Home Blog Page 1483

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjire Micheal Keating

0

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare.

Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dardar galinta hawlaha dastuurka, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii uu kaga bixi lahaa ku meel gaarka.

Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u socdaan hawlaha Dastuurka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in booqasho uu ku yimaado xarunta aqalka sare, wuxuuna sheegay in uu aad ula dhacay qaabka shaqada Dastuurka ay u socoto, isagoona ku baaqay in la xoojiyo si loo dhameystirayo hawlaha harsan ee Dastuurka.

Ministry of Telecom leadership relocates to Headquarters for the first time in 27 years

0

(Mogadishu, August 29, 2017) The Deputy Prime Minister, H.E. Mahdi Ghuled, has lauded the new leadership of the Ministry of Posts, Telecom and Technology for successfully relocating their offices to the Ministry Headquarters for the first time in 27 years.

Speaking after visiting the Ministry, H.E Ghuled said this decision would not only improve productivity and accountability, but will also boost the morale of staff.

Since 2014, the ministry’s leadership, such as the minister, his deputy and the director general, maintained offices at the premises of the Ministry of Information (MoI), while the rest of staff members have been working at the main building in Bondhere. However, after the necessary arrangements have been completed in the last few months, the temporary offices at MoI premises were officially closed and handed over back to the Ministry of Information.

H.E. Abdi Ashur Hassan, minister for posts, telecom and technology said that the Ministry couldn’t execute its annual plan or deliver credible service to the sector and citizens at large if the leadership and staff members are not working in the same place.

“The relocation of offices back to Ministry HQ and closure of temporary offices show our commitment. We believe that no proper work can be accomplished without the direct involvement and interaction of top management and the staff members,” added the minister.

END

Madaxda Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo xarunta ku shaqo billaabay 27 sano ka dib

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku bogaadiyay masuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada inay muddo kooban gudaheed ku guuleysteen inay si buuxda ugu shaqeeyaan xarunta rasmiga ah ee Wasaaradda.

Isagoo hadlayay ka dib markii uu soo booqday dhismaha Wasaaradda, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu sheegay in tallaabadani ay si weyn kor ugu qaadi doonto wax-soo-saarka iyo niyadda shaqaalaha, isla markaasna suurtogelin karta isla xisaabtan buuxa.

Waa markii ugu horreysay ee dhismaha Wasaaradda ay si buuxda ugu shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Hase yeeshee, markii ay soo gabagaboobeen waxyaabo ka dhinnaa dhismaha oo la sameeyay bilihii la soo dhaafay, waxaa la soo xiray xafiisyadii kale, iyadoo madaxda wasaaraddu ay si rasmi ah ugu shaqo billaabeen xaruntii ay Wasaaraddu lahayd.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in aysan suurto geli karin fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda haddii aysan masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaaluhu ku wada shaqeynin hal meel, isaga oo sidoo kale ka mahadceliyey martigelinta Wasaaradda Warfaafinta ee muddadaas dheer.

“Guuritaanka rasmiga ah ee madaxda wasaaradda iyo xiritaanka xafiisyadii kale waxay muujinayaan sida ay nooga go’an tahay inaan dalkeena iyo dadkeena u adeegno. Waxaan aaminsanahay inaan shaqo wanaagsan la qaban karin haddii maamulka sare iyo shaqaaluhu aysan isku meel ku shaqeyneynin, waayo ma jiri karaan wada-shaqeyn iyo isla-xisaabtan” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay wasiirka.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Maanta Kulan deg deg isugu imaanaya

0

Galinka dambe ee Maanta Golaha amaanka ee Qaramada Mdioobay ayaa kulan deg deg isugu imaanaya Magaalada New York ee dalka Mareynkanka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa Arimaha waqooyiga Kuuriya gaar ahaan waxaa diira lagu saari doonaa Gantaalkii ay dul mariyeen Hawada Japan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo mudo 40-daqiiqo ah ku wada hadlayay Qadka Telfoonka ayaa si wadajir ah u codsaday kulankan.

Shinzō Abe oo la hadlayay wakaalada wararka France ee AP ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in la kordhiyo Cuna qabateynta Kuuriyada Waqooyi, maadaama ay ku xad gudbeen Hawada Japan, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha inay door weyn ka qaataan in la talaabo laga qaado Xukuumada Pyongyang.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha japan wuxuu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ku celceliyay inuu garab taagan yahay Japan, isla markaana ay dhinac kaga soo jeesanayaan Hanjabaada kaga imaaneysa Dowlada waqooyiga Kuuriya.

Waa markii ugu horeysay oo Dalka Japan uu si toos ah u dulmaro Gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday tijaabada Gantaalada Ridada dheer.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay seddax Gantaal, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo fashilmay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holand

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holand ayaa kulan soo dhaweyn ah waxaa ay u sameeyeen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan En. Yariisow oo dhawaan halkaasi Gaaray.

Wasiirka warfaafinta ayaa kulankaasi waxaa uu ku xog wareystay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Dalka Holand, kuwaasi uga warbixiyay xaaladda ay ku sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale kulankaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi iyo aqoonyahano kale.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (En Yariisow) Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Jaaliytadda Soomaaliyeed ee Holand xaalada dalka uu marayo iyo horumarada halkaasi kajira, iyo kaalinta Qurba joogta Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana ku dhiiro geliyay in kaalintooda.

Source: SONNA

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Maanta Muqdisho Shir ka furtay

0

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxman Ducaale ayaa maanta Muqdisho ka furay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaran.

Shirkaan oo ku saabsan hagaajinta hanaanka Maaaliyadeed ee Dalka waxaa goob joog ka ah Xisaabiyayaasha ka socda Wasaaradaha ugu shaqada badan XFS.
Xisaabiyaha guud ee Qaran Axmed Yuusuf Muumin ‘Siraaji’ oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in hada hanaanka maaliyadeed ee Dalka uu aad uga wanaagsanyahay sanado ka hor sidii uu ahaa.
Sidoo kale Wasiir Bayle oo Shirka furay ayaa ku dheeraaday ka hadalka sida loogu baahanyahay in laga fogaado musuqmaasuqa, isagoo sheegay in dhawaan la rajeynayo in isku filnaasho lagaaro.
Maalmihii ugu damneeyay Wasaaradda Maaliyaddu waxay waday shirar iyo Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee Hey’addaha Dowladda si wax isdaba marsiin looga fogaaado.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Munaasabad duco iyo xusuus ah maanta ugu qabatay Royal Palace Hotel ee Magaalada Muqidisho Marxuum Abdirahman Jama Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka.

Munaasabadaan ducada ah oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaalida, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre in qabrigiisa ka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, hoygiisana ka yeelo Jannada sare ee Alfardows.

Hadallo ay Munaasabadda ka kala jeediyeen Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan, Danire Cali Maxamed Cali iyo diblomaasi hore Cabdi Shire Warsame, waxa ay wada xuseen kartidii maamul ee uu ku hagayay marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo siyaasaddeeda, taasi oo horseed u noqotay in saaxadda caalamka iyo midda gobolka ay si weyn uga muuqato Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Xasan “Juriille” oo ah xubin ka tirsan Aqalka sare ayaa muujiyay in xog ogaalnimadii Cabdiraxmaan Jaamac Barre ay wax weyn ka badashay howlihii shaqo ee Wasaaradda mudadii uu joogay, xaqiijiyayna guullo la taaban karo.

Si la mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha H.E. Mr. Abdullahi Hamud Mohamed ayaa farriin tacsi ah oo uu ka siday Ra’iisul wasaare H.E. Mr. Hassan Ali Kheire u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay la qeybsanayso murugada iyo tiiraanyada reerka Wasiirkii hore.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare Hon. Mr. Mowleid Hussein Guhad ayaa isna tacsi uu ka sidday Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo sheegay in wanaaggii uu ka tagay Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac ay sababtay in jiilka xilligan shaqeeya ay maamuusaan waxqabadkiisii, ayna u duceeyaan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa isna sheegay inuu ka mid ahaa jiilkii da’yarta ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka shaqeynayay xilligii uu Wasiirku ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo ku tilmaamay in cadaalad-falkiisii ay gaartay heer uu ka war-doono diblomaasiga xanuunsada, ugana farxiya kuwa dadaalka badan darajooyin kala duwan oo dalacsiin iyo abaal marrinno leh.

Qoyska Marxuumka oo Munaasabadda goob ka joog ka ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo marti sharafta kale uga mahadceliyay ka qeybgalkooda Munaasabadda ducada, waxa ayna bogaadiyeen sida qiimaha leh ee loo maamuusay Marxuumka.

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ayaa labo xilli noqday Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxa uu ahaa siyaasi indheer-garad ah, macallin iyo barbaariye.

Allah u naxariisto, Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa noqday Wasiirka lixaad (6,aad) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ka shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda muddo ku siman 11 sano, waxa uu u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa.

R/Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.

 

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirkani soconaya saddexda maalin ka sheegay hannaanka iyo qorshaha ballaaran ee uga yaalla Xukuumadda dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaraha ka dhacaya dalka ay saameeyeen.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahad-celiyey hay’adda Qaxootiga qaranka iyo hay’adaha caalamka ee ka qeyb qaadanaya badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku barakacay.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa yiri” Dawladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo dadka Soomaaliyeed ku heli karaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku nool yihiin.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo bixi doona warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo Go’aan ka soo saartay dhismaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo nuqul kamid ah ay heshey Radio Muqdisho ayaa lagu shaaciyay go’aano ay Wasaaraddu ay ka soo saartay dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan.

*Markii aan arkay sharci No.22 Taariikh 2 Nov.1985

Markii aan arkay qodobka 10aad farqadiisa 4aad ee xil haynta mudada maamulka Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 17aad farqadiisa 3aad ee qeexaya hadii dood dood ka timaado sharcinimada doorashada xubnaha guddiga Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 20aad farqadiisa 3aad oo sheegay waxaa lagu maareynayaa muranka shaqaalaha Ruhta oo ah xeer uu soo saaro Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

1: Laga Bilaabo maalinta uu saxiixo Wasiirku xeerkan waxaa la baabi’iyay lana burburiyay jiritaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Iyadoo la cuskanayo sharciyada kor  ku xusan.

2: Laga bilaabo maalinta uu saxiixo wasiirka wareegtadan, waxaa la joojiyay cidkasta oo la soo xiriiri jirtay ama ay la macaamili lahayd Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay gudaha iyo dibadda.

3:Sida Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha maamul Goboleedyada iyo kuwa Caalamka,Wasaaraddu waxay cayimi doontaa waqtiga la qabanayo doorashada maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,marka ay la tashato Ganacsatada Soomaaliyeed, rugaha maamul Goboleedyada iyo madaxda ay khuseyso.

4:Laga bilaabo waqtiga wareegtadan la saxiixo majirto shakhsi ama hay’ad sharci  u haysta in uu ku hadlo magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

5:Dhamaan Rugaha ganacsi iyo Warshadaha maamul Goboleedyada dalka waxay toos ula soo xiriirayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed inta laga dhisayo rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

6:Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa labadii dhinac ee isku hayay maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Gobolka Banaadir in doorasho xor iyo xalaal ah lagu qaban doono caasimadda Muqdisho muddo bil gudeheeda,iyadoo dhamaan ganacsatada iyo dhamaan ganacsatada Gobolka Banadir uu u furan yahay ka soo qeyb galka doorashada.

7:Qaabka doorashada iyo maalinta ay dhacayso doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir Wasaaradda ayaa dib ka soo saari doonta.

8: Ugu dambeyn, SharciNo.22 kuna Taarikheysan 2 Nov.1985 kuna kana hadlaya dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha,Beeraha,Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Farshaxanka, waxaa lagu dhaqmayaa inta laga soo dooranayo madaxda rugta  cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed qodobka 38aad farqadiisa 1aad oo qeexaya  hogaamin ku meel gaar ah oo rugtu yeelato,iyadoo la raacinaayofaqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee qodobka kor ku xusan marka ay soo dhameystirmaan.

Wadshaqeyn wacan

Khadra Axmed Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadah

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta la kulmay dhigiisa Dalka Masar

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa maanta kulan la qaatey dhigiisa Dalka Masar, ayagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hormarinta beeraha dibna loogu howl galin lahaa heshiisyo ay galeen labada dal sanadkii 2015-ka.

“Kulanka maanta aan la yeeshay wasiirka Beeraha Masar Dr. Abdulmuncim Albana waxu dabo socdaa fulinta heshiisyadii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay dhawaan ku gaareen magaalada Qaahira waxaana ka wadahalnay sidii aan isaga gaashan laheyn Hormarinta Beeraha ” ayuu yiri wasiirka Beeraha XFS oo lahadlay SONNA.

Ugu dambeyn Wasiirka beeraha Masar DR.Abdulmuncim Albana oo isna dhankiisa la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in maanta la hirgaliyay qeyb ka mid ah heshiiskii labada Madaxweyne.

“Manta Waxan hir galinaynay qeyb kamid ah qodobadii laga wada hadlay ee ku saabsana isfahamka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood, sidoo kale waxaan kawada hadalnay Wasiirka sidii loo abuuri lahaa Beer wadaag laga abuurayo soomaliya oo cabirkeedu uu gaarayo labo boqol oo Higtar.ayuu yiri DR. Abdulmuncim Albana.