Soomaliya oo ka qeybgashay shir ka furmay Koonfur Afrika

Date:

Kulanka furitaankiisa waxaa marti ku ahaa Madaxweynaha Dalka Sahraawi,gudgoomiyaha baarlamaanka ee dalka Chad,Wefdi ka socoda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka South Afrika iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hey’ado iyo dowlado kale oo caalami ah.

Inta uusan kulanka furmin ayaa waxaa xarunta kulanka lagu dhaariyay xillibaanada cusub ee ka mid noqonaya xubnaha baarlamaanka Afrika, waxaana ka mid ahaa afar xilldhibaan oo ka socday Golaha Shacabka Soomaaliyeed,kuwaasi oo Baarlamaanka Afrika ku matalaya Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa markii uu kulanka furitaanka soo dhamaaday waxaa ay la hadleen Waraahinta waxayna  sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay ku matalaan Golaha Baarlamaanka Afrika.

Xillibaanada ka socda dalalka Bariga Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona inta uu socdo kulanka waxaana shir guddoominaya xildhibaan Cabdi casiis c/llaahi Maxamed oo ka mid ah shanta xubnood ee ka socda Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxaana xillkaan ay Soomaaliya soo heysay sanadahii ugu dambeeyay.

kulanka ayaa waxaa uu socon doona labada isbuuc ee soo socda,iyado  xidhibaanada ay ka doodi doonaan qodobo dhowr ah oo hor yaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...