Home Blog Page 1543

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulamay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

0

Muqdisho(SINNA):–Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalaada Qaahira Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta  Axmed Abuu Geyd.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay Xaaladda guud ee dalka Soomaaliya  iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kordhin laheyd  taageeridda ay siiso Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda,Hormarinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka Dalka oo hadda maraya meel gabagabo ah.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinkii sedexaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo shalay xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay dhigiisa Dalka Masar.

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay”Sawirro

0

Baydhabo (SONNA) Kulanka dood wadaaga ah waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha K/Galbeed Soomaaliya, waxaana su’aalo lagu weydiinayey islamarkaasina talooyin lagu siinayey wasiirka wasaaradd Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax.

Kulaka ayaa waxaa ka soo qeybgaley ururada iyo daladaha ay ku mideysanyiin dhalinyarada Koonfur Galbeed, waxaana wasiirka laweydiiyey Su’aalo laxariiray waxayaabihii wasaaradiisa uqabsoomi waayey intii ay jirtay, waxaana sidoo kale lasiinayey talooyin ku aadan shaqada wasaaradda iyo maareynteeda.

Wasiirka ayaa sidookale waxaa dhalinyaradii ka soo qeyb gashey  kulanka ay ku amaaneen howlihii faraha badnaa ee wasaaradiisa ay qabatey tan iyo intii ay jirtay.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax ayaa jawaabo ay ku qanceen Dhalinyaradii su’aala weydiiyey siiyey, waxaana uu sheegay in talooyinka faraha badan ee lasiiyey uu tixgalin doono.

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay

0

Kulanka dood wadaaga ah waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha K/Galbeed Soomaaliya, waxaana su’aalo lagu weydiinayey islamarkaasina talooyin lagu siinayey wasiirka wasaaradd Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax.

Kulaka ayaa waxaa ka soo qeybgaley ururada iyo daladaha ay ku mideysanyiin dhalinyarada Koonfur Galbeed, waxaana wasiirka laweydiiyey Su’aalo laxariiray waxayaabihii wasaaradiisa uqabsoomi waayey intii ay jirtay, waxaana sidoo kale lasiinayey talooyin ku aadan shaqada wasaaradda iyo maareynteeda.

Wasiirka ayaa sidookale waxaa dhalinyaradii ka soo qeyb gashey  kulanka ay ku amaaneen howlihii faraha badnaa ee wasaaradiisa ay qabatey tan iyo intii ay jirtay.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax ayaa jawaabo ay ku qanceen Dhalinyaradii su’aala weydiiyey siiyey, waxaana uu sheegay in talooyinka faraha badan ee lasiiyey uu tixgalin doono.

Howlgal Hub, Maandooriye iyo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Muqdisho

0

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ilaa iyo maanta ay ka sameynayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Hub, Rasaas, Maandooriyeyaal iyo dad lagu eedeeyey in waxyaabahaasi ay gacanta kula jireen.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo sadex ruux, islamarkaana hubka lahayo ay kamid yihiin Bastoolado iyo Rasaas.

Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta wasaaradda Amniga oo goobta gaaray ayaa la filayaa in goor dhow ay warbaahinta u faah faahiyaan howlagla iyo dadka la qab qabtay waxa ay yihiin.

Taliyeyaal xilka laga qaaday iyo dad loo qabtay dhacdadii Xamarweyne

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in gaariga lala qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.

Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xusay in sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada xamarweyne.

Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Howlgal Hub, Maandooriye iyo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Muqdisho”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ilaa iyo maanta ay ka sameynayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen Hub, Rasaas, Maandooriyeyaal iyo dad lagu eedeeyey in waxyaabahaasi ay gacanta kula jireen.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo sadex ruux, islamarkaana hubka lahayo ay kamid yihiin Bastoolado iyo Rasaas.

Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiinta wasaaradda Amniga oo goobta gaaray ayaa sheegay in dadkaan la qabtay sharciga la hor geynayo islamarkaana wixii ay muteystaan lagu xukumi doono.

Dadwaynaha Gobolka Catalonia oo u dareeray codaynta Aftida Madaxbanaanida

0

Madrid-(SONNA)-Gobolka Catalonia ee dalka Isbayn waxay dadku subaxnimadii hore ee saaka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixin ay ku doonayaan in ay kaga madaxbanaanaadan dalka Isbayn intiisa kale.

Dhinaca kale Wasaaradda arimaha Gudaha ee Isbayn ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay in ka badan kala bar dhismayaashii danta guud ee Gobolkaasi ee loo Qorsheeyay in codbixintu ka dhacdo.

Doorashada gobolkaan ayaa lagu soo dooranayaa Madaxweyne iyo Baarlamaan, Xisbiyada gooni u goosadka ayaa helay 62 kursi Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Cataloniya oo ka kooban 130 kursi,inkastoo xisbiyadaan ku guuleysan waayeen inay helaan codka aqlabiyadda Baarlamaanka gobalkaasi oo ah 68 kursi, waxaana lagu wadaa inay isbaheysi la sameystaan xisbiyo kale.

Isbaheysiga xisbiyada gooni u goosadka ayaa doonaya in muddo 18 bilood gudahood ah loo sameeyo dastuur u gaar ah gobalkaasi isla markaana lagu dhiso hay’adaha dowlada u gaarka ah sida, Maxkamadaha, Bangiyada iyo Ciidamada.

Dowlada Dhexe ee Spain ayaa si weyn uga soo horjeeda gooni u goosadka Catalonia oo ah gobal ay dhaqaalo badan kasoo galaan dalka Spain isla markaana ay ku nool yihiin 16% shacabka wadankaasi.

Doorashada maanta ee Catalonia ayaa imaaneysa iyada oo dhaqaalaha Spain uu noqdey mid aad u hooseeya, shaqao la’aantuna gaartey heerkii ugu xumaa.

Bishii Spetember waxaa isugu soo baxay caasimadda Catalonia ee Barcelona dad gaaraya 1.5 miylan oo qof taas oo u dhiganta 20% dadka ku dhaqan gobolkaas kuwaas oo dalbanaya in ay helaan madaxbanaani.

Maamulka jowhar oo ka hadlay Fatahaadda Wabiga Shabeele

0

Jowhar (SONNA) Guddoomiyaha Degmada jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha dhexe ahna Caasimada Maamulka Hirshabeele Cismaan Baarey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay Saamaynta Wabiga Shabeele uu ku yeeshay  bulshada ku nool deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Cismaan Baarey guddoomiyaha jowhar ayaa tilmaamay in uu Wabigu ku fatahay tooyin badan oo ka tirsan shabeelaha dhexe kaasoo saamayn xoogan ku yeeshay beeralayda Gobolkaas.

Waxaa uu  tilmaamay in ay wadaan qorshayaal lagu doonaayo in wax looga qabto saamaynta Wabiga.

Wabiga  shabeele oo mara Gobolada Shabeelaha hoose,shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa inta badan sameeya fatahaad wax yeelo ka soo gaarto bulshada beeralayda ah iyo Xoolo dhaqatada.

Taliyeyaal xilka laga qaaday iyo dad loo qabtay dhacdadii Xamarweyne

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in gaariga lala qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.

Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xusay in sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada xamarweyne.

Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Dadwaynaha Gobolka Catalonia oo u dareeray codaynta Aftida Madaxbanaanida

0

Gobolka Catalonia ee dalka Isbayn waxay dadku subaxnimadii hore ee saaka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixin ay ku doonayaan in ay kaga madaxbanaanaadan dalka Isbayn intiisa kale.