R/wasaare Khayre oo Uganda ugu hambalyeeyay 55 guuradii ka soo wareegtay xornimadooda

Date:

Muqdisho(SOMA):–Munasabadan lagu xusayey 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Uganda uu ka xoroobay gumeystihii  Ingiriiska ayaa maanta lagu qabtay xarunta Safaradda Uganda ee magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay  Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, Wasiiro, Xildhibaanno  iyo Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ayaa  dowladda iyo shacabka Uganda  u diray Hambalyo uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna  xusay in loo bahan yahay in sare loo qado qiyamka Afrika.

“55 sano markii calanka Uganda laga taagay magaalada Kambaala oo ku soo biirtay dalal Soomalida ka mid tahay oo ka xoroobay gumeystihii,  ka Afrikaan ahaan xoriyadda dalalkeena ayay  noo tahay mid qiimo weyn noo leh, maantana waxaan halkaan ka xuseynaa  Aabiyaashii aas aasay xoriyadda maanta, kuwaas oo u istaagay in ay wax kasta u bixiyaan sidii loo heli lahaa dowladnimada anaga leenahay.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale yiri “Waxaana la joogaa waqtigii aan u istaagi laheyn, waxa aan xaqa u leenahay si aan u dhabeyno qiyamkeena oo ah Afrikaanimada,  dowladda Uganda waxa ay ku leedahay qeyb kamid ah taariikhda Soomaaliya maadaama ay caawisay Soomaaliya arintaas ayaana ugu mahad naqaynaa”.

R/wasaare Khayre oo hadalkiisa siiwata ayaa intaa raaciyay “Markii dowladda Uganda ay go’aansatay in ciidankeeda keento Soomaaliya 2007, Ciidankaas geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Soomaalida iyo dalalka kale ee ciidanka ku deeqay,  waxaa ay ka shaqeeyeen sidii Nabada iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka oo muddo dheer oo deganaansho la’aan ah soo martay”

Safiirka  Dowladda Uganda ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadashay ayaa tiri “Soomaaliya iyo Uganda waxaa ka dhaxeeyo xariir soo jireen ah,  kuna dhisan iskaashi qota dheer, taasina  ay keentay in ciidamadeenu ay ka qayb qataan Nabadeynta Soomaaliya oo hadda ka jirta xaalad wanaagsan oo an ugu hambalyeynayo dowladda Soomaaliya.”

Taliyaha Ciidanka Amisom  Cusmaan Nuur Subagle sheegay  in Soomaaliya ay tahay  Hooyada xoraynta Afrika, ciidamada ka socda Midowga Afrika ay yihiin kuwa gudanaya abaalkii ay horay ugu samaysay dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...