Home Blog Page 1483

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarunta ka hortaga Musiibooyinka dhowaan la furi doono “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaradda dhowaan ay furi doonto Xarun cusub oo looga hortagayo Masiibooyinka qaran oo  lamid ah  Qaraxii Zoobe KM5 ee Magaaladda MMuqdisho ka dhacay.

 
Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in Xarunta Qorshahu yahay in la furo ay ka shaqeyn doonto siddii looga hortagi lahaa Musiibooyinka qaran, islamarkaan qorshe looga yeelan lahaa ka hor tagooda iyo haddii ay dhacaan in la helo ka jawaabis deg deg ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sidoo kale u mahad celisay dadka gacanta weyn ka geystay gargaarka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay, iyaddo sheegtay in Ummadda Soomaaliyeed haddii ay isku gargaaaraan inay isku filan yihiin.

 
Ugu dambeyn Marwo Maryan Qaasim, ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana ay sheegtay in kaalin weyn ay ka qaateen Gurmadka loo fidinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

Xarunta Gurmad qaran oo wali ay ka socoto Diiwaan gelinta dadkii lagu waayey Qaraxii KM5 ka dhacay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maalintii Shanaad Xarunta Guddiga Gurmad qaran ee Musiibadii Zoobe Magaaladda Muqdsiho, waxaa ka soconaya Gargaarka iyo diiwaan gelinta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maleeshiyadda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen isgoyska Zoobe (KM5) ee Gobolka Banaadir.

 
Xarunta waxaa wali soo gaaraya dad aad u fara badan oo baadi goob ugu jira dad ay ku waayeen Qaraxii zoobe, sidoo kale waxaa xarunta imaaneysa Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ula socdaan qaabka ay wax u socdaan iyo waxyaabihii soo kordhay.

 

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo qaar kamid ah Shaqaalaheeda ay maalmahan ka howlgalyaan Xarunta Guddiga Gurmad qaran, ayaa si gaar ah isaga xilqaantay in Ummadda Soomaaliyeed ay usoo gudbiso Xaqiiqda dhabta ah ee qaraxii Zoobe qasaarihii uu geeystay, Dadkii ku waxyeeloobay iyo baadi goobka dadka wali lagu la’yahay qaraxaasi oo aan lagu heyn Nolol iyo Geeri.

 


Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Guddiga Shaqaalaha rayid Dowladda oo lacag deeq ah ku warreejiyey Guddiga gurmad qaran

0

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 5.000$ ku warreejiyey Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe, waxaana lacagtaasi guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow oo wakiil ka ahaa Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaallaha rayid ee Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow, ayaa sheegay in lacagta ay ku warreejiyeen guddiga Gurmad qaran ay iska soo arruuriyeen dhexdooda, waxaana Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo sameynayo dadkii ku waxyeelooby qaraxii Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyey guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda lacagta ay ku warreejiyeen Guddiga gurmad qaran ee loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay Xasuuqii Zoobe ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay.

Saxaafadda Soomaaliyeed oo isku raacay in dhex dhexaad aysan ka noqon doonin Baahinta Xasuuqa Argagixisada Alshabaab ay geeysanayaan

0

Kulan ay isugu yimaadeen Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Owqaafta iyo arrimha diinta, Agaasimmaha Guud ee Wasaaaradda Wafaafinta, Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa banaan, Agaasimaha Telefashinka Qaranka, Agaasimaha Radio MMuqdisho iyo Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyaggoo ka hadlay doorka Warbaahinta laga rabo.

 

Mudane Cabdullaahi Xirsi oo kamid ah Masuuliyiinta Telefashinka Universal kuna hadlayey afka warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, ayaa sheegay in aysan dhex dhexaad ka noqon doonin Xasuuqa iyo Gumaadka Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isagoo sheegay in ay ku guda jiraan uruurinta lacag ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo kulankaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay qaateen Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka dalka iyo sidoo kale in loo gurmado dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.

Warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Yariisow, in dadka dhibaneyaasha ah Codkooda meel sare la gaarsiiyo, loona fududeeyo in warbaaahinta ay ka hadlaan, si loogu soo gurmado.
Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Iimaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay diyaariyeen Culimo Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonna Wacyi galinta Bulshadda, si aan loo marin habaabin Bulshadda, isagoo warbaahinta ugu baaqay in laga qeyb qaato wacyigelintaasi.

 

Ugu dambeyntii kulanka kadib, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dalka, ayaa booqday goobtii qaraxa uu sabtii lasoo dhaafay ka dhacay ee KM5, halkaasi oo ay ka socotay olole dib loogu dayactiayo waddadaasi.

Waddada Isgoyska Zoobe oo howl dib u dayactir ka bilaabatay

0

Guddoomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabit Abdi Maxamed ayaa ka qeybgalay howl dib u dhis iyo dayactir ka bilaabatay Isgooska 14 October (Ex zobe) oo dhawaan ku bur buray Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay kaa oo sababay dhimashada dadbadan oo shacab ah.

 

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobtu uu ka socday howashaasi dib u dayactirka ah ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso waddadaasi, si ay u soo laabato isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.ka kala goosha Isgoyskaasi.

 

Waddada Isgooska Zope ayaa 14-kii bishan ka dhacday musiibo aad u xun, taasi oo ay ku nafwaayeen Boqolaad Dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

  

Guddiga Gurmad qaran oo dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Howlaha gargaarka ah “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddigaasi, ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii KM5 ee Magaaladda Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka, ayaa sheegay in dadka musiibada ay soo gaartay ay u baahan yihiin gargaar aad u ballaaran, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ah  inay qeyb lixaad leh ay ka qaataan gurmadka.

 

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha gurmadka ah, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan dadkii Caawinaada ka qeyb qaatay.

 

Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Guddiga Gurmad Qaran oo baaq u diray maamul goboleedyada dalka

0

Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Zoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddigaasi, ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeelloobay Musiibaddii KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka, ayaa sheegay in dadka musiibada ay soo gaartay ay u baahan yihiin gargaar aad u ballaaran, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ah  inay qeyb lixaad leh ay ka qaataan gurmadka.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha gurmadka ah, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan dadkii Caawinaada ka qeyb qaatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee ka qeyb qaatay u gurmashada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa mid is xogwareysi iyo mahadcelin uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka u jeedinayay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane oo ay ku jireen dhaqaatiir, kuwaasi oo ka qeyb qaatay inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane ayaa sheegay in isaga iyo dhaqaatiirta la socotay ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay markasta garab taaganyihiin Walaalood Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socday Jabuuti ee 16-kii bishan soo gaaray Muqdisho, ee isugu jiray dhaqaatiir iyo dawooyin ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, kaalintii ay ka qaateen wax u qabashada Walaalahood, isagoo xusay in Walaalaha reer Jabuuti ay ku weynyihiin qaluubta shacabka Soomaaliyeed oo aan markasta iloobi karin sida ay u garab taaganyihiin.

Kulanka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada MuqdishoDr Maxamed Yuusuf  iyo mas’uuliyiin kale.

Boqorka Marocco oo ugu Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Qaraxii Zoobe

0

Rabad-(SONNA)– Boqorka dalka Morocco Maxamed Lixaad ayaa dhambaal tacsi ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mahamed Abdulaahi Maxamed Farmaajo weerarkii wuxuushnimada ahaa oo ay kooxda xaqjirka ah ee Al-Shabaab ku laayeen 14-kii bishan ilaa 300 oo Qof, tiro intaa ka badan ay ku dhaawaceen.

Boqorka ayaa dhambaalkiisa ku xusay in isagoo ku hadlayo magaciisa, kan xukuumadda iyo midka shaacabka Marocco uu aad ugu xun yahay dhacdadaasi ay ku nafwaayeen dad maato ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna falkaasi lagu laayay dadkaasi ku tilmaamay mid argagixiso ah , kana soo horjeeeda qiyamka insaaniga ah iyo diinteyna muqadaaska ah.

Bqorka dalka Marocco ayaa tacsiyadaa uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya uu Eebe ugu baryay dadkii dhacdadaasi ku geeriyooday inuu naxriistiisa ka waraabyo eheladii iyo qoysaskii ay ka tagayna uu ka siyo Samir iyo Iimaan .Amiin.

 27- sano kadib Diyaaradaha Ganacsiga Sacuudiga oo gaaray Ciraaq

0

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Nas ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay  in Diyaarad ganacsi oo laga leeyahay dalkaasi kana tagtay magaalada Riyaad ay markii u horeysay muddo 27 sano ah ka degtay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Boqortooyada sacuudoiga ayaa waxa ay si rasmi ah u joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaheeda Ciraaq sanadkii 1990-kii xiligaasi oo ku beegneyd markii Madaxweynihii hore ee ciraaq Sadam Husen uu weeraray dalka Kuweyt .

Labada dal dhawaan ku heshiyeen in dib loo furo  marinka u dhaxeeya oo la xiray sanadkii 1990, dhanka kale shirkadda Diyaaradaha Nas ee Sacuudiga ayaa sheegtay  inay qorsheynayso dulimaadyo kale oo ay shirkadaheeda diyaaradaha ku tagaan magaalooyin kale oo ka tikrsan dalka ciraaq.

Sacuudiga iyo Ciraaq ayaa dhawaan bilaabay inay dib u soo ceshadaan xiriirkooda si ay wadajir ugu wajahan awooda isa sii taraysa ee Iiraan ay ku leedahay Mandiqadaasi.

Madaxda shirkadda Diyaaradda Nas ee Saciidiga  Bandar Al-mihna uu sheegay in talaabadan ay shirkadiisu qaaday ay tahay mid albaabada u fureysa siina xoojinaysa xiriirka labada dal ee carbeed.