Madaxweyne Farmaajo “Musiibadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale noogu soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna”

Date:

Muqdisho, 25 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan.”

Madaxweynaha ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab, isagoona safarkiisa kahor Xarunta Ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

 DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...