Home Blog Page 16

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah, kaas oo lagu xoojinayo awoodda Guddiga ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha dalka.

Aqoon-isweydaarsigan oo ka dhacaya Muqdisho ayaa isu keenay xubnaha Guddiga iyo khubaro ka socota Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ee heer gobol, si ay uga wada shaqeeyaan dhisidda awoodda Guddiga iyo gudashada waajibaadkiisa qaran.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim, ayaa ku tilmaantay aqoon-isweydaarsigan tallaabo aasaasi ah oo lagu dhisayo hay’ad madax-bannaan oo hufan, isla markaana door muhiim ah ka qaadata horumarinta caddaaladda, isla xisaabtanka iyo kalsoonida dadweynaha. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan HRPG, taageeradooda farsamo iyo wada-shaqeyntooda joogtada ah.

Tababarka waxaa diiradda lagu saarayaa sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, xeerarka bini’aadantinimada, hababka kormeerka iyo baarista xadgudubyada, iyadoo sidoo kale la falanqeynayo arrimo muhiim ah sida tacaddiyada la xiriira colaadaha, carruurta ku lugta leh dagaallada, iyo kormeerka goobaha lagu hayo dadka xiran.

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdi Maxamed.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, iyo mas’uuliyiin kale.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub, isagoo ku adkeeyay inuu dardargeliyo howlaha shaqo ee wasaaradda, isla markaana ka shaqeeyo horumarinta beeraha iyo waraabka gobolka.

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee wakiil waxa loogu yeero “Somaliland”

0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Dadka ee Bangladesh, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya, Dowladda Falastiin, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Indonesia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Kuwait, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, Boqortooyada Hashimite ee Urdun, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Lubnaan iyo Jamhuuriyadda Yemen, waxay si adag u cambaareynayaan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”, taas oo loo arko xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijinayaan diidmadooda cad ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama farageliya madaxbannaanidooda.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen taageeradooda buuxda ee aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale hay’adaha sharciyeysan ee dowladda, kuwaas oo ah matalaadda kaliya ee rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in falalkan ay yihiin xadgudub muuqda oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, isla markaana ay abuuraan tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida Geeska Afrika, taas oo saameyn taban ku yeelan karta nabadda iyo amniga gobolka guud ahaan.

Soomaaliya Iyo Dowladaha Xulafada la ah oo Cambaareeyay tallaabada Israa’iil ee Somaliland

0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Pakistan, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Dadka ee Bangaladesh, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Falastiin, Jamhuuriyadda Türkiye, Jamhuuriyadda Indonesia, iyo Dowladda Kuwait ayaa si adag waxa ay u cambaareeyeen magacaabista Israa’iil ee wakiil diblomaasiyadeed oo ay u soo dirsanayaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ( Somaliland ), taas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada ayaa si shaki la’aan markale ugu celiyay diidmadooda tallaabo kasta oo majaxaabineyso wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

0

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha Koonfur Galbeed, si uu u qiimeeyo habsami u socodka howlaha shaqo ee hay’adahaasi.

Wasaaradaha uu booqday Hoggaamiyaha KMG ah ee KGS ayaa kala ahaa Amniga, Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Dastuurka iyo Gargaarka.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta howlaha dowladda, kor u qaadidda hufnaanta iyo xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha kala duwan.Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiye Jibriil waxa uu la kulmay masuuliyiinta wasaaradaha, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha socda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa faray masuuliyiinta wasaaradaha in ay laba-jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan tayada adeegyada iyo hufnaanta maamulka.

Sidoo kale, waxa uu adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan muwaadiniinta Koonfur Galbeed.

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka Wasaaradda iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu horumarinayo waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirrada kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, iyo sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay doodaha iyo qorsheyaasha la soo bandhigay.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay mashaariic waaweyn oo ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashruuca Badmaal 2026 iyo mashruuca FIMS (Xog-ururinta Kalluumeysiga) oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda iyo hay’adda FAO. Labadan mashruuc ayaa saldhig u ah qorsheynta iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa shaaciyay heshiis muhiim ah oo dhexmaray Wasaaradda iyo shirkadda OYAK, kaas oo lagu aasaasay shirkad wadajir ah oo lagu magacaabo SOMTURK. Shirkaddan ayaa diiradda saari doonta maalgashiga iyo horumarinta kalluumeysiga dalka, iyadoo la qorsheynayo in la keeno ilaa 40 markab oo kalluumeysi si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo dakhliga laga helo kheyraadka badda.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumar waara oo lagu sameeyo waaxda kalluumeysiga, loona hubin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa’iideysato kheyraadka hodanka ah ee badda.

Gabagabadii shirka, waxaa la isku raacay in la soo saaro warsaxaafadeed rasmi ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii la isku afgartay iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo horumarka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

0

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qabtay munaasabad dhir-beeris ah oo lagu soo xirayay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud Bilan Bile, iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Deegaanka Mahad Cabdi Faarax, ayaa sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay dhammaan degmooyinka gobolka laga fuliyay ololaha dhir-beerista, si loo xoojiyo dadaallada dib-u-soo-celinta deegaanka.

Waxay sidoo kale tilmaameen in qorshe ballaaran oo lagu cagaaraynayo caasimadda Muqdisho uu si rasmi ah u socdo, kaasoo qeyb ka ah istaraatiijiyadda guud ee ilaalinta deegaanka.

Dhankiisa, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Axmed Cumar Maxamed, ayaa ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta muuqata ee ay ka qaateen ololaha dhir-beerista, isaga oo xusay in iskaashiga noocan ah uu muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta deegaanka iyo horumarinta dhirta.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah hindisaha “Soomaaliya Cagaaran” oo lagu doonayo in lagu kordhiyo dhirta, laguna yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool deegaanno hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor ayaa fuliyay howlgalka gurmadka ah, iyadoo la raacayo amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay shir sanadeedka gu’ga (Spring Meetings) oo ka dhacay Washington

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka gu’ga (Spring Meetings) oo lagu qabtay magaalada Washington.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta xasaradaha dagaalka Bariga Dhexe ay ku yeesheen dhaqaalaha caalamka. Intii uu joogay Washington, waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF, isaga oo kala hadlay xal u helidda caqabadaha ka dhashay abaaraha ka jira qeybo kamid ah dalka, iyo sidoo kale saameynta dhaqaale ee Soomaaliya ee dagaalka Bariga dhexe.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaaliya lagu bogaadiyay horumarka ay ka sameysay dib u soo kabashada dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, iyo hagaajinta nidaamka guud ee maaliyadda dalka.

Waxa uu sidoo kale xusay in beesha caalamka ay ballan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonto wax ka qabashada abaaraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Ajay Banga, ayaa ka mid ah labada shir ee ugu muhiimsan shirarka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Soomaaliya ayaa ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee Bangiga Adduunka, iyadoo ka tirsan kooxda 1-aad ee Afrika.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kordhinta dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda, iyo hagaajinta jawiga maalgashiga dalka, xilli ay jiraan duruufo dhaqaale oo adag oo caalami ah iyo caqabado gudaha ah oo saameyn ku leh ilaha dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadda ee ANTALYA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antaaliya ee dalka Turkiga, taasi oo ka qayb galayaan madax dowladeed, diblumaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka socda caalamka, si ay u wadaagaan aragtiyo togan oo ku aadan xaaladda caalamka iyo doorka diblomaasiyadda casriga ah ee xal u helidda caqabadaha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda diblomaasiyadda ee dhisidda kalsoonida, kobcinta xiriirrada saaxiibtinimo iyo xasilinta caalamka, isaga oo tilmaamay in dunida maanta ay si weyn ugu baahan tahay wada-hadallo miro dhal ah iyo iskaashi dhab ah oo lagu wajahayo arrimaha amniga, horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada diblomaasiyadda dhinacyada badan leh, ilaalinta nabadda, amniga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga caalamka.