Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu iyo wafdi ka socday safaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya Somalia iyo China, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada Dowladda Shiinaha ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo tayeynta ciidamada amniga, iyo la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigaasi uu door muhiim ah ka qaato sugidda xasilloonida iyo amniga dalka.

Danjiraha Dowladda Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa dhankiisa xaqiijiyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinaca amniga, isagoo si gaar ah u xusay horumarinta hay’adda miino baarista Soomaaliyeed iyo tayeynta shaqaalaha ka hawlgala, si loo yareeyo khataraha miinooyinka loona xoojiyo badbaadada shacabka.

Kulanka wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire iyo Lataliye sare ee Wasaaradda, Shoki Hayir.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiyadeed ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...