Home Blog Page 14

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ustaad C/raxmaan Yacquub, oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuna geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Wariye C/raxmaan Yacquub waxa uu muddo dhowr iyo toban sano ah ka tirsanaa wariyeyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u qaabilsanaa wararka Arrimaha Dibadda, sidoo kalena caan ku ahaa Barnaamijka Muuqaalka Dunida.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda Warbaahinta Qaranka ee uu marxuumku ka baxay, isaga oo Allah uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo asxaabta. Aamiin… Aamiin… Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo shalay ay si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirweynahan oo ah mid muhiim u ah dib-u-habeynta garsoorka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax ka socota maamul-goboleedyada, bulshada rayidka, jaamacadaha, iyo qaybaha kala duwan ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.

Maanta shirk waxaa logu hadlayaa Xoojinta Madaxbannaanida Garsoorka, kor- u qaadista isla-xisaabtanka, iyo Kobcinta Kalsoonida Dadweynaha, iyadoo lagu falanqeynayo caqabadaha jira iyo fursadaha lagu dardargelin karo adeegyada cadaaladda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta soo xiro shirweynaha, isagoo ka jeedin doona khudbad ku saabsan jiheynta guud ee dib-u-habeynta cadaaladda ee dalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, xilli uu socday Shirka 4-aad ee Madasha Wasiirrada EU Indo-Pacific oo ka furmay magaalada Brussels.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee soo kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen in labada dal ay ka dhaxeeyaan xiriir walaaltinimo, iskaashi taariikhi ah iyo dano wadaag ah.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, si loo gaaro horumar waara oo labada dal dan u ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii joogteeyo wadahadallada iyo iskaashiga joogtada ah, lana abuuro fursado cusub oo kor u qaada xiriirka labada dal.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY GORSOORE CUMAR CARTAN

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dadaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Maryan Naasir Cali

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxday Allah ha u naxariistee marxuumad Maryan Naasir Cali oo kamid ahayd fanaaniinta Qaranka.

Allaha u naxariistee Marxuumad Maryan Naasir Cali ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda fanka, isagoo Allah uga baryey in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumadda, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

0

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa gudaha Dalka Soomaaliya,waana maalin ku wayn quluubta umadda oo loo dabbaaldego 21-ka Nofembar ee 1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacab iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu weyneynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga, ( أَ إِ أٌ ), ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY.

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal u galay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeystay,iyagoo ku shaqeeyay xaaladihii adkaa ee la soo maray ,gaar ahaan xilligii dowlad la’aanta. Haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed.Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayda wuxuuna ka waraabiyaa durdurka aqoonta iyo ilayska cilmiga, taasina waxaad ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyaha mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa. Waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo tiirdhexaadka bulshada,iyadoo diinta islaamkuna ay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Dabbaaldegga sanadkaan waxa uu ku beegan yahay sanadguuradii 51-aad ee ka soo wareegatay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Maalinta Macallinka ee 21-ka November awgeed hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Caalimka weyn ee diinta Islaamka Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa (CAF) u aqoonsadey garsoorihii ugu fiicnaa qaaradda Afrika ee sannadkan 2025-ka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr Yaxya Ibraahim Macalin inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Siyaasadda ee Xafiiska Madaxweynaha.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shir lagu dardargelinayo diyaar-garowga doorashooyinka Dowladaha Hoose, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hawlaha lagu soo gabagabeeyo waqtigooda.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusayay dhalashada Boqor Charles-ka 3aad ee Boqortooyada Britain.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey 10-guuradii ka soo wareegtay markii Somalia ay saxiixday Axdiga Xuquuqda Carruurta ee Qaramada Midoobay.

8- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashi Soomaaliya iyo Rwanda, hindisaha ka hortagga naafeynta xubinta taranka dhedigga, iyo istaratiijiyadda haweenka, nabadda iyo amniga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

9- Ra’iisul Wasaare,Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, halkaas oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey caalimka Diinta Islaamka Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, si loo xoojiyo qorsheynta iyo kormeerka mideysan ee hay’adaha dowladda.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses M. Wetang’ula.

14- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

15- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Muqdisho ka furay Shirka Madasha Garsooreyaasha Soomaaliya, oo socday muddo laba maalmood ah. Waxaa shirkan diiradda lagu saarey hawlaha adeegga garsoorka, horumarka la sameeyay iyo caqabadaha jira.

16- Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maaliyadda ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, Kulanka waxaa looga hadlay iskaashiga labada dal, dadaalada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, iyo maalgelinta Dowladda Soomaaliya ee lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa shir guddoomiyay kulan-hawleedka dhaqan-galinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2026-ka, kaas oo ay yeesheen saraakiisha Tiirka Siyaasadda Loo Dhan Yahay ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Warfaafinta.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa furay tababar ku saabsan Habraaca Diyaarinta Tilmaamaha Shaqada, kaas oo ay bixinayaan khubaro ka socda barnaamijka SJGAP.

19- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarigga ka jartay xarunta Caawinta Degdegga ah ee Carruurta, oo loogu talagalay in carruurta ay si degdeg ah ula soo xiriiraan marka ay tacadi la kulmaan.

20- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xilka u kale wareejisay Wasiir Ku-Xigeenka cusub ee Wasaaradda Maryan Cali Abuukar iyo Wasiir ku xigeenkii Hore.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoonsiiyey hadiyad uu soo diray Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta ee Djibouti.

22- Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maalinta Macallimiinta Soomaaliyeed oo ku beegen 21ka November.

23- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa shir gudoomiyey kulanka mideynta hawlaha dowladnimada danabeysan, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah, iyo kordhinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

24- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ayaa kormeer ku tagay xarunta shirkadda Gaalooge, oo soo dejisa cagafyada iyo qalabka casriga ah ee beeraha.

25- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa la kulmey Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Alper Aktaş.

26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa kulan ku saabsan kor u qaadista ganacsiga iyo shaqo abuurka la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Maxamuud CabdiKariim Gabeyre.

27- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa Nairobi kula kulmay Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Qorsheynta ee Kenya, Marwo Alice Wahome.

28- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka hadlay madasha UNFCCC COP30 ee Belém, ee dalka Brazil. isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ilaalinta nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

29- Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey Kulanka Daneeyeyaasha Caalamiga ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo lagu soo bandhigay horumarka xafiiska ee sannadka 2025 iyo qorshaha 2026.

30- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Caddikariim Axmed Xasan, ayaa tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo la baray ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta xilliyada doorashooyinka.

31- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Switzerland Development Cooperation (SDC), oo uu hoggaaminayay Ku-Xigeenka Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Geeska Afrika, Mr. Julien Peissard.

32- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa magaalada Djibouti kaga qayb-galay shir looga hadlayay Sanduuqa Dhaqaalaha Muhaajiriinta Gobolka.

33- Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka.

34- Garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa loo aqoonsadey garsooraha ugu fiican qaaradda ee sannadka 2025.

35- Ciidamada Macaawisleyda ee Xarardheere ayaa dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan argagixisada Al Shabab, gacantana ku dhigay hub iyo saanad kadib hawlgal ay ka fuliyeen tuulada Dumaaye,ee gobolka Mudug.

==========DHAMMAAD============

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ka socda Tuulada ciyaaraha Muqdisho

0

Munaasabada Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn loogu xusayaa Tuulada Ciyaaraha Dalka ee Stadium Muqdisho, munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya madaxda sare ee dalka, bahda waxbarashadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sanadkii 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka, waxaana Shacabka iyo Dowladda ay si wadajir ah u muujiyaan muhiimadda maalintan.

Maalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka ku leeyahay dhismaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.

Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga. Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof. Waxa uu intaa ku daray in caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaayada badeed ee sharci-darrada ah, nuglaanta cimilada, iyo horumarka degdega ah ee hanjabaadaha internet-ka, ay weli yihiin kuwo isku xiran oo adag.

Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, mas’uuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.

Wuxuu ku booriyay in wadahadalka loo beddelo tallaabooyin waxtar leh iyada oo la xoojinayo amniga badda, lana horumarinayo qaab-dhismeedyo dhaqaale oo la saadaalin karo, iyada oo la kordhinayo adkeysiga dhijitaalka iyo teknoolojiyadda, iyo in la horumariyo habab iskaashi oo wax looga qabanayo hanjabaadaha soo ban-baxaya.

Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri “Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga . Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay Madasha Indo-Pacific ee Brussels.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee Heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Dalalka ku Teedsan Labada Badweyn ee Indo-Pacific

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga qaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka, ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga ah, iskaashiga dhinacyada badan, iyo xasilloonida gobolka.

Madashan waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal, oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeradiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga ah. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasilloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.