Maxkamadda G/banaadir oo  guri  muddo si sharci darro ah lagu heystay ku wareejisay qoyskii lahaa “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta gurigooda ku warreejisay qoys Soomaaliyeed, kuwaasi oo in muddo ah si sharci darro ah gurigaasi looga heystay, waxaana Guriga uu ku yaalaa Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Aweys Sh C/laahi Wehliye, ayaa sheegay in Maxkmadda Gobolka ay  ku guuleysatay in Gurigan dib ay ugu celiyaan qoyskii lahaa, oo ay wakiil ka ahaayeen C/rashiid Xariir Odawaa iyo C/wali Cali Claahi .

” Maxkmadda Gobolka Banaadir, waxay ku guuleystay maanta oo ay taariikhdu tahay 25-10-2017, iyaddoo kaashaneysa Booliska Gobolka Banaadir in si buuxda loogu warreejiyo hanti ma guurto ah guri aad u weyn oo ay laheyd Aamino Cumar Ileeye oo wakiilo ay u ahaayeen C/rashiid Xariir iyo C/wali Cali” ayuu yiri Guddoomiye Aweys

C/rashiid Xariir Odawaa iyo C/wali Cali Claahi, ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir uga Mahadceliyey sida wanaagsan ee  Gurigooda ay dib ugu soo celisay, iyagga oo wakiil ka ah Qoyskii Guriga lahaa ee muddada dheer sida sharci darrada ah looga heystay.

Sidan oo kale dhowr jeer oo hore Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay dib Guryahooda ugu cellisay dad in muddo ah laga heystay.


 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...