Home Blog Page 14

Kulanka Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha

0

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Muqdisho ku shir-guddoomiyay kulanka hoggaanka sare ee Wasaaradda, kaas oo looga hadlay xoojinta amniga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud Maxamed Shire ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan howlaha Wasaaradda, isagoo carrabka ku adkeeyay hirgelinta qaab-dhismeedka cusub iyo nidaamka isla-xisaabtanka. Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in la hagaajiyo isgaarsiinta gudaha, lana adeegsado email-lada rasmiga ah si loo sugo sirta iyo hufnaanta shaqada. Sidoo kale waxaa laga hadlay caqabadaha gaadiidka, iyadoo Wasiirku ballan qaaday in la xallin doono.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa faray masuuliyiinta inay xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha amniga, isla markaana la joogteeyo kulamada kormeerka shaqada si loo dardargeliyo howlaha Wasaaradda.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐱𝐮𝐬𝐚𝐲o 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Isaaq ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasabad ballaaran oo lagu xusay Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole sannadle ah oo caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee tallaalku ku leeyahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano.

Ololahan caalamiga ah ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan adeegyada tallaalka, iyadoo la xasuusinayo in tallaalku yahay mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurrada faafa ee halista ah. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: “Jiil kasta, tallaalku waa difaac la isku halleyn karo,” taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in jiil kasta helo tallaal dhammaystiran si loo xaqiijiyo caafimaadkooda mustaqbalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, agaasime waaxeedyo kala duwan, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera adeegyada caafimaadka sida WHO iyo UNICEF. Sidoo kale waxaa goobta joogay khubaro caafimaad, dhakhaatiir iyo xubno ka tirsan bahda Caafimaadka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan horumarka laga gaaray adeegyada tallaalka dalka, iyadoo la tilmaamay in dadaallada wadajirka ah ee Wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeya ay keeneen koror muuqda oo ku yimid tirada carruurta la tallaalay, isla markaana si weyn hoos loogu dhigay cudurrada faafa ee halista ah. Waxaa si gaar ah loo xusay cudurrada sida jadeecada, dabeysha (polio) iyo gowracatada oo hore saameyn weyn ugu lahaa bulshada balse hadda si weyn loo xakameeyay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan waalidiinta, si ay u fahmaan in tallaalku yahay badbaado nololeed oo carruurta ka difaaca cudurro sababi kara naafo ama dhimasho. Mas’uuliyiinta ayaa caddeeyay in adeegyada tallaalka ay yihiin kuwo bilaash ah oo laga heli karo xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta iyo ballaarinta adeegyada tallaalka si loo gaaro dhammaan carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog-fog. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sii laba jibbaarayo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hooyooyinka, inay si joogto ah carruurtooda ugu geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u helaan tallaallada lagama maarmaanka ah, isagoo xusay in tallaalku yahay difaac sugan oo lagu badbaadin karo nolosha carruurta laguna xaqiijin karo bulsho caafimaad qabta oo mustaqbal leh.

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska Beel weynta Murusade,taas oo ay ka qeybgalayaan madaxda ugu sarreysa dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeygalay madaxda ugu sarreysa dalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goob joog ka ah wasiirro, xildhibaano ka tirsan labada Aqal, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, madaxda dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in caleema-saarkani uu yahay astaan muujinaysa qiimaha taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Munaasabaddan waxay calaamad u tahay taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, doorka dhaqankuna wuxuu laf-dhabar u yahay dowlad-dhiska dalkeenna.”ayuu yiri wasii Daa’uud Aweys

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa xusay in dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso doorka dhaqanka, isagoo tilmaamay in uu qayb weyn ka qaato dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, isla markaana ay munaasabaddan muujinayso midnimada bulshada.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isaguna tilmaamay in munaasabaddan caleema-saarka ay isu keentay madaxda qaranka, madaxdii hore iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska beesha Murusade, ayaa waxaa ka qeybgalay marti sharaf tiro badan, iyadoo si weyn loo muujiyay qiimaha iyo doorka dhaqanka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka oo ku biiraya howl-gallada ka dhanka ah argagixisada

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidanka oo ku biiraya howl-gallada dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Taliyaha oo la hadlayay ciidamada ayaa ugu horreyn ku booriyay inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Alle, isla markaana ku dadaalaan cibaadada. Sidoo kale, wuxuu faray inay ka soo hooyaan guulo waaweyn dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Waxa uu sidoo kale ciidankan oo ay u dhammaystiran yihiin waajibaadkooda ciidanimo, kula dardaarmay maadaama ay u taagan yihiin ilaalinta shacabka, inay dhowraan badbaadada dadka rayidka ah isla markaana caawiyaan kuwa nugul.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaybo badan oo kamid ah dalka ka wada howl-gallo ballaaran oo lagu ciribtirayo argagixisada lagana saarayo deegaannada ay weli kaga sugan yihiin dalka.

Boliiska Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada ciidan

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa dalka Jabuuti kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Carabinieri ee dowladda Talyaaniga, kuwaas oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Andrea Taurelli Salimbeni.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, qalabaynta, iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha sare ee Booliiska Soomaaliyeed.

Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee KGS oo qaabilay guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD

0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Kullan la yeeshay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka SINCAD, Mudane Maxamuud Khaliif Jabiye oo uu wahliyey Musharaxa Xisibiga oo ka tartamaya DKGS Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey).

Kullanka ayaa diirada lagu Saaray Sidii loo dardar-gelin lahaa Howlaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Shaqo Xoogan ka socoto.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ku Ammaanay Urur siyaasadeedka SINCAD sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybgalka Doorashada DKGS, isagoo hadalkiisa ku daray Muhiimada ay leedahay in laga wada Shaqeeyo Xasilloonida iyo Maamul wanaagga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga Qaran ee SINCAD Mudane Maxamuud Khaliif Jabiye, ayaa dhankiisa Ka mahadceliyey kullanka, isagoo tilmaamay in Gudigga Doorashooyinka ay ku howlan yihiin sidii ay si deg-deg ah ugu qaban lahaayeen Doorasho Loo Siman yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan , isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada.

“Manhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada, Xaruntani waxa ay noqon doontaa goob muhiim u ah horumarinta aqoonta jiilasha soo koraya,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mashruucan cusub ee loo dhisayo dhaqaalaha dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran, ay ku xoojinayso adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso bulsho aqoon leh oo la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in xaruntani ay isku xiri doonta waxbarashada iyo ardayga iyada oo ujeedku yahay u adeegidda mustabalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-dhisi doonto dhulkii hey’addaha dowladda taasi oo shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay banneeyaan guud ahaan xarumaha dowladda maadama ay u baahantahay in danta guud loogu shaqeeyo.

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo u matalaya Soomaaliya danjire aan degaan ahayn (non-resident ambassador).

Tallaabadan ayaa astaan u ah horumar cusub oo laga gaaray xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kirgistaan, iyadoo ay tani noqoneyso markii ugu horreysay ee Soomaaliya safiir u magacowdo dalkaas.

Sidoo kale, labada dal ayaa sanadkii 2025 heshiis muhiim ah oo iskaashi ah ku kala saxiixday xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York, taas oo dhidibada u taagtay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, oo laga hirgaliyey dhisme casri ah oo loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxa uu sheegay in dhismaha xaruntani uu qeyb ka yahay horumarinta kaabeyaasha nolosha bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka iyada oo xaruntani ay dabooli doonta baahidii dhanka xafiisyada ee Wasaaraddani ay qabtay.

Dhismahan casriga ah oo loo qalabayeeyey qaab ku habboon xarumaha shaqo ee hay’adaha dowladda, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dowladda si kor loogu qaado hufnaanta iyo adeegga dadweynaha.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku dadaalaysa sidii ay koronto bilaash ah u heli lahaayeen dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa danta guud sida goobaha caafimaadka, waxbarashada, iyo xafiisyada dowladda, iyada oo dhanka kale gacanta lagu hayo biyo-galinta in ka badan 20 magaalo oo ku kala yaala gobollada dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu adkeeyay in Soomaaliya ay u dhaqaaqday isku tashi bulsho iyo mid dowladeed maadama xilligan uu isbeddel ku yimid dhaqaalaha adduunka taasi oo keentay in mudnaan gaar ah ay Xukuumaddu iska saarto ku isku filaanshaha iyo wax-soo-saarka gaar ahaan dhanka Koronta, Biyaha iyo Khayraadka kale ee dalku leeyahay.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee sanadkaan ayaa ka qabsoomay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankan uu ahaa mid muhiim u ah dejinta hannaanka hoggaamineed iyo jihada mustaqbalka ee Hay’adda.

Kulankan ayaa waxaa Dowlada Federaalka 00Soomaaliya Ku matalayay wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha wasaaradda Howlaha Guud dib udhiska iyo guryeynta Mudane Saciid maxamed Maxamuud (Xayd) waxaana ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka kenya ahna Wakiilka Joogtada ah ee Hay’adda UN Habitat iyo Xubna Ka tirsan Saraakiisha Safaarada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qayb galay diblomaasiyiin iyo saraakiil ka kala socday dalalka caalamka, intii uu socday kalfadhiga, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isla xisaabtanka, hagaajinta maamulka maaliyadeed, iyo horumarinta barnaamijyada la xiriira degsiimooyinka bini’aadanka, iyadoo la waafajinayo yoolalka United Nations ee horumar waara.

Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay kalfadhiga Guddiga Fulinta ee UN-Habitat, ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadayso mowqifka Kooxda Afrika, isla markaana ay uga mahadcelinayso hay’adda taageerada joogtada ah ee ay siiso dalalka xubnaha ka ah horumarinta magaalooyin waara.