Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Federaalka ay si adag u diidday go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsanayso Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub khatar ah oo ka dhan ah axdiyada caalamiga ah iyo midnimada dalka.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay in dowladda aysan u tanaasuli doonin ilaalinta badqabka dhulkeeda, iyadoo adeegsanaysa caddaadiska dublamaasiyadeed iyo taageerada ballaaran ee caalamiga ah ee ay heshay qadiyadda Soomaaliya.
Mudane Daa’uud Aweys ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay calaamad cusub oo muujinaysa xadgudubyada ay Israa’iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda,wuxuuna intaa raaciyay in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan dhulkeeda la taaban Karin.
Wasiirka Warfaafimta waxa uu xusay in tallaabada Israel loo arko xadgudub cusub oo dalkaasi uu ka galay madaxbannaanida Soomaaliya, taas oo si qayaxan ay u diiddab tahay Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka ay dowladda qaadi doonto si ay uga jawaabto go’aankan, wasiirka ayaa yiri “ Waxaan ku caddeynay bayaan naga soo baxay saddex maalmood ka hor in ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda
aysan aqbali karin dawladda Soomaaliya. Waxaan sidoo kale xaqiijinnay in mudnaanta koowaad ee dawladda ay tahay in arrintan lagula tacaalo marinno dublamaasiyadeed,taas oo dhab ahaantii bilaabatay 26-kii Diseembar, markaas oo ahayd taariikhdii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.
“Weli waxaan ku kalsoonnahay marinnada dublamaasiyadeed si aan u hubinno in arrintani aysan sii socon. Waxaan horeyba taageero wanaagsan uga helnay daafaha dunida, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, tiro dalal Islaam ah, Ururka Midowga Afrika iyo ururro kale oo caalami ah kuwaas oo tallaabadan u arka xadgudub ka dhan ah midnimada dhulka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka .
Wasiirka oo ka hadlayay isku dayada Israa’iil ee lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka iyo saameynta ay ku leedahay gudaha, ayaa intaas ku daray: “Sida aan horay u sheegay, marinnada dublamaasiyadeed waa mudnaanta koowaad ee ay dawladda Soomaaliya ka fikirayso. Waxaan dabcan arrinkaas u mareynaa xiriirka aan la leenahay Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah. Waxaan dhab ahaantii ku faraxsanahay in dalal badan ay nagu raaceen in tani ay ka dhigan tahay xadgudub ku ah madaxbannaanidayada iyo midnimada dhulkayaga. Waxay sidoo kale calaamad u tahay isku dayga Israa’iil ay ku doonayso inay xiisad iyo iska horimaadyo ka abuurto gobolka. Waxaan aaminsanahay in xitaa maamulka Somaliland ay jiraan mas’uuliyiin yar oo riixaya fikraddan ah in la aqoonsado Israa’iil, balse waxaan sidoo kale aaminsanahay in shacabka Somaliland ay qabaan ra’yi ka duwan, dhab ahaantiina aysan ku raacsanayn go’aankan gardarrada ah ee ay qaadatay xukuumadda Israa’iil.”
Wasiirka Warfaafinta ayaa hadalkiisa kusoo xiray digniin ku saabsan in dalku ku dhex dhaco iska horimaadyo cusub oo caqabad ku noqda dadaallada qaranku ugu jiro la dagaallanka argagixisada, isagoo yiri: “Isqabqabsi kasta ama dhib kasta oo adduunka ka dhaca, Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dariiqa keliya ee xalku u maro ay tahay dublamaasiyadda. Ma doonayno iska horimaadyo hor leh oo ka dhaca gobolka; waxaan soo maray tiro ku filan oo dagaallo ah iyo dagaalladii sokeeye, waxaana intaas dheer in Soomaaliya ay dadaal hagar la’aan ah ugu jirto sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha ka jira gobolka oo ay horseedka ka yihiin kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo ururka Daacish.
