Home Blog Page 1529

Wiil Soomaali ah oo isku dilay dalka Qubrus

0

Wiilkan Dhalinyarada ah oo kamid ahaa Soomaalida kunool Dalka Qubrus ee ka tirsan  Qaaradda Yurub ayaa lagu soo waramaya in uu isku dilay magaalada Larnaaka ee dalkaasi Talaadadii aan soo dhaafnay kadib markii loo diidey magan gelyo.

Soomaalida kunool Jasiiradda Qubrus ayaa sheegaya in sababaha loo aaneynayo in uu is dilo wiilkaasi oo lagu magacaabi jirey Max’ed Daahir Dayax ay tahay kadib markii uu la kulmey dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana loo diidey in uu lamidoobo qoyskiisa oo kunool dalka Britain.

Booliska dalkaasi Qubrus ayaa xaqiijiyay in wiilkaasi oo isaga is diley kadib maaritaano ay sameeyeen,waxaa lagu qayaasayay da’ahaan 18 ilaa 19 qof

Cabdalla Max’ed oo kamid ah Soomaalida kunool Dalka Qubrus ayaa ka warbixiyay dhcadadaasi oo naxdinta ku noqotay Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.

“Waxaa lagu magacaabi jirey wiilkaasi Max’ed Daahir Dayax, wuxuu kamid Muqdisho, aniga muddo 1 sano ayaan is garaneynay, wuxuu kunoolaa dalkani, runtii waxyaabaha hadda loo sababaynayo in uu isdilo waxay tahay in laga hor istaagay in uu qoyskiisa oo kunool Ingiriiska uu lamidoobo, taasi oo in muddo ah uu ku haminayay,Dalkani runtii ma daryeelo dadka Qoxootiga ah, wiilkani muddo ayuu I weydiin jirey goormaan shaqo heleynaa, goormaan waxbarasho heleynaa”, Ayuu Yiri Cabdalla.

Ciidamada booliska Dalkaasi Qubrus ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentey dilka wiilkaasi,iyadoo lafilayo in meydkiisa halkaasi lagu aaso.

Dalkaasi  Qubrus waxaa kunool Soomaali badan, kuwaasi oo isugu jira, qoxooti, Deegaan iyo kuwo kale oo waxbarasho ahaan u jooga, waa Jasiirad kamid ah Yurub waxay ku dhowdahay dalka Turkiga.

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafa

0

Waxaa maanta ku cibaadaysanaya Buurta Carrafo,Malaayiin xujey ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka,Xujeeyda ayaa taagnaan doona banka carrafa waxayna taagnaan doonaan ilaa qoraxda ay ka dhacdo.

Culimaa’udiinka ayaa sheegaya in gudashada waajibaadka xajka ay tahay tiirarka ugu weyn ee islaamka.

Maalaayiin kale oo kunool daafaha caalamka oo aan u suuro galin ayaa iyana bilaabay in ay soomaan taasi oo qeyb ka ah gudashada cibaadada waqtigan, kuwaasi oo eebe ka rajaynaya in uu siiyo dembi dhaaf badan.

Dhanka kale Dowladda  Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee 2300 qof ku dhinteen.

Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlay Sidii Caruurta Looga Soo Saari AlShabaab Oo Muqdisho Lagu Qabtay

0

Kulankaan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda argagixiso ee suurtagal noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah .

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray sidii waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, ayna ka soo saaraan kuwa hadda ku jira gacanta Alshabaab maadaama horjoogeyaashii ugu sareeyay kooxdaasi ay billaabeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi ayna isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

isku keenkan dadweyne waxaa soo agaasimay maamulka degmada yaaqshiid, waxaana ka qeyb galay maamulka gobalka banaadir xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya.

Axmed  Maxamed Xasan Geedoow gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa shacabka ka dalbada iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada Ammaanku ay soo qabteen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii gobalka galgaduud oo horraantii bishaan lagu dilay gudaha dagmada.

Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay iney shacabku ciidanka la shaqeeyaan, waalidiintuna xiriir dhaw la yeeshaan caruurtooda, haddii hadda ay Al Shabaab ku maqanyihiina kasoo saaraan.

Sheekh Cali Sh Maxamuud Sh Cali-dheere Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo kamida culumada Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlaya muhiimadda ay leedahay in bulshadu amaanka maamulka ay kala shaqeeyaan.

Sh Calidheere wuxuu xusay in waajib diini uu waalidku ka saaranyahay la socoshada iyo barbaarinta ubadkooda, isagoo bulshada kulanka joogtay ku dhiirrigaliyay in ay meel uga soo wada horjeestaan fikirka xagjirnimada ah.

R/Wasaare Khayre oo soo xiray Shir weynaha Qaran ee Xal u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

0

Muqdisho, August 30, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir weyne looga hadlayay Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo mudadii saddexda maalin ee soconayay looga doodayay sidii xal maangal ah loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xiritaanka shirka uga dhawaaqay 1-da bisha agoosto in loo asteeyey maalinta qaxootiga Soomaaliyeed. Isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed maadaama ay in badan oo kamid ah ay ka hayaameen dalkooda mudadii colaaddu ay jirtay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in laga fekero xal u helidda mushkiladaha jira oo sababay in dadka Soomaaliyeed ay maciin bidaan dalalka adduunka, wuxuna xusay in Xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol wanaagsan oo ay uga maarmi karaan qaxootinimada.

“Xukuumaddu waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareynta habsami u soo noqoshada qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddiisa ku sugnaa mudada ka badan 30ka sano” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga Soomaaliyeed, xukuumadda iyo madaxda dalkuna ay diyaar u yihiin dadaal walba oo gacan siinaya dadka qaxootiga ah.

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waa inaan ka fikirnaa”.ayuu raaciyey R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii kula dar-daarmay bulshada Soomaaliyeed inay is cafiyaan gacana isa siiyaan. Isagoo tilmaamay in qabyaaladdu ay tahay astaanta bur-burka dawladnimada.

DHAMMAAD

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shaacisay fasaxa shaqaale-weynaha Soomaaliyeed Ciidda awgeed

0

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Soomaaliya ay yihiin fasax maalimaha ciidda Carrafo.

Waxaa lagu yiri qoraalkan’ Wasaaradda SHaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wareglinaysaa dhamaan hey’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Allae uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.

Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad,Far,adna ay fasax yihiin maalinta Sabtida iyo Axadda.

Waxaaan rajeynayaa in dhamaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed ay ku ciidaan farxad iyo reynreyn ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Wasiirka warfaafinta oo Holand kula kulmay madaxda IOM

0

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yarsiisow oo booqasho ku jooga dalka Holand  ayaa kulan la yeeshay madaxa hey’adda socdaalkan aduunka ee IOM.

Wasiir Yariisow, ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka iyo horumarka socda. Sidoo kale mas’uuliyiinta IOM ayay ka wada hadleen howlaha ay ka wadaan wadanka.

Mudane C/raxmaan Yariisow, wasiirka warfaafinta dalka ayaa hey’adda IOM u sheegay in loo baahan yahay in mashaariicda dalka ay ka fulinayaan ku saleeyaan baahida dalka ka jirta iyo qorshaha horumarinta qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjire Micheal Keating

0

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare.

Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dardar galinta hawlaha dastuurka, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii uu kaga bixi lahaa ku meel gaarka.

Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u socdaan hawlaha Dastuurka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in booqasho uu ku yimaado xarunta aqalka sare, wuxuuna sheegay in uu aad ula dhacay qaabka shaqada Dastuurka ay u socoto, isagoona ku baaqay in la xoojiyo si loo dhameystirayo hawlaha harsan ee Dastuurka.

Ministry of Telecom leadership relocates to Headquarters for the first time in 27 years

0

(Mogadishu, August 29, 2017) The Deputy Prime Minister, H.E. Mahdi Ghuled, has lauded the new leadership of the Ministry of Posts, Telecom and Technology for successfully relocating their offices to the Ministry Headquarters for the first time in 27 years.

Speaking after visiting the Ministry, H.E Ghuled said this decision would not only improve productivity and accountability, but will also boost the morale of staff.

Since 2014, the ministry’s leadership, such as the minister, his deputy and the director general, maintained offices at the premises of the Ministry of Information (MoI), while the rest of staff members have been working at the main building in Bondhere. However, after the necessary arrangements have been completed in the last few months, the temporary offices at MoI premises were officially closed and handed over back to the Ministry of Information.

H.E. Abdi Ashur Hassan, minister for posts, telecom and technology said that the Ministry couldn’t execute its annual plan or deliver credible service to the sector and citizens at large if the leadership and staff members are not working in the same place.

“The relocation of offices back to Ministry HQ and closure of temporary offices show our commitment. We believe that no proper work can be accomplished without the direct involvement and interaction of top management and the staff members,” added the minister.

END

Madaxda Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo xarunta ku shaqo billaabay 27 sano ka dib

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada inay muddo kooban gudaheed ku guuleysteen inay si buuxda ugu shaqeeyaan xarunta rasmiga ah ee Wasaaradda.

Isagoo hadlayay ka dib markii uu soo booqday dhismaha Wasaaradda, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu sheegay in tallaabadani ay si weyn kor ugu qaadi doonto wax-soo-saarka iyo niyadda shaqaalaha, isla markaasna suurtogelin karta isla xisaabtan buuxa.

Waa markii ugu horreysay ee dhismaha Wasaaradda ay si buuxda ugu shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Hase yeeshee, markii ay soo gabagaboobeen waxyaabo ka dhinnaa dhismaha oo la sameeyay bilihii la soo dhaafay, waxaa la soo xiray xafiisyadii kale, iyadoo madaxda wasaaraddu ay si rasmi ah ugu shaqo billaabeen xaruntii ay Wasaaraddu lahayd.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in aysan suurto geli karin fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda haddii aysan masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaaluhu ku wada shaqeynin hal meel, isaga oo sidoo kale ka mahadceliyey martigelinta Wasaaradda Warfaafinta ee muddadaas dheer.

“Guuritaanka rasmiga ah ee madaxda wasaaradda iyo xiritaanka xafiisyadii kale waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay inaan dalkeena iyo dadkeena u adeegno. Waxaan aaminsanahay inaan shaqo wanaagsan la qaban karin haddii maamulka sare iyo shaqaaluhu aysan isku meel ku shaqeyneynin, waayo ma jiri karaan wada-shaqeyn iyo isla-xisaabtan” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay wasiirka.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Maanta Kulan deg deg isugu imaanaya

0

Galinka dambe ee Maanta Golaha amaanka ee Qaramada Mdioobay ayaa kulan deg deg isugu imaanaya Magaalada New York ee dalka Mareynkanka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa Arimaha waqooyiga Kuuriya gaar ahaan waxaa diira lagu saari doonaa Gantaalkii ay dul mariyeen Hawada Japan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo mudo 40-daqiiqo ah ku wada hadlayay Qadka Telfoonka ayaa si wadajir ah u codsaday kulankan.

Shinzō Abe oo la hadlayay wakaalada wararka France ee AP ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in la kordhiyo Cuna qabateynta Kuuriyada Waqooyi, maadaama ay ku xad gudbeen Hawada Japan, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha inay door weyn ka qaataan in la talaabo laga qaado Xukuumada Pyongyang.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha japan wuxuu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ku celceliyay inuu garab taagan yahay Japan, isla markaana ay dhinac kaga soo jeesanayaan Hanjabaada kaga imaaneysa Dowlada waqooyiga Kuuriya.

Waa markii ugu horeysay oo Dalka Japan uu si toos ah u dulmaro Gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday tijaabada Gantaalada Ridada dheer.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay seddax Gantaal, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo fashilmay.