Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulamay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

Date:

Muqdisho(SINNA):–Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalaada Qaahira Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta  Axmed Abuu Geyd.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay Xaaladda guud ee dalka Soomaaliya  iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kordhin laheyd  taageeridda ay siiso Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda,Hormarinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka Dalka oo hadda maraya meel gabagabo ah.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinkii sedexaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo shalay xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay dhigiisa Dalka Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...