Booliska Kenya oo lagu eedeeyay iney dileen Dad dibadbaxayay

Date:

Nairobi-(SONNA)- Hay’adaha u dooda xuququl Insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidamada ammaanka ee Dalka Kenya dileen ugu yaraan 33 Qof oo Shacab ah, kuwaasoo ka bannaan baxayay qaabkii ay u dhacday doorashadii Madaxtinimo ee Dalkaasi dhowaan.

Warbixintan ay sida wada jirka ah usoo saareen Labadan hay’adood oo ka koobnayd 37 Bog ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tirada Dadka la laayay intaa ka badan karto tan iyo markii ay billowdeen doorashooyinkii ku celiska ahaa ee 8-dii August 2017 ka dhacay Kenya.

Is bahaysiga mucaaradka ee Dalka Kenya ee The National Super Alliance (NASA) ayaa qaaddacay inay mar kale ka qayb galaan doorashadii ku celiska ahayd ee dhowaan ka dhacday Dalka Kenya, markii ay saluug ka muujiyeen qaabka ay wax u socdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...