khilaaf kasta waxaa xal u ah Iskaashi iyo wada shaqeyn.

Date:

 

Wada shaqeyn iyo iskaashi  oo la micno ah wax wada qabsi waxaa la gaari karaa marka la helo hogaamiyaal bulsho mideysan oo u diyaar ah horumarinta danaha umadda ,isla markaana ku dhaqaaqda aasaaska dowlad dhexe oo u adeegta dadka iyo dalka.

Tan iyo markii la unkay dowladda soomaaliya ee kalsoonida ka heshay beesha caalamka ,waxaa hirgalay maamul goboleedyo dhowr ah oo la yimid kaalintii waxqabad iyo sharciyadii lama huraanka u ahaa habka federaalka ee Soomaaliya.

Dhismaha maamullaadaasi oo loo arkay kuwo ka talinaya aayaha dadka iyo dalka,waxa ay ku dhismeen wadatashiyo xooggan oo dhexmaray hogaamiyaasha bulshada,xukuumadda dhexe iyo beesha caalamka,kuwaas oo lagu micneeyay in ay xal u yihiin daaweynta dhibaatooyinkii kala gaaray umadda soomaaliyeed ee ku kala firirsan gobollada dalka.

Haddaba,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay shirka wada tashiga dowlad goboleedyada   ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo dareenka  ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Mudane Farmaajo waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleedka ah,si ayuu yiri  looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu xusaY in ay marwalba imaan karto dhalliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa qiray in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale R/Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali KHeyre oo isna ka hadlay natiijadii ka soo baxday shirka Kismaayo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan uu u ifayo mustaqbal iyo rajo wanaagsan sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga wadashaqeeyo horumar iyo wax wadaqabsi ku aadan arimaha dalka.

Mudane Kheyre waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatooyinka ,wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay adkeeyaan midnimadoda ,lana shaqeeyaan dowladda

Inta badan arimaha khuseeya wadatashiga waa kuwo u dhaca si  qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeynaayo in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada masiiriga ah  ee laga sugaayo dowladda dhexe.

Biseylka bulshada waxaa caadiyan ah in laga eego ama uu ku xiran yahay waaya aragnimada ay hogaamiyaashu u yeelan karaan in wax kasta laga hormariyo danta guud ee ummadda ,isla markaana aan dib loogu laaban khilaaf kasta oo hakin kara geedi socodka nabadda  iyo tan dowladnimo.

 

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...