriibka ayaa yiri “Markii aan da’diina ahaa ayaan caasi ka raacay Muqdisho oon ku tagey Baraawe oo aan ka raacay dooni aan garaneynin meesha ay u socoto oo ay mararka qaar nala qalibmi gaartay. Si kasto oo aad dalka uga dhooftaan waxaad ku soo noqoneysaan dalkiinii hooyo.”

Mudane Khayre ayaa tilmaamay in waxa yar ee la haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Caawa waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono”ayuu ka sheegay munaasabadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

DHAMMAAD