Home Blog Page 15

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay Madasha Indo-Pacific ee Brussels.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee Heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Dalalka ku Teedsan Labada Badweyn ee Indo-Pacific

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga qaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka, ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga ah, iskaashiga dhinacyada badan, iyo xasilloonida gobolka.

Madashan waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal, oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeradiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga ah. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasilloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed munaasabadda 21-ka November awgeed oo ah maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ku asteenysan maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel walba oo ay Soomaali joogta laga xuso.

Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintaan. Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u ahaa bare ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee ku soo tabcay Arday badan wakhtigii adkaa ee dagaalada Sokeeye ka socdeen dalka isagoo kaalin weyn kaga suntanaa halgankii dib u aasaaska goobaha waxbarashadda dalka.

Wasiirka deegaanka oo la kulmay Wakiillada uga qeybgalaya Soomaaliya COP30.

0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa magaalada Belém kulan kula yeelatay wakiillo Soomaaliyeed oo matalaya dadka baahiyaha gaarka ah ee ka qeybgalaya shirka COP30.

Wasiirka ayaa la kulmay Fardhiya Maxamuud Maxamed oo ka socota Somali Women Disability Empowerment, taasoo si weyn ugu dooda ka mid noqoshada haweenka naafada ah ee siyaasadaha cimilada. Sidoo kale, wuxuu kulan la qaatay Cabdiraxmaan Maxamuud Kulane, Aasaasaha UDHAN iyo Agaasimaha SAP, oo ah ololeeye u taagan sinnaanta bulshada iyo xalalka cimiladeed ee la heli karo.

Wasaaraddu waxay bogaadisay doorka muhiimka ah ee wakiilladan Soomaaliyeed ku leeyihiin doodaha COP30, iyagoo hormuud u ah wacyigelinta iyo u-doodista xuquuqda dadka aan awood buuxda haysan.

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

0

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ayaa guddi walba waxa uu ka warbixiyey shuruucda hortaala kuwooda horutebinta leh, habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga uu horgeynayo kulanka guud ee golaha golaha.

Sidoo kale kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga dooday la xisaabtanka iyo Korjoogeynta laanta fulinta iyo sidii guddi walba uu ula xisaabtami lahaa qeybaha uu korjoogteynta ku leeyahay.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga ayaa jadwaleyn ku sameeyey Ajendayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu xubnaha guddiga joogtada kula dardaarmay dardargelinta shuruucda golaha hortaala kalfadhiga todobaad.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda iyo Isku-duwaha Barnaamijyada la xiriira ee Xafiiska Madaxweynaha.

Dr. Yaxya Ibraahim, oo ahaa bare jaamacadeed oo ka howlgalayay dalka UK, ayaa aqoon iyo khibrad wanaagsan u leh arrimaha siyaasadda, dowlad-dhiska, cilmi-baarista, xiriirka caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha, iyo diyaarinta jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha. Waxa uu muddo ka soo shaqeynayay xalinta khilaafaadyada colaadaha, isaga oo shahaadooyinka sare ee Master’s iyo PhD ka diyaariyay Jaamacadaha Northampton iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka rajaynayo in Dr. Yaxya door muuqda ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda Qaranka, isagoo hubinaya in go’aannada muhiimka ah lagu saleeyo caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelidda duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddooyinka Xafiiska Madaxweynaha.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad guurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay (CRC).

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, arday, iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Xuska sannad-guurada 10-aad ayaa lagu muujiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay ilaalinta, horumarinta iyo difaaca xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo la xusay horumarka laga sameeyay shuruucda, siyaasadaha, iyo barnaamijyada taageeraya carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda carruurta, isagoo carabka ku dhuftay in carruurtu ay yihiin mustaqbalka dalka, loona baahan yahay in la siiyo daryeel buuxa, waxbarasho tayo leh, iyo nolol ammaan ah.

Waxaa sidoo kale la xusay baahida loo qabo in dhammaan hay’adaha dowladda iyo bulshaduba ay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka waxaa lagu ansixiyay shan qodob oo muhiim u ah horumarka dalka:

1. Heshiis Is-afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Rwanda, kuna saabsan iskaashi guud.

2. Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, si loo ilaaliyo xuquuqda haweenka loogana hortago tacaddiyada.

3. Istiraatiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, si loo xoojiyo ka qeybgalka haweenka ee nabadeynta iyo horumarka.

4. Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedyada Guur-guura, si Soomaaliya uga faa’iideysato adeegyada cilmibaarista hawada sare.

5. Istiraatiijiyadda Qaranka ee Dekedaha, oo lagula jaanqaadayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, arrimaha abaaraha, iyo gurmadka degdegga ah ee socda. Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 4.4 milyan oo qof u baahan yihiin gargaar, halkaasna Ra’iisul Wasaaruhu faray in si degdeg ah loo caawiyo dadka ay abaartu saameysay.

Xildhibaan Fowsi Warsame oo si KMG ah ugu biiray Baarlamaanka Norway.

0

Xildhibaan Fowsi Warsame, oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway, ayaa si ku-meel-gaar ah uga mid noqday xubnaha Baarlamaanka Norway.

Xildhibaanka ayaa ka qeybgalay doorasho dhacday bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, balse ma helin codad ku filan oo u suurageliya in uu noqdo xildhibaan buuxa. Si kastaba, waxaa la siiyay xil ku-meel-gaar ah oo uu hayn doono muddo kooban, iyadoo la rajeynayo in bilaha soo socda uu u gudbo xubinnimo buuxda.

Baarlamaanka Norway waxa uu ka kooban yahay 169 xubnood, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka mid noqday saddex Soomaali ah: Maryan Xuseen, Haashim Barre, iyo Xildhibaan Fowsi Warsame.

Wasiirka Batroolka XFS oo ka warbixiyay Natiijada Shidaal Qodista Soomaaliya.

0

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire, ayaa sheegay in saddexda bilood ee ugu horreeya sanadka 2026 lagu dhawaaqi doono natiijada sahanka shidaal qodista ee ka socda Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka kulanka toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka, ayuu Wasiirku sheegay in sahankii ugu dambeeyay uu marayo gebogebo, gaar ahaan baaris lagu sameeyay xeebaha Soomaaliya oo lagu tuhunsan yahay in ay kheyraad dabiici ah ku jiraan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa caddeeyay in ay si dhow ula socdaan baaritaanno sharci darro ah oo lagu sameeyo macdanta, taas oo ka dhacda qeybo ka mid ah gobollada Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari iyo Sanaag. Wuxuu tilmaamay in cid kasta oo Soomaali ah oo danaynaysa macdan qodis ay xaq u leedahay in ay dowladda la socodsiiso, lana taageero.

Ugu dambeyn, Wasiirka Batroolka ayaa xusay in ay ku kalsoon yihiin in Soomaaliya ay ka jiraan fursado shidaal, ayna natiijada rasmiga ah ku dhawaaqi doonaan horaanta 2026.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray garsoore Cumar Cartan guushii abaalmarinta CAF awgeed.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha, ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu gaaray Garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Mudane Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee Afrika 2025, taas oo uu siiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay kartida, hal-adeygga iyo xirfadda sare ee ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Garsoore Cumar uu si sharaf leh ugu matalay magaca ummadda Soomaaliyeed fagaarayaasha caalamka.

“Garsoore Cumar Cartan wuxuu astaan u yahay dadaalka iyo xirfadda dhallinyaradeenna. Wuxuu sare u qaaday magaca Soomaaliya, wuxuuna guul taariikhi ah kasoo hooyay masraxa ciyaaraha caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha.