Maamulka jowhar oo ka hadlay Fatahaadda Wabiga Shabeele

Date:

Jowhar (SONNA) Guddoomiyaha Degmada jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha dhexe ahna Caasimada Maamulka Hirshabeele Cismaan Baarey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay Saamaynta Wabiga Shabeele uu ku yeeshay  bulshada ku nool deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Cismaan Baarey guddoomiyaha jowhar ayaa tilmaamay in uu Wabigu ku fatahay tooyin badan oo ka tirsan shabeelaha dhexe kaasoo saamayn xoogan ku yeeshay beeralayda Gobolkaas.

Waxaa uu  tilmaamay in ay wadaan qorshayaal lagu doonaayo in wax looga qabto saamaynta Wabiga.

Wabiga  shabeele oo mara Gobolada Shabeelaha hoose,shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa inta badan sameeya fatahaad wax yeelo ka soo gaarto bulshada beeralayda ah iyo Xoolo dhaqatada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...