Home Blog Page 1528

Akhriso qeybtii 3aad Wareysigii Safiirka Turkiga Soomaaliya uu siiyay SONNA

0

Muqdisho(SONNA) Olgan Baker oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,waxaa uu kaga hadlay arrimo ay kamid tahay  Isbedelada dhinaca Amniga ee Soomaaliya ka dhacay, isagoo si weyn u amaanay Ciidamada Qaranka uu sheegay inay ka guuleysteen Aragagxisada aan dooneyn in dadka Soomaaliyeed ay nabad ku noolaadaan.

“Aniga waxaan ogahay in Isbedelo waa weyn oo dhanka amniga ah ay dhaceen, Sanadihii 2011, 2012, 2013 iyo hada Farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waxaana la joogaa xilli hada meel kasta la mari karo, Tusaale waxaa kugu filan aniga hada iyadoo Habeen ay tahay ayaan joogaa meel ka baxsan Xafiiskeyga, waa la socon karaa waliba meeshii aad doonto ayaad nabad galyo ku tagi kartaa, waxaa la gaaray xiligii la maalgashan lahaa Soomaaliya mar haday dhaceen isbedelo dhab ah oo dhanka amniga ah, Siyaasiyiinta iyo dowlada waxaan ka sugeynaa inay ku dadaalaan Amniga, Dhaqaalaha, Wadajirka Soomaaliya, intaas ayaa ugu muhiimsan.

Amniga iyo Siyaasada in laga saxo Soomaaliya ayuu Safiirka ku sheegay in Gacan laxaad leh ay geysan karto Hormarka la doonayo in la gaaro, wuxuuna sheegay in Siyaasada ay door weyn ka qaadaneyso dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaana dhibaatooyinka jira looga bixi karaa ayuu yiri in shaqo abuur la sameeyo, waxaana markaas imaan doonaa dakhli dalka uu ku gaari karo isku filnaasho.

Olgan Baker oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa ka hadlay Heshiiska Wada shaqeynta ee hore ay u kala saxiixdeen Wakaalada SONNA iyo Wakaalada qaranka Turkiga ee Anadolu wuxuuna yiri

“Heshiiskaasi waxaa la saxiixay sanadkii la soo dhaafay Bishii Lexaad Sedexdeeda markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimid Soomaaliya, waxaa jiray Heshiisyo badan oo xiligaas la saxiixay, hadii ay ahaan laheyd Beeraha iyo Qorsheynta, ujeedada aan leenahay waa inaan tayeynaa Xarumaha aan Heshiisyada la galnay, si ay u badato Wada shaqeynta Dowlada Turkiga, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Soomaaliya, waxaan hubaa Muddooyinka soo socda in la dardar galin doono dhaqan galinta heshiiskaasi” ayuu yiri Olgan Baker.

Sidoo kale Danjiraha Turkiga ayaa wax laga weydiiyay Isbedelka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya kaalintee uu ku leeyahay Turkiga? Wuxuuna sheegay in doorkooda uu cad yahay isla markaana ay dhinac kasta ka garab istaagayaan Soomaaliya.

“Sidaad og tihiin sanadkii 2011 ayuu Tukriga Soomaaliya yimid markaas oo kaalin muhiim ah uu ka qaatay dhanka Bini’aadannimada, Dhaqaalaha iyo Siyaasada, Mashruucyo waa weyn ayaan ka wadnaa Soomaaliya haday noqon laheyd Amniga, Siyaasada iyo Caafimaadka, Sidoo kale waxaan ku dadaaleynaa in la gaaro heer qof kasta oo Soomaali ah uu dabooli karo Baahidiisa maalmeed, sidoo kale waxaa jira Mashruucyo badan oo aan Soomaaliya ugu tala galnay, Ujeedadeena ugu weyn waa in Soomaaliya ay noqoto Dal isku filan, Qalalaasihii dalka ka dhacay sidii looga soo kaban lahaa ayaan ku dadaaleynaa, mar kale waxaan isku dayeynaa in Soomaaliya ay noqoto dal aan u baahan deeq shisheeya”ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

 

Daawo Barnaamijka Kulanka todobaadka uu marti ku ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyada

0

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi  oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka Sooaamliyeed ka hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegay in ay Dowladdo badan oo caalamka ah ay si wayn u aqaansadeen Baasaboorka Qaranka Soomaaliyeed taasoo uu sheegay Mr: Koofi in ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed Baasboorka ku tagi karaan dacalada Dunida in kastoo ay jiraan Caqabado yar yar.

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya waxaa ay didaal xoogaan ugu jirtaa horumarinta Baasaboorka Soomaaliya in loogu safri karo Caalamka oo dhan.

Mareynkanka oo dalbaday in Cadaalada la horkeeno Saraakiisha Ciidamada Militariga Myanmar

0

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney muhiim tahay in la qaado talaabo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha Ciidamada Militariga Myanmar kuwaasoo howlgal amarkooda lagu qaaday sababtay in si qasab ah loo barakiciyo 500,000 Muslimiinta Rohingya kuwaasoo maciin biday dalka Bangaldesh.

Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa xukuumadda Myanmar ku eedeeysay iney qaadeys olole ka dhan ah Muslimiinta Rohingya oo ay dooneyso iney dalka kaga tirtirto Qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ku xigeenka Haweeneyda hogaamiyaha ka  ah dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, oo hadal kooban ka jeediyay  shirka loo dhan yahay ee Qaramada oo dhawaan lagu qabtay magaalada New York ayaa sheegay ineysan dheg jalaq u siineyn cambaareynta kaga imaaneysa beesha caalamka ee ku aadan Xasuuqa ay ku wado Qoomiyadda Muslimiinta ah laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Hadalka Safiirka Mareynkanka u fadhiya Qaramada Midoobay Haley ayaa imaanaya iyadoo in ka badan 50-Qaxooti Qoomiyadda Rohingya la la’yahay markii dooni ay saarnaayeen ku qalimatay badda iyado loo aaneynayo roob dabeylo wata iyo badda oo kacsaneyd.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR),ayaa warbixin ay oo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 130-Qof la aaminsan yahay iney dooni saarnaayeen la la’yahay,Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay in 27-Qof oo ka mid dadkaasi la soo badbaadiyay halka in ka badan 50- kalena la la’yahay.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka ayaa ku baaqay in il gaar ah lagu eego dadka Muslimiinta ah ee barakicinta lagu hayo,si markaasi loo gaarsiiyo caaawinaada ay u baahan yihiin.

Deg Deg: Taliyaha Guud ee CiidankaTurkiga oo goor dhow Muqdisho soo gaarey

0

Muqdisho(SONNA) Wefigan uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidanka  Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa goordhow ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay sida uu soo sheegayo wariyaheena Maxamed Xasan Cali .

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada Amniga ay siweyn u sugayaan nabad gelyada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socda Dalka Turkiga kaasi oo ka qeyb gelidoona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho,taasi oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka.

Faah Faahinta warkaasi goor dhow kala soco SONNA.SO

Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya doorashada Golaha deegaanka ee Xaafadda Soomaalida ay degto ee Minneapolis +Sawiro

0

Mareykanka(SONNA) Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minesota ayaa waxaa ka soconaya ololaha doorashooyinka Golaha deegaanka iyo tan degmada,iyadoo musharixiinta ay qeyb ka yihiin ilaa 3-musharax oo matalaya Soomaalida kunool magaaladaasi.

Musharaxiinta ku tartamaya Duqa Golaha deegaanka ee xaafadda Soomaalida ay degto ee loo yaqaano Word six ayaa kala ah MAxamuud Nuur iyo Cabdi Warsame oo ka socda Xisbiga Dimoqraadiga iyo Faadumo oo iyana ka socota Republicanka.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Minneapolis Duqa Degmadaasi Haweeneyda lagu magacaabo  Betsy Hoeges  oo markale u taagan in dib loo doorto iyo Maxamuud Nuur oo Golaha Deegaanka u tartamaya ayaa si wada jir ah uga codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale in codkoodi ay ku taageeraan.

“Walaal shirka maanta wuxuu ahaa taageero aan u muujinayno Duqa magaalada  oo ah qof aaad u wanaagsan oo si weyn wax uga qabtay Soomaalida,wadashaqeyn ayaa kala dhexeysa Soomaalida,waxay ahayd in aan istaageerno wada shaqeynta, sababta waxaa weeye waxy maamushaa dhaqaalaha horumarinta, go’aanka iyada ayaa iska leh wixii ay latimaada ayaa lagu ansixiyaa Golaha Deegaanka”, Ayuu yiri Maxamuud Nuur.

Sidoo kale Duqa magaalada Minneapolis ayaa  Betsy Hoeges ugu baaqday Soomaalida in ay codkooda siiyaan Maxamuud Nuur oo ka mid ah raga ugu cad cad qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka,iyadoo balanqaaday in ay waxbadan ka qaban doonto horumarinta nolosha Soomaalida.

Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo  barxad weyn oo ku taala magaalada Minneapolis,kuwaasi oo taageero u muujinayay musharixiinta Soomaaliyeed ee u taagan xilka Golaha deegaanka iyo Duqa Degmada,iyadoo ay soconayaan ololihii doorashooyinka.

Ilaa bisha November ayaa waxaa la filayaa in ay gaarto doorashada Golaha deegaanka Xaafadda ay Soomaalida degto dad gaaraya ilaaa 1,500 Qof ayaa ka qeyb qaadanayaa doorashadaasi.

Liiban Xuseen Minneapolis 

Liban Husesein

Warbaahinta Qaranka

Minneapolis

Taliyaha Guud ee CiidanTurkiga oo goor dhow Muqdisho soo gaarey

0

Wafdigaan uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidanka  Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa gor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay sida uu soo sheegayo wariyaheena Maxamed Xasan Cali .

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeyeye iyadoo ciidamada Amniga ay siweyn u sugayaan nabadgeliayada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socoda Dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgalidoona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho,taasi oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka.

Dawladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxisada ee qaraxa ee Kaalinta Shidaalka Ceelgaab

0

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysan falkii ay maanta kooxda nabad-diidka ah ee argagaxisada Al-Shabaab ku dileen shacab aan waxba galabsan.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay Kaalinta Shidaalka Ceelgaab hortiisa ayaa qarxay galabta oo gaari caasi ah oo rakaab shacab ah siday la kulmay qaraxaas oo 7 ruux ay u geeriyoodeen, halka 8 uu dhaawac ka soo gaaray. Ciidanka amniga ayaa isla markiiba u gurmaday oo dhaawacii la geeyey isbitaalada si loo dhabiibo.

Kooxaha argagaxisada ayaa caadeystay inay shacabka bar-tilmaameystaan, tanoo ah fal fuleynimo ah oo ay ku raadinayaan in Al-Qaeda u sheegaan inay weli Soomaaliya joogaan.

Dawladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkan argagaxisadu la beegsatay shacab aan waxba galabsan. Dawladda ayaa qoysaskii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeysey intii ku geeriyootay, una rajeysey inta dhaawaca noqotay inuu EEBBE u fududeeyo oo ay caafimaad waara helaan.

Kooxaha argagaxisada ayaa ka soo horjeeda horumarka dhanka amniga ee isa-soo taraya, waxeyna rabaan in shacabku argagaxo oo dawladnimada iyo nabadu wiiqdo. Dawladda Federaalku wey ka go’antahay inay laba jibaaraan dadaalkooda sugida amniga iyo nabadeynta oo falalka noocan oo kale ah waxey keeneysaa in la xoojiyo amniga iyo nabadeynta. Kooxda argagaxisada oo naf ka bideysa qaraxna, waxey ogaanayaan in shacabka iyo Dawalddu geesinimo ka sii qaadayaan oo meel looga soo wada jeesanayo.

DHAMAAD

Ra’isulwasaare Kheyre Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Caawa Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyey

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib, socdaal uu ku tagey dalka Mareykanka oo uga qeyb galay Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. Waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dawladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shaqo adag oo ay qabatay Xukuumaddu, ka dib, lagu guuleystay in xili habeen ah ay ka soo dagaan diyaaraduhu Garoonka Muqdisho. Wuxuna xusay in la sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho, kuwa dhaawaca ahna Eebe uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah. Isagoo uga baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay kooxaha argagixsadu ku hayaan shacabkeena.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wixii dhib jirana lagu dhameeyo wada xaajood iyo in la eego dadka guud ee Soomaaliya.

—DHAMMAAD—- 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna Wasiirka Gaashaandhigga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Caadil Aljubeyr.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, la dagaalanka argagixisada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalbka sida.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaddiyadaha haatan ka taagan mandiqadda iyo Caalamka, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan.

Dhaxalsugaha ayaa balan qaaday in mashaariic horumarineed ay dowladda Sacuudiga ka fulineyso Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhoweyay isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in dalka dib ugu soo laabto, kaddib markii ay u soo dhamaatay booqasho labo cisho ah oo uu ku joogay dalka Sacuudiga.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Dalka Kuwait gaaray

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa gaaray Dalka kuwait, halkaasi oo ay  uga qeyb gali doonaan Shir  Waxbarashada looga hadlayo.

Wasiirka ayaa Garoonka Diyaaradaha waxaa  kusoo dhoweeyey Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait oo uu Horkacayo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sheekh iyo Masuuliyiin kale.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ee ku sugan Kuwait ayaa la filayaa inta ay joogaan halkaasi Inay kulamo la qaataan Madaxda Dowladaasi.