Home Blog Page 15

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furtay shir ay ka qeyb galayaan bulshada rayidka iyo beesha caalamka

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa maanta ka daahfureyso caasimadda Muqdisho Madasha Qaran ee Isku-duwidda Xasillinta.

Madasha oo 2 maalin ah ayaa waxaa kaqeybgalaya mas’uuliyiinta labada heer ee dowladda federaalka ah, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.

Ujeedka waa dib u eegista guulaha Xasillinta, wax kaqabashada caqabadaha iyo hagidda jihada mustqabalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Dalka

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan , isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada.

“Manhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada, Xaruntani waxa ay noqon doontaa goob muhiim u ah horumarinta aqoonta jiilasha soo koraya,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mashruucan cusub ee loo dhisayo dhaqaalaha dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran, ay ku xoojinayso adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso bulsho aqoon leh oo la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in xaruntani ay isku xiri doonta waxbarashada iyo ardayga iyada oo ujeedku yahay u adeegidda mustabalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-dhisi doonto dhulkii hey’addaha dowladda taasi oo shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay banneeyaan guud ahaan xarumaha dowladda maadama ay u baahantahay in danta guud loogu shaqeeyo.

Gorgor oo howlgallo qorshaysan ka fuliyey Jowhar

0

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Guutada 18-aad oo uu hoggaaminayo Col. Aadan Maxamed Faarax ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaasi oo diiradda ay ku saareen sugidda amniga guud iyo ka hortagga falalka khatarta ku ah bulshada ee dhagarta cadowga Khawaarijta.

Ciidamada ayaa waxay baaris ku sameeyeen goobaha muhiimka ah, xaafadaha magaalada, iyo wadooyinka Jowhar soo gala iyo kuwa ka baxa.

Taliyaha Guutada 18-aad Col. Aadan iyo saraakiisha kale ciidamada ayaa shacabka ku booriyey wada shaqeyn buuxda inay dhexmarto si looga hortago waxkasta oo keeni kara qalqal amni, iyada oo masuuliyiintu sheegeen in howlgallo qorsheysan oo dheeraad ah la qorsheynayo si loo xoojiyo nabadgelyada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda kulan ku la yeeshay Safiirka Boqortooyada Netherlands u fadhiya Soomaaliya, Henk Jan Bakker, oo ay weheliyaan Ergayga Gaarka ah ee Netherlands u qaabilsan Geeska Afrika.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli muhiim ah oo Soomaaliya ay sii xoojinayso horumarka ay ka gaartay dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka.

Labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladaha siyaasadeed ee hadda jirta, iskaashiga amniga, iyo meelaha mudnaanta u leh in laga wada shaqeeyo.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii joogtaynta iskaashiga caalamiga ah si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, isla markaana horumarka la gaaray loogu beddelo natiijooyin wax ku ool ah oo ay si toos ah u dareemaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada wax soo saarka gaar ahaan beeraha, maaraynta biyaha, sugnaanta cuntada, iyo horumarinta nidaamyada caafimaadka kuwaas oo khibradda Nederlaan ay kaalin istiraatiiji ah ka qaadan karto.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashi wax ku-ool ah oo ku saleysan natiijooyin la taaban karo, kaas oo gacan ka geysanaya horumarinta Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka.

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Federaalka ay si adag u diidday go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsanayso Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub khatar ah oo ka dhan ah axdiyada caalamiga ah iyo midnimada dalka.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay in dowladda aysan u tanaasuli doonin ilaalinta badqabka dhulkeeda, iyadoo adeegsanaysa caddaadiska dublamaasiyadeed iyo taageerada ballaaran ee caalamiga ah ee ay heshay qadiyadda Soomaaliya.

Mudane Daa’uud Aweys ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay calaamad cusub oo muujinaysa xadgudubyada ay Israa’iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda,wuxuuna intaa raaciyay in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan dhulkeeda la taaban Karin.

Wasiirka Warfaafimta waxa uu xusay in tallaabada Israel loo arko xadgudub cusub oo dalkaasi uu ka galay madaxbannaanida Soomaaliya, taas oo si qayaxan ay u diiddab tahay Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka ay dowladda qaadi doonto si ay uga jawaabto go’aankan, wasiirka ayaa yiri “ Waxaan ku caddeynay bayaan naga soo baxay saddex maalmood ka hor in ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda

aysan aqbali karin dawladda Soomaaliya. Waxaan sidoo kale xaqiijinnay in mudnaanta koowaad ee dawladda ay tahay in arrintan lagula tacaalo marinno dublamaasiyadeed,taas oo dhab ahaantii bilaabatay 26-kii Diseembar, markaas oo ahayd taariikhdii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.

“Weli waxaan ku kalsoonnahay marinnada dublamaasiyadeed si aan u hubinno in arrintani aysan sii socon. Waxaan horeyba taageero wanaagsan uga helnay daafaha dunida, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, tiro dalal Islaam ah, Ururka Midowga Afrika iyo ururro kale oo caalami ah kuwaas oo tallaabadan u arka xadgudub ka dhan ah midnimada dhulka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka .

Wasiirka oo ka hadlayay isku dayada Israa’iil ee lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka iyo saameynta ay ku leedahay gudaha, ayaa intaas ku daray: “Sida aan horay u sheegay, marinnada dublamaasiyadeed waa mudnaanta koowaad ee ay dawladda Soomaaliya ka fikirayso. Waxaan dabcan arrinkaas u mareynaa xiriirka aan la leenahay Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah. Waxaan dhab ahaantii ku faraxsanahay in dalal badan ay nagu raaceen in tani ay ka dhigan tahay xadgudub ku ah madaxbannaanidayada iyo midnimada dhulkayaga. Waxay sidoo kale calaamad u tahay isku dayga Israa’iil ay ku doonayso inay xiisad iyo iska horimaadyo ka abuurto gobolka. Waxaan aaminsanahay in xitaa maamulka Somaliland ay jiraan mas’uuliyiin yar oo riixaya fikraddan ah in la aqoonsado Israa’iil, balse waxaan sidoo kale aaminsanahay in shacabka Somaliland ay qabaan ra’yi ka duwan, dhab ahaantiina aysan ku raacsanayn go’aankan gardarrada ah ee ay qaadatay xukuumadda Israa’iil.”

Wasiirka Warfaafinta ayaa hadalkiisa kusoo xiray digniin ku saabsan in dalku ku dhex dhaco iska horimaadyo cusub oo caqabad ku noqda dadaallada qaranku ugu jiro la dagaallanka argagixisada, isagoo yiri: “Isqabqabsi kasta ama dhib kasta oo adduunka ka dhaca, Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dariiqa keliya ee xalku u maro ay tahay dublamaasiyadda. Ma doonayno iska horimaadyo hor leh oo ka dhaca gobolka; waxaan soo maray tiro ku filan oo dagaallo ah iyo dagaalladii sokeeye, waxaana intaas dheer in Soomaaliya ay dadaal hagar la’aan ah ugu jirto sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha ka jira gobolka oo ay horseedka ka yihiin kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo ururka Daacish.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu iyo wafdi ka socday safaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya Somalia iyo China, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada Dowladda Shiinaha ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo tayeynta ciidamada amniga, iyo la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigaasi uu door muhiim ah ka qaato sugidda xasilloonida iyo amniga dalka.

Danjiraha Dowladda Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa dhankiisa xaqiijiyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinaca amniga, isagoo si gaar ah u xusay horumarinta hay’adda miino baarista Soomaaliyeed iyo tayeynta shaqaalaha ka hawlgala, si loo yareeyo khataraha miinooyinka loona xoojiyo badbaadada shacabka.

Kulanka wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire iyo Lataliye sare ee Wasaaradda, Shoki Hayir.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiyadeed ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), Avv. Burhaan Aadan Cumar, isagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed qodobadan soo socda:

1. Tallaabo kasta oo maamul, magacaabis ama dhaar ah oo ay fulinayso hay’ad dowladeed waa in lagu saleeyaa axkaamta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa Dastuurka waa waxba kama jiraan, waxaana waajib ah in la saxo si ay u noqoto mid sharci waafaqsan.

2. Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada ee Dowlad Goboleedyada waa in ay baneeyaan xilka muddada lagu qeexay Qodobka 81-aad, Faqradda 1-aad, xarafka (f) ee Dastuurka. Sidoo kale, magacaabista xilalka cusub waa in lagu saleeyaa habraaca Dastuurka.

3. Guddigu wuxuu diyaarinayaa khariidad cad oo ku saabsan kalaguurka iyo hirgelinta Dastuurka, sidoo kalena wuxuu soo bandhigi doonaa qorshe wacyigelin oo la xiriira Dastuurka.

4. Guddigu wuxuu ku dadaalayaa in muwaaddin kasta uu helo nuqul ka mid ah Dastuurka, isla markaana si fudud loogu gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

0

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka duulaya xogo sirdoon ayaa hawlgal loogu magac daray WAABARI ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qeybta Baarista Dembiya ee CID ayaa qeyb ka aheyd Howlgalkaan guleeystay oo dhacay Taariikhda marka aheyd 18-04-2026, abaaro 9:00 subaxnimo, Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada, ayaa burburiyey bar kontorool iyo xarun ay kooxaha Khawaariijta ah uga qaadi jireen lacagaha baadda ah dadka rayidka ah ee isticmaala waddada deegaanka Jambaluul.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa khaarijiyey horjooge lagu magacaabo Zakariye, oo masuul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaado lacagaha baadda ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalkaas lagu dhaawacay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdiraxmaan oo Khawaariijta u qaabilsanaa deegaanka Jambaluul iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Geele.

Ciidamada ayaa sidoo kale goobta ka soo qaaday boonooyinkii lagu qaadi jiray baadda, hub iyo mooto uu lahaa horjoogihii la khaarijiyey.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska La-dagaalanka Argagixisada, ay kaga jawaabayaan cabashooyinka bulshada ee ku aaddan baadda sharci-darrada ah ee ay kooxaha Khawaariijta ka qaadaan dadka rayidka ah.

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

0

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Cali Maxamed iyo Xoghayihii hore Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Xoghayihii hore shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay sida hufan ee uu uga soo baxay waajibaadkiisa shaqo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Xoghayaha cusub faray in uu sii xoojiyo shaqada Wasaaradda, korna u qaado hufnaanta, wada-shaqeynta iyo dardargelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa goobjoog ka ahaa senatarro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo hawlwadeennada Wasaaradda.

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

0

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si adag u cambaareeyeen warar sheegaya in Israa’iil ay qorsheynayso inay ergay diblomaasiyadeed u magacowdo waxa loogu yeero “Somaliland”.

Bayaan ka soo baxay Agaasinka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ururku uu mar kale xaqiijinayo ixtiraamka buuxa ee uu u hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo dastuurka Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah. Sidoo kale, Midowga Afrika wuxuu caddeeyay inuusan aqoonsanayn “Somaliland” inay tahay dowlad madax-bannaan.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay kulankii 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee qabsoomay 6-da Janaayo 2026, kaas oo lagu caddeeyay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo “Somaliland” uu yahay mid aan sharci ahayn, isla markaana halis gelin kara xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay inuu sii wadi doono taageerada uu u fidinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowlad-dhiska iyo xoojinta midnimada qaranka.