Al-Shabaab oo khasaaro xoogan loogu geystay weerar ay ku qaadeen Boosaaso+(Dhageyso)

Date:

Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Bar-Kontarool oo Ciidamada amaanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeya Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ka tirsan Difaaca Puntland,waxaana ugu danbeyn Ciidamada Puntland ay u suurta gashay iney dib u celiyaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wariye Maxamed Muuse Tarsan oo warbaahinta Dowladda uga soo warama magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay tahay hadda xaalada magaalada Boosaaso gaar ahaan goobtii dagaalka uu ka dhacay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Wariye Maxamed Muuse.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...