Home Blog Page 1503

Golaha Shacabka oo ka dooday soo dhoofinta badeeco dalka laga heli karo

0

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu shir Gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa waxaa looga hadlay soo jeedinta Golaha ee joojinta soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo gudaha dalka ee laga keeno dalka dibadiisa iyo sidoo kale akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta, waxana ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu golaha  hortooda ka akhriyay soo jeedinta ku saabsan soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo dalka ee dibadda laga soo dhoofiyo.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa aragtidooda iyo suurtagalnimada soo jeedinta ee xiligan ka dhiibtay soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayri Maareeye.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maareeye oo ay qaar ka mid Xildhibaanada aragtidooda ka dhiibteen uu la wareegay Guddiga uu quseeyo oo la kaashan doono Wasaaradda ku shaqada lehkuwaasi oo markale dib ugu soo celin doono Golaha

Intaasi kaddib ayaa waxaa loo gudbay Ajendaha labaad ee kulanka oo ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Qaalid Macow oo ah Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa ayaa goob joog ka ahaa, waxaana si toos ah ay uga jawaabayeen qaar ka mid ah su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen, wuxuuna Wasiirka uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha shacabka in ay sharciga ansixiyaan.

Ajendaha ku saabsanaa ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madax-bannaan ee doorashooyika ayaa dib loo dhigay maalinta beri ah, kaddib markii Guddoomiyaha guddiga madax banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil ‘’Xaliima Yareey’’ ay ka codsatay Xildhibaanada golaha shacabka in ajendaha dib loogu dhigo maalinta beri ah oo si weyn looga doodi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim “Muudey”’ oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madax bannaan ee doorashooyika maalinta beri ah dib loo dhigay, wuxuuna sidoo kale sheegay aragtida Xildhibaanada ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka uu yahay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay dad dibad baxyo dhigayay

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa maanta la hadlay wadayaasha bajaajta ee magaalada Muqdisho oo dibad baxyo cabasho ah ka dhigayay magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhex galay dhallinyaradii dhigayay banaanbaxa ee km4 ayaa dhagaystay cabashadooda, waxana uu u sheegay in uu wax ka qaban doonaan arrimaha ay ka cabanayaan, balse dhallinyarada looga baahanyahay inay kala shaqeeyaan maamulka dhowrida ammaanka.

“Dhallinta bajaajta wadaay, ma dhaceyso in la idin dulmiyo, ee waxaa diyaar u nahay difaaciina, idinkuna kaalinta sugida Nabadgelyada qaata, oo iska diiwaangeliya Degmooyinka aad ka howlgashaan si berri marka wax idin gaaraan ay idiin caawiyaan”  ayuu yiri Guddoomiye Thabit.

Dhalinyaradii banaanbaxa dhigayay ayaa u sacaba tumay guddoomiye Thaabit waxana ay ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir balse ay ka rajeynayaan in wax laga qabto cabashadooda, halka qaarkoodna ay bilaabeen inay sawiro ka qaataan oo mobayladooda ku sawirtaan guddoomiye Taabid.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa haatan caadi ku soo laabtay, iyadoo markii hore ay xooga hakad gashay isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Dhalinyaro careysan ayaa burburiyay mid kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM meel ku dhow isgoyska Lambar 4 waxaana halkaa ka cararay ciidamadii saarnaa gaadidka kadib markii ay lagu soo xoomay.

 

Guddoomiye Jawaari oo aaday safar dibadda ah

0

Afhayeenka golaha shacabka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u amba-baxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka qeybgali doona shirka guddoomiyeyaasha  baarlamanada Afrika ee Pan-Africa Parliament oo Soomaaliya xubin ka tahay.

Mudane Jawaari ayaa xusay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo arimaha dhalinyarada qaaradda Afrika, sidaa awgeedna Soomaaliya arintaas si weyn u daneynayso maadaama tirada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ay dhalinyaro yihiin isla markaana heerka shaqo la’aantana uu aad u sareeyo.

“Safarkeyga waxaa uu ku saabsan yahay in aan ka qeybgalo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanka Afrika oo sanadkii mar la qabto kaas oo socon doonta ilaa 11 bishan,” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Jawaari ayaa sheegay in shirka looga wada arinsan doono sida dhalinyarada dalalka Afrika loogu diyaarin lahaa in ay noqdaan hoggaamiyeyaal wanaagsan oo wadamadooda u horseeda maamul wanaag iyo ku dhaqanka sharciga.

Shir lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay Wasaaradaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha.

“Maanta waxaa farxad weyn inoo ah Wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waan karnay aniga iyo shaqaalaha Wasaaradda inaan diyaarino Istiraatiijiyadda, balse waxa aan ka doorbidnay in Dawlad Goboleedyada iyo Buslahada Rayidka talooyinkooda ku dhisanto Istiraatiijiyadda, waana idinkaga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka wanaagsan” ayuu yiri AVV Xoosh.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan ka qaybgalayaasha in ay fikradahooda soo bandhigaan oo ay soo saaraan Istiraatiijiyad wanaagsan oo lagu hawlgeli karo.

—–DHAMAAD—–

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Golahiisa Wasiirada (Akhriso)

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay liiska xubnaha cusub ee golaha wasiirada puntland
waxaana soo laabtay inta badan golahii wasiirada ee hore :

Liiska wasiirada :

1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR
4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada
5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka
9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
12. Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka
13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
15. Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka
18. Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
19. Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
20. Cabdiraxman Sh. Axmed Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Golaha shacabka oo ka doodaya moshin ku saabsan Badeecooyinka Dalka la keeno

0

Xubno ka tirsan golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay mooshin dhigaya in aan dalka loo soo waaridi karin cuntooyinka kamid ah dalagyada dalka.

Mooshinkan ayaa waxaa soo diyaariyay xubnaha golaha shacabka  oo tiradooda ka badan tahay 50 xildhibaan, sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tirsan golaha shacabka.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in u jeedka mooshinkan uu yahay in la dhiirigeliyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda maadaama dal kasta ay waajib tahay in uu ku tiirsanaado wax soo saarka beerahiisa.

“Dalkeena waa in la joojiyo u soo dhoofinta badeecooyinka dalka ka baxa, dabcan waa sida dowladaha adduunka u dhaqmaan dalkasta wixii gudahiisa ka soo baxa iyo wixii ganacsatada warshadaha ka soo saaraan lama ogola in la keeno haddii kale waxaa uu noqonayaa dal la quudiyo,” ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa sidoo kale, sheegay in kala dambeyn la’aanta dalka mudada dheer ka jirtay ay sababtay in la keeno dalka dalagyada ka soo go’a beeraha taasina ay tahay curiyaamin dowladdana uu waajib ka saaran yahay ilaaliso danaha dadka Soomaaliyeed.

“Dowlad kasta oo adduunka ah waxaa ay dalkeeda ka waardiyeeysaa in dadkeeda laga dhigo dad curiyaan ah maskaxda ka curiyaan ah muruqa ka curiyaan ah oo aan waxba soo saaran karin warshado sameysan karin,” ayuu sheegay xildhibaan Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi  Xayir Maareeye, ayaa sidoo kale tilmaamay in waxa oo dhan aan hal mar la wada joojin karin loona baahan yahay in wasaaradaha arintan quseyso ay qorshe keeni doonaan.

Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo madaxda ururada bulshada rayidka oo kulan yeeshay

0

Shir u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda, shirka ayaa ahaa mid loogu diyaar garoowayo shir afar maalin socon doona oo beri ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar kamid ah Lataliyayaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulanka la yeeshay Madaxda Urarada Bulshada Rayidka oo soo booqaday Xarunta Wasaaradda, kuwaasoo ka kala yimid dawlad goboleedyada dalka.

Wasaaradda ayaa waxa ay qabanqaabisay kulan beri ka bilaabmi doona Muqdisho oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu diyaariyo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyi Gelinta Bulshada, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegsita Dastuurka, Kulankaa oo ay door weyn ka qaadan doonaan Bulshada Rayidka ayaa madaxdooda iyo masuuliyiinta Wasaardda isku afgarteen in uu noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin la mahdiyo.

Ugu dambayn, waxaa ay labada dhinac isku fahmeen in Istiraatijiyooyinka ka soo bixi doona shirka beri furmi doona ay noqdaan kuwo ay ku hawlgalaan dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka qayb qaadan doona Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Beyle oo uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta misaaniyadda

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle oo maanta ka qayb galay kulankii golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey ansixinta Miisaaniyada qaybta ka hartay sanadka 2017-ka.

Ugu horayntii Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay miisaaniyadu mudadii labada usbuuc ahaa ee ay gacanta ku hayeen.

“Miisaaniyadda waxaa nalagu soo wareejiyey 15, July, 2017, waxaan ku samaynay dib u eegis balaaran, marxalado kala gadisan ayeey soo martay intaan wadnay dib u eegista, Waxaan la wadaagnay shacabka Soomaaliyeed si ay fikir uga dhiibtaan, waxyaalihii ay talo ahaan noo soo jeediyeen badankooda nooma suurta galin in lagu daro miisaaniyadan, waxaanse isla go’aaminay in miisaaniyadda sanadka 2018 aan ku darno talooyinkaas. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in misaaniyada aad ansixisaan” ayuu yiri gudoomiyihu.

Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka mudane Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa ka codsaday xilhibaanada in ay u codeeyaan Miisaaniyada, waxaana cod bixinta oo gacan taag ahayd ogolaaday 167 xildhibaan halka ay ka aamuseen labo xildhibaan, mana jirin cid diiday.

Ugu danbayntii Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta ay ansixiyeen miisaaniyada, wuxuuna ka balan qaaday in wasaaradu qaadanayso talooyinka gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda ee ah in misaaniyada 2018-ka ay noqoto mid lagu sameeyey wada tashi balaaran.

“Wax wanaagsan ayaa ka soo baxay ansixintiina miisaaniyadda sanadaka 2017-ka waana idinka mahadcelinayaa, waxaan ka wasaarad ahaan balan qaadaynaa in la isga yimaado miisaaniyadda 2018-ka. Waxaan kale oo aan idiiin sheegi in meesha waxa aan ku hayno ay yihiin mid aad u yar, misaaniyadeenu waa 260 milyan oo doolar, 50% waxaan ka filaynaa dibada, dadaal badan ayaa naalooga baahan yahay inaan la imaano, sidaad ogtihiin dalkeenu waa isku tashan jiray waana inana hadana isku tashono” ayuu ku soo gaba-beeyey Wasiir Bayle.

 

RW Khayre oo booqday kaydka raashinka ee ciidanka dalka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda qaranka ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raashinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka Soomaaliyeed, isagoona hadalkiisa raaciyay in ay jiraan Guddi kormeer ah oo imaanaya xaruntan si loo ogaado in si caddaalad ku jirto loo qaybiyay raashinka.

“Waxaan bilownay la dagaalanka musuq maasuq qaran, qof walbana waxaan kula xisaab tamaynaa shaqada uu dowladda u hayo, tanina waxay ka mid tahay isla xisaabtanka ay wado dowladdu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay dhamaan ciidamadda dalka maadaama ay iskood u go’aan sadeen in ay difaacaan dhulkooda, iyagoo ku shaqeynaya xaaladd adag, lana dagaalamaan codowga shacabka Soomaaliyeed.

Ku dhawaad 400 dhalinyaro ah oo ka faa’idaystay tababar shaqo abuur ah oo Muqdisho loogu sameeyey

0

Ayadoo  sii kordhayaan dhalinyarada waxbaratay oo shaqo la’aanta haysata ayaa magalaad Muqdisho waxaa ka soconaya dadaalo ku aadan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya in dhalinyaradu ay helaan fursado ay ku shaqeysataan ayagoo ku biiraya hay’adaha Dowliga ah’ kuwa gaarka ah iyo xarumaha ganacsi ee dalka,si looga fogaado in ay la kulmaan mustaqbal xumo iyo in ay ku dhiiradaan in noloshooda ay ku biimeeyaan badah.

Ku dhawaad 40o boqol oo dhalinyaro ah oo kamid ah ardayda jaamacadda SIU ee magalaad Muqdisho ayaa ka faa’idaystay tababar  muddo socday oo la xiriira xirfado shaqo, waxaana labarayay dhalinyaradaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho sidii qofkasta kuliyadii uu ku taqasusay uu ugu shaqeysan lahaa.

C/qani C/llahi Diiriye oo katirsan ururka shaqa doon oo ka shaqeeya sidii dhalinyarada shaqo loogu abaari lahaa oo tababarkan kaalin ku lahaa iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyey muhiimadda ay leedahay in dhalintu ay helaan  xirfado ay ku shaqeystaan kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Waa muhiim in  qofka uu heli tababar si uu fursado shaqo u abuurto, marka aad  waxbarasho ku jirto iyo marka aad shaqeynaysid  farqi ayaa u dhexeeya, Hadii aadan qibrad lahayn waa dhibaato,

“Hadii aanu nahay rugta ganacsiga  gobolka Banaadir waan soo dhaweynaynaa dhalinyarada waxbaratay, waxaan rajaynaynaa in aan dowrkeyna ka qaadano sidii dhalinta waxbaratay fursado ay u heli lahaayeen”, Sidaasina waxaa yiri C/qani C/llahi Diiriye Cali Xuseen Ibraahim

Guddoomiyah Jaamacadda SIU Shaafici Diiriye Cabdi ayaa ku amaanay ururka shaqo doon sida ay u garab taagan yihiin dhalinyarada waxbaratay taasi oo waxbadan ka bedeli karta mustaqbalka ay bulshada Soomaaliyeed ku soo kordhinayaan.

“Shaqa-ddoon wan u mahad celinaynaa , sida ay isu garab taageen aradyda waxbaratay,ujeedada waa in la soo saaro jiil Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan leh, si ay uga qeyb qaataan horumarka dalkooda”, ayu yiri

Bulshada Soomaaliyeed oo 70% dhalinyaro ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa haysatay shaqo la’aan oo saameysay nolosha bulshadas, Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga faa’idaysan lahaa awoodda dhalinyarada shaqo abuurna loogu sameynlahaa