Home Blog Page 1505

Ra’iisul wasaare Khayre oo mushaarkiisa wax ku bari doono 100 arday

0

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kafaala qaaday in 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka JFS oo shir jaraa’id  ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu balan qaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.

Sidoo kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in booqasho uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Xildhibaan Idiris, ayaa tilmaamay in biyo la’aan daran ay ka jirto degmada Buurhakaba ee goboka Baay isla markaana kala hadleen xukuumadda Soomaaliya, isagoona xusey in dowladda u balan qaatay in ay biyo dhaamin loo sameyn doono dadka ku dhaqan deegaanada biyo la’aanta daran ka jirto.

Mudanayaasha Aqalka sare oo u codeeyey in dib loo dhigo Ajandihii ku saabsanaa arrintii Qalbi Dhagax

0

Muqdisho(SONNA) Mudanayaasha  aqalka  sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa oo maanta kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa waxaay go’aamiyeen in dib loo dhigo Ajandihii ku saabsanaa arrinta Qalbi Dhagax.

Fadhiga oo uu shir Guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa qaar kamid ah xildhibaanadu ay horgeeyeen dalab ah in dib loo dhigo arrintaasi,iyadoo guddoonka uu cod geliyay.

Waxaa ogolaatay in dib loo dhigo Ajandahaasi, 21 mudane, 11 kale waa ay diideen, halka 4 kale ay ka aamuseen.

Guddomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo coddeynta ka dib hadlay ayaa sheegay in dib loo dhigay, maadaama xildhibaanadu ay codkoodii uu u batay dib u dhigista.

Baaq lagu joojinaayo Xasuuqa Muslimiinta Burma

0

Muqdisho (SONNA)- Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo saaray baaqyo looga codsanayo Madaxda dalka Myanmar inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah muslimiinta dalkaasi ee Rohinga ,oo sababtay inay kumaanaan kun qof ay ka barakacaan degaanadooda ,una gudbaan dhanka xadka ay Burma la wadaagto dalka Baangaladesh.

Baaqaan ayaa sidoo kale Madaxda iyo Xukuumadaha Islaamka iyo Carabta ay ku tilmaameen xadgudbyada Ciidamada dalka Burma ay ku hayaan muslimiinta Rohinga in ay yihiin kuwo halis ah isla markaana ka hor imaanaya Qaanuunka Dowliga, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Sidoo kale baaqan ka soo baxay Madaxda Ururka Iskaashiga islaamka waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee ku wajahan Xukuumadda Mayanmar inay joojiso tallaabo kasta ee ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka,waxa ay ku baaqeen in loo dhega nuglaado baaqayda Caalamiga ah ee Golaha amaanka iyo kan Mujtama Dowliga ah.

Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray Degmada Baladxaawo

0

Muqdisho (SONNA) Aragagaxisada Al shabaab ayaa laga saaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo oo saaka ay kula dagaalameen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland sida Wakaalada Wararka SONNA ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maleeshiyada Aragagaxisada Al shabaab ayaa saaka gudaha u galay Baladxaawo, waxaana Madaafiic ay ku rideen goobo ay ku sugan yihiiin dad rayid ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay, iyagoo Sidoo kale guryahooda ku dhex dilay Labo wiil oo dhalinyaro ah.

Jawiga Magaalada Baladxaawo ayaa hada degan, wixii warar ah ee soo kordha goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa.

Ukrian oo dhalashadii kala noqotay Madaxweynihii hore ee Goergia

0

Muqdisho (SONNA): Madaxwaynihii hore ee dalka Goergia MICHEL SHAKASVIILI ayaa dawladda Ukrain ay kala laabatay dhalashadii uu wadankaa ka haystay, iyada oo laba jeer laga celiyay xuduuda wadanka Ukrain,ka dib markii uu amarka bixiyey madaxwaynaha dalkaasi.

Shakaasvilii ayaa haystay laba dhalasho oo ay ku jirto mida wadanka Ukrain tan iyo intii uu ahaa madaxwaynaha dalka Goreiga.

Madaxwaynaha Ukrain ayaa ku andacoonaya in aanu Mr: Shakaasvilli dhalasho Ukrain ah qaadan karin,waxaanu ku sababeeyay in dastuurka dalka Ukrain aanu ogolayn qof haysta dhalasho dal kale.

Michel Shakaasvilii ayaa dhinaciisa sheegay in uu maxkamada sare ee dalkaas u gudbin doono dacwad ka dhan ah madaxwaynaha dalka Ukrain.

Suxufi:Noqo mid wax dhisa.

0

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda ilbaxnimada  iyo xadaaradda soo jireenka ah ee kala dhexeeya bulsho weynta caalamka ee mudada fog ku noolaa dunidaan

Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray dad wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Warbaahinta Soomaalida oo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku bilaabatay qaab ganacsi iyo kuwo laga lahaa dano  siyaasadeed , waxa ay soo saareen suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda.

Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadallo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan,qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa dadka,

Hadabba maxay ka dhigan tahay in aad wareysato ruux qaran dumis ah ama qof doonaya in uu dhalliil been ah u sameeyo dowladda,arintaasi waxaa lagu macneyn karaa si xun wax u sheeg sixi waa ka daran yahau waayo adiga ayaa u fududeeyay in la isticmaalo aaladda warbaahinta oo xilliyada qaar noqota mid wax lagu dumiyo.

Inta badan ma kuu muuqdaan in aad difaacdo dowladda ,adigoo eegaya maslaxadda dadka iyo dalka oo waqtigaan ka soo gudbaya marxaladdii burburka,mase waxaad dooneysaa in dib loogu laabto nidaamkii qabiilka iyo kala fogaamta Soomaalida?

Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.

U diid  warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowladda curdunka ah ee laga filayo soo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.

Suxuufigu waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta, iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo  hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato  qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Xusuusnoow saxaaafadda aad ku howlgaleyso  waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas’uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, Hana  ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta,iyadoo sidoo kale ay waajib  tahay in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon iyo waayo aragnomo  durugsan u leh Saxaafadda.

Ogoow haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay ay jiraan hey’ado garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqaam.

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Baaq lagu joojinaayo Xasuuqa Muslimiinta Burma

0

Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo saaray baaqyo looga codsanayo Madaxda dalka Myanmar inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah muslimiinta dalkaasi ee Rohinga ,oo sababtay inay kumaanaan kun qof ay ka barakacaan degaanadooda ,una gudbaan dhanka xadka ay Burma la wadaagto dalka Baangaladesh.

Baaqaan ayaa sidoo kale Madaxda iyo Xukuumadaha Islaamka iyo Carabta ay ku tilmaameen xadgudbyada Ciidamada dalka Burma ay ku hayaan muslimiinta Rohinga in ay yihiin kuwo halis ah isla markaana ka hor imaanaya Qaanuunka Dowliga, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Sidoo kale baaqan ka soo baxay Madaxda Ururka Iskaashiga islaamka waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee ku wajahan Xukuumadda Mayanmar inay joojiso tallaabo kasta ee ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka,waxa ay ku baaqeen in loo dhega nuglaado baaqayda Caalamiga ah ee Golaha amaanka iyo kan Mujtama Dowliga ah.

Mudanayaasha Aqalka sare oo u codeeyey in dib loo dhigo Ajandihii ku saabsanaa arrintii Qalbi Dhagax

0

Mudanayaasha  aqalka  sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa oo maanta kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa waxaay go’aamiyeen in dib loo dhigo Ajandihii ku saabsanaa arrinta Qalbi Dhagax.

Fadhiga oo uu shir Guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa aar kamid ah xildhibaanadu ay horgeeyeen dalab ah in dib loo dhigo arrintaasi,iyadoo guddoonka uu cod geliyay.

Waxaa ogolaatay in dib loo dhigo Ajandahaasi, 21 mudane, 11 kale waa ay diideen, halka 4 kale ay ka aamusee.

Guddomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo coddeynta ka dib hadlay ayaa sheegay in dib loo dhogo maadaama xildhibaanadu ay codkoodi uu u batay dib u dhigista.

Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray degmada Balad-Xaawo

0

Aragagaxisada Al shabaab ayaa laga saaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo oo saaka ay kula dagaalameen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland sida Wakaalada Wararka SONNA ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maleeshiyada Aragagaxisada Al shabaab ayaa saaka gudaha u galay Baladxaawo, waxaana Madaafiic ay ku rideen goobo ay ku sugan yihiiin dad rayid ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay, iyagoo Sidoo kale guryahooda ku dhex dilay Labo wiil oo dhalinyaro ah.

Jawiga Magaalada Baladxaawo ayaa hada degan, wixii warar ah ee soo kordha goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed oo Gaalkacyo kula kulmay saraakiil Amni

0

Muqdisho(SONNA) Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Ameeriko iyo satraakiil uu hoggaaminayay oo  maalmaahaanba howlo shaqo u joogay deegaanada Puntland ayaa kulan kula qaatay  magaalada Gaalkacyo,Qaar ka mida saraakiisha ciidamada booliiska dowladgobaleedyada Puntland iyo Galmudug Gelinkii dambe ee Axaddi.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xoojinta wadashaqeynta iyo sidii la isaga kaashan lahaa sugidda nabad geliyad  iyo u adeegista bulshada.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Galmudug kornayl Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) isagoona ka mahad celiyay garab istaaga iyo ka warqabka ay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed  markasta u hayaan ciidmada Booliiska Dowlada Goboleedyada.
Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa warbaahinta Qaranka u faah faahiyay ujeedka socdaalkooda.

“Waan ka mahadcelinayaa sida na loo soo dhaweeyey, ujeedka socdaalkeena wuxuu la xiriira sidii aan ugu kuurgali lahayn ciidamada booliska ee ka howlgala deegaanada Galmudug iyo Puntland, si aan uga warqabno xaaladdooda, waxaan sidoo kale ciidamadu ay u keeney qalab loogu talagalay in ay si wada jir ah uga howlgalaan si ay isaga kasha daan Ammaanka”, Ayuu yiri Janaraal Bashiir Cabdi.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhisan ciidamada loogu talagalay in si wada jir ah ay u sugaan amniga, iyo dhiiro gelinta isdhexgalka bulshada.