Home Blog Page 1503

Masar oo looga baroor diiqey dadkii ku waxyeeloobey qarixii Soobe

0

Waxaa sii kordhayay qeylo dhaanta iyo walaaca laga muujinayo xasuuqa Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii bahalnimada ahaa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magalaaad Muqdisho.

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan gumaadka shacabka ay ku hayaan SHabaab.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

“Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir  C/qani Wayas.

Angelino Alfano “Talyaanigu wuxuu rabaa in uu muujiyo taageeradiisa dhammaan qoysaska dhibanayaasha iyo kuwa Ku dhaawacmay Qaraxii Soobe”,

0

Muqdisho(SONNA) Dowladda Talyaaniga ayaa lacag dhan 300,000 oo Euro ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto dadka waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii wuxuushnimada ay kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka geysteen 14-kii bishan Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay muhiimada deeqdaan lacageed ayaa carabka ku adkeeyay in wax uun ay ka tarto dhibaatada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdsho.

“Waxaan diyaariyey adeegga Talyaaniga ee gargaarka deg degga ah ee 300,000 oo Euro si ay kaalmo ugu noqoto Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas (FICROSS), qayb ahaan lacagtan waxaa si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Angelino Alfano.

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiir Alfano ayaa Yiri “Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay awoodi doontaa inay lacagtaan ka timid Talyaaniga u adeegsato si ay u siiso daryeel caafimaad kuwa ku dhaawacmay weerarka,”

Sabtidii la soo dhaafay oo ay taariikhda ku beegneyd 14-ka October,wuxuu weerar argagixiso uu ka dhacay Isgoyska Soobe,kaasoo ay ku dhinteen 280-Qof halka ilaa iyo 300-Qof ay ku dhaawacmeen,waxayna Dowladda Talyaaniga shaacisay iney dooneyso muujinta taageerada dhamaan Qoysaska dhibanaasha ah.

Masar oo looga baroor diiqay dadkii ku waxyeelloobay qarixii Soobe

0

Waxaa sii kordhayay qeylo dhaanta iyo walaaca laga muujinayo xasuuqa Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii bahalnimada ahaa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magalaaad Muqdisho.

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan gumaadka shacabka ay ku hayaan SHabaab.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

“Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir  C/qani Wayas.

Madaxweynaha oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah madaxda Caalamka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyayaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka kuwaasi oo muujiyay dareenkooda ku aaaddan mashaqadii 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho.

Waxaa ka mid ah madaxda khadka telefoonka kula soo xiriirtay.Madaxweynaha Dalka Turkiga, Suudaan. Ra’iisul Wasaarayaasha Itoobiya iyo Swedan, waxaa sidoo kale madaxweynaha uu helay dhambaallo tacsi ah, oo ka kala yimid Xoghayaha guud ee Q.M. Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka iyo kan Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeybsanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay  Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

Banaanbax ka dhan ah Shabaab oo ka dhacay magaalooyinka Johannesburg iyo Cape Town

0

Banaan baxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen urur dhalinyaro ah oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida South Africa  una istaagay in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo kooxaha argagaxisada ay ku xasuuuqeen shacabkii masaakiinta ahaa ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Dadweyne aad u farabadan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee xaafada Soomaalida dagan tahay Mayfair kuwaa oo shaqooyinkooda ka soo tegay isla markaana madax ku soo xirtay marooyin gaduudan oo ay ku muujinayeen dareenka iyo sido kale boorar waa weyn.

Madaxda jaaliyadda Soomaalida iyo shacab kale ayaa goobta hadalo kooban oo u badnaa tacsi ka jeediyay waxaana ay dhamaan ka mideysnaayeen dareenka murugada leh oo ay ka qabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee  14-a bishaan kooxaha argagaxisada ay ku qaadeen isgoys-ka Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 300 ruux tiro ka badana ay dhaawacyo ispitaalada la jiifaan.

Inta qudbadaha socdeen waxaa la arkayay haween badan oo ilmeynaya isla markaana wajiyooda laga dheehan karay in dhibaatada iyo diifta ay ku reebtay dhacdadaan naxdinta leh, qaarkood oo warbaahinta qaranka la hadlayna ay sheegeen in tani ay tahay musiibo ku habsatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana hooyooyinka.

Intaasi kadib waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka xaafada Mayfair ayaga oo ku qeylinaya erayo ay kaga soo horjeedaan kooxaha argagaxisada ah ee falkaan foosha xun geysatay waxaana ku jiray erayo ay ka midyihiin”Al-shabaab dooni meyno,nabad diidka dooni meyno,maato laaye dooni meyno”

Sido kale Magaalada Cape Town ayaa Soomaalida ay ka dhigeen banaan bax kan la mid ah ayada oo Soomaalida xaafada Bellville ay isugu timid madrasada Sunna ay Soomaalida ku leedahay magaalada Cape Town.

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ah ka helay qaar ka mid ah dalalka Caalamka

0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi ku aaadan mashaqadii 14kii bishan ka dhacday Muqdish.

Waxaa kamid ah madaxda khadka telfoonka kula soo xiriirtay.Madaxweynaha Dalka Turkiga,Suudaan.Raiisul Wasaarayaasha Itoobiya iyo Swedan,waxaa sidoo kale madaxweynaha uu heley dhambaalo tacsi ah waxaana ka mid ah madaxdaasi Xoghayaha guud ee QM,Raiisul Wasaaraha Jarmalka iyo kan Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno”

0

Muqdisho (SONNA)  , 18 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kaga qayb galay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaaladda Muqdisho bannaan-bax lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha, ayaa halkaas kula hadlay kumanaan shacab ah oo ka soo qayb galay bannaan-baxaan, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.

“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey dhammaan qaybihii Bulshada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay howlaha gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku dhaawacmay falkii argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka-Sida dadaalkii muhiimka ahaa ee ay kaga qayb qaateen howlaha gurmadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Dhammaan shacabka iyo dowladdu waxa ay muujiyeen isku duubni, taasina waa tilmaamta rajada maanta ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, balse jawaabta aynu ka bixinno dhammaanteen musiibada dhacda ayaa noqonaysa midda la ina ku qiimeeyo.”

 
Sidoo kale, bannaan baxaan waxaa hadallo ka jeediyey Raiisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah.

 

 

 

-DHAMMAAD-

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

0

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, isla mar kaana ku geeriyooday dalka India, xanuun hayay awgeed.

 

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha  sheegay in Marxuum Xildhibaan Bootaan uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon Baarlamanka, sidaa darteedna Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu u hayey.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

——DHAMMAAD——

Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii….

0

Muqdisho(SONNA)-Khadra Carab Cabdi, 27 sano jir haybineysa seygeeda oo uga war dambeysay labadii duhurnimo maalintii Sabtiga ee uu dhacay qaraxii ka dhacay isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho halkaas oo ku dhawaad 300 ruux ay ku naf waysay halka in ka badan tiradaasna ay ku dhaawacantay.
Khadra waxa aysan nolol iyo geeriba ku haynin C/rashiid Mukhtaar Sh. Sadiiq oo ah saygeeda, wuxuuna uga soo tagay gurigeeda oo ku yaala degmada Kaxda ee gobalka Benaadir abaaro 2:00 duhurnimo 14-kii bishan.
Khadra waxa ay hadda leedahay Uur 8-bilood ah, oo ay u leedahay ninka ay hadda baadi-goobkiisa ay ku jirta, waxaase xusid mudan in ay hasato 5 carruur ah, 4 gabdhood iyo 1(hal)-wiil oo ay u dhashay nin kale oo ay wada dhasheen ninkan dambe oo isna la dilay mudda hadda la jooga 4-sano.
“Wax war wacaal uma hayo ninkayga, C/rashiid Mukhtar, tan iyo ilaa sabtidii oo qarax ka dhacay Zope ayaan heybinayey, mana helin warkiisa, mawd iyo nolol, waxaan joognaa quus, waxaan codsanaynaa in nalagu gacan siiyo warkiisa, nala caawiyo, waa markii labaad ee aan asay qaadayo”, Khadra ayaa sidaas u sheegtay Wakaaladda SONNA.
Khadra waxa ay intaas ku dartay in C/rashiid uu gacanta ku hayey Waalidkiisa, hooyo iyo aabe oo cad ah iyo in nolosha uu gacan ku siin jiray qoyska gabar isaga la dhalatay oo nin maskax ahaan u fiyoobeen u dhexda.

 

“Ninkeyga waxaa dishay mid kamida 3-xaas(naagood) oo uu qabay weli tan uga da’da yareyd, iyadaas waxa ay u dhashay 2 carruur ah, ana waxan u dhalay 5 carruur ah halka tan kale aysan waxba u dhalin”, Khadra ayaa intaa raacisay.

 

Ninkeedan aysan warkiisa haynin balse ay aamin santahay in uu ku geeriyooday qaraxii maasheeyey boqolaalka ruux ee aan waxba galabsan, wuxuu ahaa baabuurey(darawal) ka shaqayta magaalada muqdisho halkii ninkeedii hore uu u shaqayn jiray dawladda sida gaar ah ‘Wasaaradda Arrimaha Gudaha’.


Maryan Mukhtar Sh. Saadiq waxa ay la dhalatay ninka maqan,sidoo kale waa gabar culus oo uur leh oo aan ilinta ceshan karin oo waxa ay gabtay in sawir buuxa ka bixiso walaalkeed oo u muuqday in ay ku waysay Qaraxa Zope.
C/siis Macalin Cisman Sheekh oo isna ay ilmo adeero yihiin wiilka maqan yiri, ” Ma u malaynayo in uu nool yahay walaalkey, waxa aan aamin sanahay in uu ku dhintay qaraxaas, mas’uuliyad badan buu hayey, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed gurmad baan ka rabnaa”.
Isku soo wada duub, waxaa aad u adag in sawir laga bixiyo xanuunka ay leedahay in qofkaaga aad ku wayso nolol ama geeri, waa arrin ay dad badan oo bulshadeena ku indha qaaday qaraxii ka dhacay isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariisto inta ku geeriyootay xasuuqaas, inta dhaawaca ahna Alle ha caafiyo.
W/D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqey in loomidoobo difaaca dalka iyo shacabka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi C/llaahi iyo R/wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Maleeshiyada Shabaab iyo qarixii Soobe,kaasi oo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa khudbad u jeediyay shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku booriyay in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in lagu soo duuley jiritaanka umadda Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday shacabka in waxkasta meel la iska dhigo loona soo jeesto xoreynta Dalka.

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dheer oo khiiro gelisay shacabka Soomaaliyeed ka jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo,oo siweyn uga hadlay khataraha bulshada ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday kahadalka ahmiyadda ay leedahay in cadowga SHabaab laga difaaco dalka iyo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in la sameynayo ciidamo loogu magac daray ciidamada difaaca Shacabka.

“Waxaan leeyahay caruurtii,Aabayaashii iyo hooyooyinkii ku dhintay qarixii 14kii bishan dhacay illaahay ha u naxriisto,gacan ka xaqdaran ayaa dishey,aan u duceyno in illhaahay naxriistiisa uu siiyo,intii dhaawacantayna uu bogsiiyo,dadkaasi waxay ahaayeen mujaahidiin,waa ay shahiideen,dalka dhibaatada in muddo ah kajirta waxaa sabab u ah inaga oo caasinay illaahay aan u towbad keeno oo aan cafisweydiisano inagana aan iscafino si aan u helno naxriista alle”, Ayuu yiriMadaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowladihii ka qeyb qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay,wuxuuna xusay in mar un loo abaal gudi doono,wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Qaranka sida ay ugu istaageen howlaha gurmadka ah tan iyo malintii qaraxa uu dhacay,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaad adag.

“14kii bishan waxay noqonaysa Taariikh madow oo Soomaaliya ay xusuusan doonto 100 sano ee soo socota,balse uu yiri waxay ku xiran tahay sida ay uga jawaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaa la sameynayaa ciidamada difaaca shacabka waxaa lagu bilaabayaa 14 milyen oo dowladdu bixinayso,waxaana kow ka ah shaqaalaha Dowladda,ha la is qoro dalka hala difaaco”,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay ciidamada Amisom dowrka ay ka qaadanayaan difaaca dalka,balse wuxuu xusay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in iyaga ay is difaacaan hubkuna ay qaataan si ay uga hortagaan dhagaraha cadowga.