Madaxweyne Farmaajo “Musiibadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale noogu soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna”

Date:

Muqdisho, 25 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan.”

Madaxweynaha ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab, isagoona safarkiisa kahor Xarunta Ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

 DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...