Wasiir Warfaafinta Koonfur Galbeed “Sedex Shabaab ah ayaa la dilay, Jab xoogana waa la gaarsiiyay”

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlgal ciidamada xooga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaan 50-km u jira magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay dagaal xoogan la galeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, waxayna ka dileen 3 maleeshiyo, halka ay mid kalena dhaawaceen, waxaana saldhiga lagu weeraray Al shabaab lagu gaarsiiyay Jab xoogan.

Khasaaraha soo gaaray dhinaca ciidamada xooga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayuu ku sheegay wasiirka Hal askari oo geeriyooday iyo Labo dhaawacyo ay soo gaareen.

Weerarkaasi ka dib Al shabaab way iskaga carareen deegaankaasi waxaana hada gacanta ku haya ciidamada xooga dalka, iyadoo xaalada ay degan tahay, shacabkana ay si weyn u soo dhaweynayaan ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...